Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Bar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

  

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska ee gobolka Shabeelaha hoose

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee  gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka  Xoogga Dalka ayaa kormeeray Ururada 4-aad iyo 64-aad ee kumaandooska Danab  iyo Guutada 7-aad iyagoona kula darmaamay inay u diyaar garoobaan howlgalada Ciidanka Xoogga dalka kaga xoreeynayaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Goboladda Dalka.

 

 

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Baay, Sarakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska.
Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo kooxaha Argigixisada ee dhibaateeya Shacabka.
Wasiirka Amniga dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah  Argigixisada Al-shabaab.

   

Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS oo daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda Adduunka

Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta

Hal ku dhiga munaasabadda ayaa ah sanadkan “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.

Munaasabadda waxaa ka qeygalaya wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James Swan, safiirrada dalalka caalamka u jooga dalka, mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, Ururada Bulshada rayidka iyo Ururka Haweenka.

Putin oo ku dhawaaqay qorshe Cusub oo wajahan dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay abaabul ciidan oo horleh, kaasi oo wax looga baddalayo dagaalka ka socda Ukraine.

Putin, ayaa qorshahan ka dhawaajiyay ka dib markii gobollada taabacsan Maamulka Ruushka looga dhawaaqay afti ku saabsan madaxbannaani ay ka go’ayaan Ukraine.

Qorshahan cusub ayuu madaxweyne Vladamir Putin, sheegay inuu ugu gol leeyahay xoraynta dhulka Donbass, isagoo oo xukuumadda ka codsaday in sharci la siiyo dadka mutadawiciinta ah ee ka dagaalama Donbass, si loom eel mariyo Go’aannada madaxbannaanida gobollada Donbass, Zaporozhye iyo Kherson.

Madaxweyne Putin ayaa reer galbeedka ku eedeeyay in aanay doonaynin nabad dhex marta Ruushka iyo Ukraine, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in Ukraine ay u adeegayaan Ciidamao calooshood u shaqeystayaal ah oo ay hogaaminayaan Saraakiisha NATO ee Waqooyiga Atlanta.

Gobalada taabacsan maamulka Ruushka, gaar ahaan gobolka Kherson, Donbass iyo Zaporozhye, ayaa sheegay in aftida ku biiritaanka Ruushka ay dhici doonto Jimcaha ilaa Talaadada soo socota, taasi oo Maraykankana uu sheegay in aanu aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda aftidaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka qeyb galay Shirka Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo hoggaaminaya wafti ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa magaalada Lyon, ee Dalka Faransiiska kaga qayb galay shirka Booliska Adduunka (INTERPOL) ee dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda Ciidanka Booliska in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey waxka qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Adduunka ee INTERPOL mudane Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo Xafiiskoodii Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho Bishii 7-aad ee sannadkii 2021-kii.

Ciidanka xoogga dalka oo xaqiijiyay in 10-katirsan argagixisada lagu dilay degaanka Sino dhaqo

Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3aad ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Howlgankaan ayaa lagu qaarajiyey 10 ka tirsan argagixisada Al-shabab iyadoo dhammaan la bur buriyey meelihii gabaadka u ahaa nabadiidka ee degaanada Sino dhaqo, Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin kooxda Argagixisada ay ku dhibaanteyn jireen Shacabka Soomaliyeed.

Taliyaha guutada 17aad ee Kumaandooska Gor-gor ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabsule Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay guulo waaweyn ka gareen howlgalka, iyadoona ciidanka Xoogga wali howlgalo uu kawado gobollada Mudug iyo Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6aad Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB & Guutada 5 aad ee Qeybta 27 aad ee Ururuka 8aad Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degaanadii laga xoreeyay argagixisada ka sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada ayaa degaannada ay howlgalada ka sameyeen waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane, Baardheere, Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca jiinga Wabiga Shabeelle.

Holgalka waxa sidoo kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Dadka ku dhaqan degaannada ay la wareegeen Ciidanka xoogga ay soo dhaweeyeen lawareegitaanka degaannadaas.

Madaxweyne Galmudug oo saxiixay laba Sharci

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka,

Wuxuu madaxweyne Qoor Qoor sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

   

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka oo sheegay in la dilay 127 katirsan Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Sheegay in argagixisada laga saaray degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan intooda badan soona afjareen ciidamadu, sidoo kalena ay socdaan howlgallada degaannada Gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan argagixisada.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay howlgaladii ka socda Gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 127 dagaalame oo katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo guula la taaban karo ka gaaray howlgaladii argagixisada looga saaray degaanno badan oo katirsan Gobolka Hiiraan

Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab aya dhawanaha ka socday degaanada cadwga oo gacanta ku hayay ee katirsan Gobolka Hiiraan,iyadoona degaladaasi ciidamada dowladda ay ka gaareen guula,waxan sida ay sarkiishu sheegaty dowlada Soomaaliya ka go’an in meelaha kale maleeshiyada argagixisada dalka ka joogto laga xoreeyo si ay shacabku u helaan nabad iyo xasilooni.