Ciidanka Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Degmadda Waajid Ee Gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 260-aad, guutada 9aad ee qeybta 60-aad, ayaa Maanta Howlgalo ka sameeyey Deegaanno hoos yimaada Degmadda Waajid Ee Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa waxaa lagu Bur-buriyey Fariisamo Argagixisada ay ku lahaayeen Deegaannada Madfooday, Kawo, Guuro iyo Tuulooyin kale oo ka tirsan degmadda Waajid, iyagoona halkaasi iskaga cararay Kooxda Al-Shabaab ee laga itaalka roonaaday.

Gobolada Baay, Hiiraan, mudug iyo Galgaduud aya waxaa ka soconayo dagaal argagixisada looga xoreeynayo deganadaasi,iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa degaanadasi ay guula la taaban karo ka gareeyn howlgalka socodo.

     

 

 

 

-Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 260-aad, guutada 9aad ee qeybta 60-aad, ayaa Maanta Howlgalo ka sameeyey Deegaanno hoos yimaada Degmadda Waajid Ee Gobolka Bakool. Howlgalka ayaa waxaa lagu Bur-buriyey Fariisamo Argagixisada ay ku lahaayeen Deegaannada Madfooday, Kawo, Guuro iyo Tuulooyin kale oo ka tirsan degmadda Waajid, iyagoona halkaasi iskaga cararay Kooxda Al-Shabaab ee laga itaalka roonaaday. Gobolada Baay, Hiiraan, mudug iyo Galgaduud aya waxaa ka soconayo dagaal argagixisada looga xoreeynayo deganadaasi,iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa degaanadasi ay guula la taaban karo ka gareeyn howlgalka socodo.

-Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 260-aad, guutada 9aad ee qeybta 60-aad, ayaa Maanta Howlgalo ka sameeyey Deegaanno hoos yimaada Degmadda Waajid Ee Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa waxaa lagu Bur-buriyey Fariisamo Argagixisada ay ku lahaayeen Deegaannada Madfooday, Kawo, Guuro iyo Tuulooyin kale oo ka tirsan degmadda Waajid, iyagoona halkaasi iskaga cararay Kooxda Al-Shabaab ee laga itaalka roonaaday.

Gobolada Baay, Hiiraan, mudug iyo Galgaduud aya waxaa ka soconayo dagaal argagixisada looga xoreeynayo deganadaasi,iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa degaanadasi ay guula la taaban karo ka gareeyn howlgalka socodo.

     

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxa Hey’adda TIKA oo Dhagax dhigay Warshad Wax soo saar oo shaqa Abuur loogu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Madaxa Hey’adda TIKA ee dalka Turkia Mr. Ilhami Turus ayaa maanta si wadajir ah u Dhagax-dhigay Warshad Wax soo saar oo loogu tala-galay in Shaqo Abuur loogu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana ay ka faa’ideystaan Bulshada Gobolka Banaadir.

Warshadaan ayaa waxaa lagu farsameyn doonnaa Qeybaha kala gedisan ee Kheyraadka dalka, kuwaasi oo loo suuq geyn doonno dalka iyo dibadda.

Dhagax-dhiga Warshadaan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Qorshaha fog ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee ah sidii shaqo Abuur loogu sameen lahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda Xarunta Taliska Ilaalinta Deegaanka Xamar, Waaxda Dad-dhigista iyo Xafiiska Guddiga Xalinta Khilaafaadka, Asigoona u kuurgalay shaqo maalmeedka ka socday xafiisyadaasi.

     

MIRO-DHALKA SOCDAALKA MADAXWEYNAHA EE MARAYKANKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynuhu inta uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu xoogga saaray;-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Baay

Ciidamada xogga dalka iyo  kuwa deegaanka oo is kaashanaayo ayaa maanta Argagaixisada Alshabaab kala wareegay Deegaanada ka ah; Saydheelow, Buula Jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Baay.

Deegaanadaan ayaa horey gacanta ugu jiray khawaarijta Alshabaab oo ay ku dhibateen jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada xogga dalka iyo kuwa xoreynta Koonfur Galbeed ayaana haatan ku sii jeeda deegaanka labaatan jirow oo ah Saldhiga ugu weyn ee Al shabaab ay ku leeyihiin

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineeysa Dhalinyaro ku xirnaa dalka dibadiisa

-Dowladda Soomaaliya ayaa 27 bishan oo bari ku beegan Dalka Dib ugu Soo Celineeysa ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda.

