ku dhawaad Boqol qof oo ku geeriyootay Dagaal beeleed ka dhacay dalka Congo

Dagaal beeleedka gobolk Mai-Ndombe ku dhex maray beelaha Teke iyo Yaka wuxuu dhacay Arbacadi iyo Khamiisti.

Dagaalka oo daba socday go’aan lagu kordhiyey canshuurtii la siin jiray madax dhaqameedka Teke oo loo arko inay iyagu dhulka leeyihiin.

Tan iyo bishii August, dhacdooyin badan oo noocan ah ayaa ka dhacay isla deegaanka ay beeluhu ku dagaallameen.

Dagaalki ugu dambeeyey oo toddobaadkan dhacay waxaa ku dhintay tiro dad ah waxaaana ku barakacay dad ka badan 20,000 oo qof.

 

Howlgal lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyada Al-shabaab oo ka socda Galmudug

Saraakiisha ciidamada xoreynta deegaanada koonfurta gobolka mudug ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka gobolka Mudug looga ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab

Saraakiishan oo la hadlay warbaahinta Qaranka soomaliyeed ayaa ugu baaqay horjoogayaasha iyo dhalinyarada ay qaldeen maleeshiyaadka Al- shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidamada ayna ka faaidaystaan Baaqii Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada Deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta Gobolka Mudug ka bilaabay wajigii labaad dagaalka ka dhankaa maleeshiyaadka Al shabaab.

 

Wasiirka deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya oo la kulantay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka mareykanka kulan kula qaadatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Ms.Baerbock.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xaqiijinta amniga cimilada heer gobol iyo heer caalami intaba, sidoo kale, waxay isku afgarteen sidii labada dalka uga wada shaqeyn lahaayeen isbedelka cimilada, la qabsiga cimilada, yaraynta iyo Amniga.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason.

Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa adkeeyey sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Q.M ee Baarlamaanka JFS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dedaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira argagaxisada.
     

Ra’iisal wasaare Xamsa oo faray wasiirada in sida ugu dhaqsaha badan loo dhammeystiro shuruucda hortebinta u leh Barnaamijka deyn cafinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

Howlgalo lagu baadi goobayo haraadiga argagixisada oo laga sameeyay gobolka Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgalo lagu baadi goobaayo haraadiga maleeshiyaadka Al-shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaannada Laas-gacameey,Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21 ee duleedka Bacadweyne, halkaas oo la tuhunsanaa in ay ku dhuumaleeystaan argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ka carareen deegaannadaas.

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed, iyada oo ay shirkan goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo Madaxa Hey’adda TIS-3  ayaa kawada hadlay dardargalinta mashaariicda la xariirta horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska goobaha danta guud, shaqa abuurka dhallinyarada, tababarada shaqaalaha iyo wacyigelinta degmooyinka xiga duleedka magaalada.

Qaramada midoobay oo warbixin kasoo saaratay Dagaalka Ukraine iyo Ruushka

Guddida barista ee Qaramada midoobay u xil saaratay barista dambiyadda dagaal ee dhacay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saara warbixin sheegaysa in ay dhaceen dambiyo dagaal kuwaas oo ka mid yihiin isticmaalka hubka madnuuca ah,weeraro aan loom eel dayin iyo jirdil loo geystay dad rayid ah,dhacdooyinka ayey warbixintu ku xustay in ay dhaceen ilaa bishii Febraayo sida ay sheegeen Gudidda barista.

Guddiga ayaa warbixinta  u soo bandhigay golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo madax Gudidda Erik Mose ayaa sheegay in natiijooyinka ay ku saleysan yihiin baaritaanno laga sameeyay gobollada Kyiv, Chernihiv, Kharkiv, iyo Sumy.

Waxay ay dhinaca kale  diiwaangeliyeen kiisas ah in carruur la kufsaday qaarna la jirdilay sidoo kalena si sharci darro ah loo xiray Carruur, Guddiga ayaa sheegay in ay booqdeen guud ahaan 27 magaalo iyo degaan, waxayna wareysteen in ka badan 150 dhibanayaal iyo markhaatiyaal isugu jira.

Sida laga soo xigtay tirooyinka ugu dambeeyay ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, waxaa Ukraine lagu dilay 14,532 rayid ah.

Dhaliyarada gobolka Mudug oo garab istaag u muujiyay halganka isku dhafka ah ee dalka looga xoreynayo argagixisada

Dhalinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay in ay gurmad raashiin ah gaarsiiyaan ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada Qeydaro ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku jira halkan isku dhafka ah ee dalka looga xoreynayo argagixisada.

Dhalinyaradan ayaa dhexda u xirtay in ay dhiiri-geliyaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee u istaagay in ay iska dulqaadaan nabad-diidka oo har iyo habeen u taagan gumeysiga shacabka Soomaaliyeed ee abaarta iyo colaada isugu darsantay.

Maamulka iyo dhaqanka deegaanka Qeydaro ayaa qeexay inay ka go’an tahay dagaalka lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab.