Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6aad Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB & Guutada 5 aad ee Qeybta 27 aad ee Ururuka 8aad Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degaanadii laga xoreeyay argagixisada ka sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada ayaa degaannada ay howlgalada ka sameyeen waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane, Baardheere, Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca jiinga Wabiga Shabeelle.

Holgalka waxa sidoo kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Dadka ku dhaqan degaannada ay la wareegeen Ciidanka xoogga ay soo dhaweeyeen lawareegitaanka degaannadaas.