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhivaato badan la kulnay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo dilay 30-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab

-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiramaan Yuusuf Cadasla ayaa sheegay in Al-shabaab Afar weerar oo ay soo qaadeen degaanka “Dhisaqa: oo shalay laga xoreeyay  si ay uga soo kabtaan jabkii argagixisada kasoo gaaray hawlgalkii Gobalka Galguduud, waxayna  kala noqdeen dhimasho in ka badan 30 iyo dhaawac 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan.

Wasiir ku xigeenku waxaan uu  ilaah uga baryay inta ka dhimatay Ciidanka  u aqbalo Shuhadada  ah dhaawacana alle bogsiiyo.

“Waxaan markale ammaan aad u wayn ujeedinayaa Mujaahidiinta huwanta ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka, waxay si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxayna u diyaarsan yihiin waajib gudashada xigta Insha allaah” sidaa waxa bartiisa Fecbooka ku soo qoray Wasiir Al-cadaala

Ciidanka xoogga dalka oo deeq rashiin ah gaarsiiya degaanada laga xoreeyay Argagixisada

-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha lagula dagaalayo argigixisada Al-shabaab ayaa haya howlo qaran oo taariikhi ah iyaga oo gacanna garab ku siinaya shucuubta kala duwan sidii loo xoreyn lahaa deegaannadooda ay argigixisadu cunaqateysay halka gacan kalana ay mucaawino iyo gargaar ku qeybinayaan meelaha la xoreeyey si loo daryeelo dadka ay isku biirsadeen abaarta iyo dhibaatooyinka ay muddo dheer ku hayeen Al-shabaab.

Ciidamada qalabka sida oo mar qura gulufka baacsiga argigixisada ka wado deegaanno ku yaallo maamullada dalka sida Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland ah ayaa la arkayaa iyago oo gargaar iyo adeegyo kale gaarsiinaya deegaannada la xoreeyey taas oo soo afjartay cunaqabateynta, meesha ka saareysa baaddii ay qaadi jirtay argigixisada isla markaana keeneysa in ay dib ugu soo laabtaan deegaannada dadkii ku barakacay dalka gudahiisa iyo kuwii qaxootinnimmo u galay dalalka dariska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta guluf lagu soo afjarayo argigixisada Al-shabaab, laguna adkeynayo qaran iyo dowlad dhiska, nabadd iyo xasiloonida, sahlayana baahinta maamullada iyo weliba adeegyada kala duwan ee ay dadka helaan.

      

Shan iyo toban deegaan oo Argagixisada Alshabaab lagala wareegay

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku dilay 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan Hawlgalo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka arxan darrada ah ee argagixisada waxa ay ka sameeyeen gobalada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay.

Hawlgalka Galgaduud: Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan kula wareegay deegaanada Ceel la helay, Labi-dulle, Dhuumoodle,  Dhisaqa, Abooreey, Cali wayd,  Maygaag duub.

Khawaarijta Alshabaab ayaa isku dayay weerar rogaal celin ah in ay ku soo qaadaan dhinaca ciidanka ka dhaqaaqay deegaanka Cadakabir oo gacanta ku dhigay in ka badan 70km waxaase ay kala kulmeen jab xooggan waxaana dagaalka looga dilay 30 ka tirsan argagixisada, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 55 maleeshiyaadka Naf lacaariga ah. Gobalka Hiiraan Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Sidookale gobolka Baay Ciidanka oo gacan ka helaya dadkooda ayaa la wareegay deegaano dhowr ah Hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka gobolada dalka oo saf ballaaran ah ayaa sii xoogeystay waxaana saldhig u ah kacdoonka shacabka iyo dowladooda si looga adkaado burcadda dhiig miiratada ah ee Alshabaab. Dowladda Soomaaliya waxa ay u sheegaysaa dhalinyarada ay qaldaneen nabad diidka in ay  isi soo dhiibaan xilli si ay naftooda u badbaadsadaan kacdoonka lagu ciribtirayo argagixisada Al-shabàab.

Wasiirka maaliyadda oo kulamo kala duwan la qaatay safiirrada Turkiga iyo Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta kulamo la kala qaatay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa kala hadlay safiiradii uu la kulmay muhiimadda Dowladda ay u leedahay barnaamijka dib-u-habaynta Maaliyadda, kobaca dhaqaalaha dalka iyo taageerada bani’aadannimo.