Ciidanka Dowladda oo qasaaro xooggan gaarsiiyay Argigixisada Al-shabaab

Dagaal xoogan oo qasaaro lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Argagaxisada Al shabaab ayaa ka dhacay dhinaca galbeed ee deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo dadka degaanka oo isku dhinac ah iyo Shabaab.

Iska hor, imaadkaan ayaa si toos ah ugu dhacay deegaanka Samataro oo dhinaca galbeedka ugu beegan Booco oo kamid ah fariisimii ugu weynaa oo maalin ka hor laga qabsaday Argigixisada.

Dagaalka ayaa biloowday kaddib markii Argagaxisada tiro Hoobiyeyal ah kasoo tuureen dhinaca galbeedka kuna tuureen Deegaanka Booco,taasi oo keentay in ciidanka dowladda Wabiga ka gudbaan si ay gacanta ugu soo dhigaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee weerarka Madaafiicda ah ku qaaday Booco.

Dagaalka oo socday muddo Saacad ku dhow ayaa lasoo warinayaa in sideed xubnood looga dilay iyo qasaaro kale waxaana ayna ka carareen hub iyo gaadiid halkaasi u yiilay.