Ra’iisul wasaaraha JFS oo bogaadiyay howlgallada lagu baacsanayo argagixisada

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa bogaadiyay Howlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah dalka.

Qoraal uu Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ku yiri:-

” Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa dhammaan ciidammada Qalabka sida iyo Xoogaga “Gurmad Qaran” oo garab hagar la’aaneed ka helaaya Shacabkeenna Soomaaliyeed ee ka daalay dhibka iyo arxan-darrada Khawaarijta Alshabaab oo maanta guulo horleh kaso hoyiyay gacantana ku dhigay deegaanno horleh.
Waxaan maanta goordhaweyd khadka telefoonka kula hadlay halyeeyada jiidda hore ee dagaalka kujira si aan hambalyo iyo bogaadin ugu diro.
Waxay ciidammadu maanta la wareegeen deegaannada kala ah;
1. Moqokori oo katirsan Gobolka Hiiraan
2. Ceel-lahelay
3. Labi-dulle
4. Dhabana-heeys iyo
5. degaano kale oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud iyo Gobolka Baay kuwaasi oo saaka ay ka saareen maleeshiyaadka nabadiidka ah Al-shabaab.”

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay wafdi ka socda Save the Children

Ra’isul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda Hay’adda Bedbaadada Carruurta ee Save The Children oo uu hoggaaminayey Agaasime Gobolleedka hay’addaas ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Ian Vale, oo ay wehliyaan Agaasimaha hay’adda ee Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, Maxamud Maxamed iyo Maxamed Cabdiladiif.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdiga Save The Children ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo khuseeya hawlaha samafal ee hay’addu ka hayso Soomaaliya, gaar ahaan daryeelka iyo bedqabka carruurta xilligan abaaruhu jiraan.

Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo deeq gaarsiisay deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gurmad degdeg ah u dirtay ku dhawaad 1,400 oo qoys oo ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Agaasimaha Hay’adda Mudane Cabdirishiid Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkan degdeg ah markii ugu horreysay la mariyey dhulka, taas oo ay suurta gelisay deegannada la xoreeyey ee marinka u ah gurmadku in uu gaaro deegaannadaas.
“Waxaan gurmad degdeg ah u dirnay qoysas ku dhibaataysan degmooyinka Raage-ceele iyo Cadayle ee Gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo aan gaarsiinayno deegaannada fogfog ee ay ku dhibaateysan yihiin dadkeennu”Ayuu yiri Agaasime Cabdirishiid.
Gurmadkan degdegga ah ee la gaarsiiyey deegaannada Cadayle iyo Raage-ceele ayaa isugu jirta qeybaha raashinka ee muhiimka u ah qoysaskan ku dhibaataysan xaaladaha ka dhashay Abaaraha, waxayna Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA) ay xoogga saaraysaa sidii loo dardar gelin lahaa samata bixinta dadkeenna Soomaaliyeed ee ay la daristay xaaladda adag.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa ka wada hadlay xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Dan Qaran.

Howl-wadeeno ka socda wasaaradda qorsheynta XFS oo safar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Kampala+Sawirro

Hawl-wadeenno ka socda wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa safar aqoon kororsi ah shan cisho ah ku soo qaatay magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Howlwadeenada oo booqasho rasmi ah ku tagay xaafiska NAO iyo mashaariic horumarineed oo uu fuliyay xafiiskaasi ayaa warbixino la xariirta daadejinta maareynta mashaariicda, hababka kormeerka, qiimeynta iyo qorshooyinka horumarineed ka dhageystay xubno sarsare oo ka socda Wasaaradda Maaliyada, Qorsheynta, Maalagshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Wadanka Uganda.

Ku-xigeenka Xafiiska NAO ee wasaaradda qorsheynta ahna madaxa mashaariicda dowladda ee EU-da Mudane Cabdi Muxumad Axmed oo sharaxay ujeedada socdaalkan ayaa aqoon korarsigan uu saamaxayo in sida ugu haboon loo maareyn karo smahaariicda homarineed ee dalkeenna ka socda.

