Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Xoghayaha Qaramada Midoobey

New York- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres  ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa dalka Suudaan oo New York ku kulmay

New York- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo New-York kula kulmay Xoghayaha Fulinta ee IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Qaramada Midoobay ee new Yorka kula kulmay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Waraqna Gebexo.

Dhinacyadaasi waxa ay ka hadleen xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha .

Waxaa kaloo Madaxweynaha iyo xoghayaha ay isla soo qaadeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Waraqna Gebexo, waxaa diiradda lagu saaray dardargalinta howlgalada ciidan ee lagu baacsanaayo kooxaha argagixisada.

Galgaduud : Ciidanka Xoogga oo waxyeello ba’an u geystay kooxda Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Alshabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.

Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.

Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.

Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka.

Dawladdu waxay kale oo ay  u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamullada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka argigixisada Alshabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo aaladda Foggaan aragga ugu qeyb-galay Shirweynaha Sayniska Ee Carabta.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa ugu qeyb-galay aaladda Foggaan aragga (Zoom meeting) Shirweynaha Sayniska Ee Carabta UNGA 77 ,Waxaana uu si qota dheer ugu hadlay muhiimadda ay leedahay In qorshe ballaaran ay ka yeeshaan Wadamada Caalamka guud ahaan gaar ahaan Wadamada Carabta ,Waxaana uu Xaqiijiyay In soomaaliya ay qeyb ka tahay ay kaalinteeda qaadan doonnto ,loomana baahan yahay Dunida arintaas in ay iska kaashadaan .

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 Dhagarqabe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysa ayaa xaqiijiyay in Nabadiidka laga dilay in ka badan 10 dhagar-qabe, iyadoona la burburiyey meelihii ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka aragagixisada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in argagixisada jabweeyn la gaarsiiyay.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanku ka war helaan in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ku dhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka nabadiidka sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo soo xiray Shirka Horumarinta wax soo saarka Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa maantay soo xiray shir muddo labo maalmood ah ka socday Wasaarada oo la xiriira watashi lala yeelanayay khuburada iyo Xeel-dheerayaasha Beeraha Dalka.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa W/Dowlaha Wasaarada, Iyo Agaasimaha Guud. Waxaana uu daba socdaa Qorshaha Xukuumada (Dan Qaran) ee ah dalka Soomaaliya in uu gaaro isku filnaan xagga dhanka wax-soosaarka, si meesha looga saaro ama loo yareeyo Masiibada Abaarta kusoo noq-noqotay guud ahaanba Dalka Soomaaliya.

Waxaana talooyinkii kasoo baxay shirkaan lagu dabikhi doonaa Qorshaha 5ta Sano ee Wasaaradda iyo Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya. Waana markii ugu horreysay oo Wasaaradu qabato shir noocaan ah oo lagu aruurinayo talooyinka Khuburada Beeraha.

    

Wasiirka arrimaha dibedda oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbiya

New York- Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada New York ee carriga Maraykanka kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Serbia Mudane, Nikola Selakovic.

Labada mas’uul ayaa waxay si qoto dheer ugu wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka ku aaddan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, nabad-gelyadda, tababaradda teknolojiyadda iyo iskaashi ku saabsan dhanka siyaasadda caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir wanaagsan aadna u sii horumarayay waayadaan dambe, kaas oo haatan wixii ka dambeeya noqonaya mid sii laba jibbaarma.

Kulanka wasiirradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Serbiya ayaa kusoo dhammaaday jawi farxadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa isla markaana loo joogteyn lahaa xiriirka labada dal.

  

Kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga

Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa waxa ka soo baxay go’aamadan soo socda.

  1. Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.
  2. Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.
  3. Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.
  4. Waxa uu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
  5. Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.
  6. Waxa uu go’aamiyay ansixinta ISITRAATIIJIYADDA GUUSHA EE DABARGOYNTA ARGAGIXISADA, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.
  7. Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.
  8. Wasaaradda Arrimaha Gudaha:
  9. Wasaaradda Gaashaandhigga:
  10. Wasaaradda Amniga Gudaha:
  11. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:
  12. Wasaaradda Caafimaadka:
  13. Wasaaradda Korontada iyo Biyaha:
  14. Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka:
  15. Wasaaradda Arrimaha dibadda:
  16. Wasaaradda Maaliyadda:
  17. Wasaardda Warfaafinta:
  18. Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta:
  19. Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska:
  20. Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada: