Imaaraadka Carabta oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa usoo magacawday mudane, Axmed Jumca inuu noqdo safiirka u fadhin doona dalka Soomaaliya.

Safiir, Axmed Jumca ayaa ka mid ahaa dhowr safiir oo shalay ka hor dhaartay madaxweynaha dalkaas si ay gutaan howlaha cusub ee loo igmaday.

Madaxweynaha dalka Imaaraat-ka , Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Ilaah la garab galo shaqadiisa cusub, isagoo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee Imaaratka iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Uk oo ku dhawaaqday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Ukraine

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalka Ingiriiska Liza Truss oo khudbadeedii u horaysay jeedisay Arbacadii ayaa sheegtay in Dowladdeedu sii xoojin doonto taageerada ay u fidinayso dalka Ukraine oo dagaal kala dhexeeyo Ruushka, “Waxaan ballan qaadayaa in aan joogteyn doono ama aan kordhin doono taageeradayada milatari ee aan siino Ukraine,”Liza Hadalkeeda, ayay ku sheegtay in aanay jirin cid u hanjabtay Ruushka.

madaxweynaha Ruushka ayaa ku dhawaaqay abaabul ciidan oo hor leh isaga oo u yeeray 300,000 oo ciidamada kaydka ahaa,Ruushka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu samayn doono wax walba oo suurto gal ah hadii ay khatar gasho madaxbanaanida dalka Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia

New York- Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar  Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo  madaxaweyne ,Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada New York kaga qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ayaa halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan oo ka kala yimid caalamka.

  

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gargaarka oo deeq-bixiyeyaasha Caalamka ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan dalabkooda

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee Arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-bixiyeyaasha Caalamka ayaa  ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku beddalaan macluul.

Ergeyga ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diiradda lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Midoobay,waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamcada Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha gargaarka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska,Talyaaniga,Qatar iyo Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadamnimada iyo gurmadka deg-degga ah,iyo sidoo kale madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.

       

Wasiirka Beeraha ee XFS oo kulan wadatashi ah oo la xiriira Horumarinta wax soo saarka la qaatay khubarada beeraha ee Dalka

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa Waxaa lagu casuumay xubno horey Madax uga soo noqotay Wasaarada, Aqoonyahano iyo xeel-dheerayaal ku takhasuusay xogta Beeraha Iyo Waraabka Dalka Soomaaliya.

Waxaana ahmiyadu ahayd in khuburadaas laga dhagaysto talooyinkooda la xiriira kor u qaadida tayada waxsoosaar ee Beeraha Dalka, iyo kawda shaqeynta yoolka Wasaaradda ee ah helidda sugnaan cuno si uu Dalku u gaaro Isku filnaansho dhanka cunada ah oo dhameytiran.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeyn Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha guud Iyo Agaasimo waaxeedyada Wasaaradda ayaa waxaa si rasmiya u furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow wuxuuna ku dheeraaday muhiimada ay dalka u leedahay in kor loo qaado waxsoosaarka Dalagyada kasoo go’a Beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay Abaartu ka mid tahay.

Ugu dambeyn shirkan oo ahmiyad weyn leh ayaa lasoo gabagabayn doonaa maalinta biriya iyadoo talooyinka khuburada Beeruhu ay soo jeediyeena looga faa’iidaysan doono qorshaha Qaran ee Wasaaradu ku howlgali doonto.

 

          

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Masar

qaahira- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirada Warbaahinta Carabta ayaa maanta Madaxtooyada Masar kulla kulmay Madaxweynaha Masar mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi isagoo uga warbixiyay horumaradda kalla duwan ee dowladda ku tilaabsatay ee dhinacyadda Siyaasadda, Waxbarashada, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa qeyb ka ahaa kulan uu maanta Madaxweyne Al Sisi kula yeeshay Madaxtooyada dhammaan Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Jaamacadda Carabta.

Intii lagu guda jiray kulanka Madaxweynaha  Masar ayaa Wasiirada Warbaahinta Carabta u sharaxay muhiimadda doorka istiraatiijiyadeed ee warbaahinta iyo taageerada dadaallada dalalka carabta si loo gaaro xasillooni iyo horumar, iyada oo la dardargelinayo arrimaha qaranka iyo wacyiga bulshada ee dalalka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac aya maalinta barita qaahira uga qeyb gali doonna Kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta.

 

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York Boqorka dalka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab.

Labada Hoggaamiye ayaa  isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray adeegga duulista hawadda ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warramay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey’adda maamusha hawada dalka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay heerkan maanta la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa xusay in horumarinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeegga duulista hawada dalka.

                 

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane  FEI Shengchao.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dal, abuuridda jawi wada shaqeyneed oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.

Danjiraha dowladda shiinaha ee Soomaaliya mudane  FEI Shengchao ayaa ka shakeeyey taariikhda xiriirka soo jireen ka ah ee ka dhexeeya labada dal, waxaana uu ku tilmaamay mid walaalnimo iyo saaxiibtinimo oo qoto dheer, isaga oo xusay inay diyaarin u yihiin hagaajinta iyo ilaalinta xiriirkaas qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey danjire FEI Shengchao sida uu diyaar ka ugu yahay xoojinta midnimada iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan uu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac, iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.

 

          

Ciidanka Dowladda oo qasaaro xooggan gaarsiiyay Argigixisada Al-shabaab

Dagaal xoogan oo qasaaro lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Argagaxisada Al shabaab ayaa ka dhacay dhinaca galbeed ee deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo dadka degaanka oo isku dhinac ah iyo Shabaab.

Iska hor, imaadkaan ayaa si toos ah ugu dhacay deegaanka Samataro oo dhinaca galbeedka ugu beegan Booco oo kamid ah fariisimii ugu weynaa oo maalin ka hor laga qabsaday Argigixisada.

Dagaalka ayaa biloowday kaddib markii Argagaxisada tiro Hoobiyeyal ah kasoo tuureen dhinaca galbeedka kuna tuureen Deegaanka Booco,taasi oo keentay in ciidanka dowladda Wabiga ka gudbaan si ay gacanta ugu soo dhigaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee weerarka Madaafiicda ah ku qaaday Booco.

Dagaalka oo socday muddo Saacad ku dhow ayaa lasoo warinayaa in sideed xubnood looga dilay iyo qasaaro kale waxaana ayna ka carareen hub iyo gaadiid halkaasi u yiilay.