Sidoo kale, Nimco Xuseen Cusmaan oo qeyb ka ahayd howladeenada sar-sarre ee ka socday xafiiska NAO ee wasaaradda qorshetnta ayaa qeexday in cashar dhaxagal ah ka qaadatay muddada aqoon korarsigan uu socday.

Ujeeddada socdaalka howl-wadeenada ayaa qeyb ka ah aragtiyada hoggaanka sare ee Wasaaaradda ee ku aaddan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda si loo maareyo loona hirgaliyo yoolalka kala duwan ee Qaranka, sida ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-Aad.

Howl-wadeeno ka socda wasaaradda qorsheynta XFS oo safar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Kampala

Awoodda shacabka waa dariiqa kaliya ee lagu gaaro guusha

Waxaa nasiib darro ah in koox dad ah oo sheeganaya magac islaam ay ka shaqeeyaan falal lid ku ah shacbiga oo lagu baabi’inayo nolosha iyo hantida dadka birimageydada ah ee xilligaan la daalaadhacaya abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Dhab ahaan kooxda Al-Shabaab iyo kuwakale ee argagixisada ah ee jooga Soomaaliya waa kuwo aan raad ku laheyn saxnaanta caqiidada diiniga ah ,isla markaana ku  been abuuratay kitaabka iyo sunada rasuulka (NNKH).

Kooxdani,waxa ay gubeen ama qarxiyeen ceelal iyo baraago dhowr ah, waxa ay xannibeen gawaarida daabula nuucyada cunnada, iyagoo laayeen dad badan oo birimageydo ah oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay beeraha iyo xoolaha.

Tallaabooyinkaan foosha xun ee ay ku kaceen kooxaha nabad-diidka,waxa ay muujinayaan ama na tusayaan wajiga arxanka daran iyo ujeeddooyinka fog ee kooxaha argagixisada ay ku doonayaan in dalkaan ay ka dhigaan mid ka go’an dunida intiisa kale,isla markaana gabbaad u noqda kooxaha argagixisada ee caalamkiga ah.

Iyadoo laga duulayo waxyeelada kooxaha nabad-diidka,dadka Soomaaliyeed waxay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyagoo ka jawaabaya baaqqa Dowladda ee lagu ciribtirayo xumaanka argagixisada, waxaana  dhacday bishii la soo dhaafay, ciidanka dowladda iyo shacabka oo isgarabsanaya in kooxdaasi laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dowladaha goboleedyada qaar oo taageero ka helaya dadka shacabka ah,waxay dagaallo naxariis la’aan la galeen kooxaha argagixisada ,iyagoo u geystay jab iyo halaag ,isla markaana la wareegay deegaanno badan oo ay horay u joogeen kooxdaasi.

“Waxaan hadda ku kalsoonnahay innagoo kaashanayna taageerada shacabka in Dowladdeennu ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya maxaayeelay dadka Soomaaliyeed waxay ugu dambeyn garawsadeen in ficillada naxariis-darrada ah ee Alshabaab aysan dhammaan doonin illaa aan qaadno tallaabooyin arrintaan looga guuleysanayo”ayuu yiri madaxweyne asan Sheekh.

Dadka Soomaaliyeed waxaa xilligaan ay garwaaqsadeen oo ay aammineen in mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka uu ku xiran yahay ciribtirka kooxaha nabad-ddidka ee Al-Shabaab.

Awooda shacabka waa dariiqa kaliya ee lagu gaaro guusha,sidaa daraadeed,kacdoonka shacabka ee hatan ka socda gudaha dalka waa go’aan wadajir ah oo ay qaateen dowladda iyo shacbiga,waxaana waajib ah in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa caalamiga ah ee jooga dalka.

Ciidamada xoogga dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah ee argagixisada Al shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ay isaga carareen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan.

Ciidamada xoogga dalka oo argagixisada ka saaray deegaano ka tirsan gobolka Baay+Sawirro

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay waxay kula wareegeen deegaannada kala ah Baayale,Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile,Boorame,Karanoy iyo Daawuudow,halkaas oo ay maleeshiyada dadka ku dhibaateyn jireen.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waxaa jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale, howlgal ka sameeyay inta u dhaxeysa degmooyinka Berdaale iyo Qasaxdheere oo Alshabaab looga saarey deegaano badan.