Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur

Xuddur- Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad Qeybta 60-aad ee CXD iyo Maamulka Gobolka Bakool ayaa horkacayay howgalladaan maanta laga sameeyay deegaanno hoos taga degmada xuddur.

Ciidamada ayaa saaka dhowr jiho u dhaqaaqay, waddada aadda dhinaca bari ee xiriirisa xuddur iyo tiyeeglow oo tuulooyin aad ufarabadan ku teedsan yihiin ciidamada howgalka u aaday waxa hogaaminayay Taliyaha Ururka 51-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad gobolka bakool laba xidigle Deerow Macalin Cabdi ,deegaannada ay gaareena waxa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley.

Waddo magaalada uga baxda dhinaca galbeed oo ay ku baxeen ciidamada xoogga dalka waxa qeyb ka ahaa oo hogaaminayay saraakiisha taliska guutada 9-aad  gobolka Bakool oo uu hormuud u yahay Abaanduulaha guutada, Cabdullaahi Maxamed Yare Ugaas Kunow iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool , Maxamed Cabdi Tol waxayna socdaal lugta ah ku gaareen deegaanno malleeshiyada Al-shabaab ay ka arriminaysay haseyeshee wax iska horimaad ah kala kulmin.

Deegaannada howgalka ay ku tageen waxa ugu waaweyn deegaanka Aboorre oo 20km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada iyo tuulada Dhumiyi-Oomane oo 25km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada xuddur.

Maamulka iyo saraakiisha ayaa howgalka ka sokow waxa ay qiimeyn ku samaynayeen xaaladda dadka fara kutiriska sh ee weli deegaanadooda kabarakicin oo saamaynta abaarta wajiyahooda iyo deegaanka ay degan yihiin aad looga dareemayay, hase ahaatee tuulooyinka qaar waa lagawada barakacay.

Guddoomiye Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol oo warbaahinta lahadlay xilli ciidamada ay ku sugnaayeen tuulada Dhumiyi-Oomane ayaa sheegay in deegaanada kale maleeshiyada ku tuhmayaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin.

 

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Libya

Xafiiska Ergayga Gaarka ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan.

Dadkan ayaa kal hore kazoo baxsaday  Magafe oo ah koox ka ganacsata isla markaana ciqaaba tahriibayaasha, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariiray Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb; Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac “Huruuse” oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso,ugu dambeyntii Amb. Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in Tahriibku yahay musiibo qaran una baahan in loo helo xal waara.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Degmada Shibis oo dib-u-dhis lagu sameeyay.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiim u tahay kana faa’ideysan doonaan Bulshada ku dhaqan Degmada Shibis iyo hareeraheeda gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka.

Waxaa uu xusay in Maamulka Gobolka uu xooga saari doono sidii Bulshada Gobolka Banaadir loogu dhaweyn lahaa adeegyada Aas-aasiga ah oo ay ugu horeeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ciidanka xoogga dalka oo caawinaya beeraleyda gobolka Hiiraan

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee dhowaan kooxda argagixisada Al-shabaab ka xoreeyay degaanno badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa billaabay inay caawiyaan beeraleyda wax ka tacbata nawaaxiga degmada Buulo-burte.

Dadka ku dhaqan degmada Buulo-burte iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa horay u cunaqabateeyay kooxda nabad-diidka Al-shabaab, iyagoo u diiday inay beertaan dalagyadii kala duwanaa ee ay beeran jireen iyo ay si xor ah ugu noolaadaan degaannadooda.

Dadka ku dhaqan degaannada laga xoreeyay malleeshiyada Al-shabaab ayaa si weyn ugu mahad celiyay maamulka gobolka Hiiraan, Ciidanka xoogga dalka iyo is-xilqaamayaasha macawisleyda, kuwaas oo dagaallo adag ka dib nabad-diidka ka sifeeyay inta badan goobihii ay argagixisadu ku sugnayd.

Maalinta dalxiiska Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka Iyo dalxiiska XFS ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku qabatay munaasabad ku saabsan maalinta dalxiiska Adduunka.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Mudane; Da’ud Aweys Jaamac, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa leh goobo badan oo dalxiiska ku wanaagsan waxaana munaadabaddan lagu soo bandhigay goobo qurux badan oo lagu tala jiro in laga faa’ideysto dhawaan.

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo gaaray magaalada Ottawa ee dalka Canada

Ottawa- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay gaaray magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ergeyga oo dalka Canada ku tegey booqasho hawladeed maalmo qaadan doonta ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay kulamo la qaadanaya madax ka tirsan dawlada Canada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Ergeyga ayaa kala hadli doono dawlada Canada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen, gacana looga siin lahaa dawlada Soomaaliya la dagalaanka argagexisada Alshabaab.

 

Soomaaliya iyo Mallaysia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada gaadiidka iyo duulista hawada

Ottawa- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO  ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr; Wee Ka Siong.

Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan.

“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada  aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaa u leedahay  Dr Wee Ka Siong. “ Wasiir Fardowsa , ayaa sidaa sheegtay.

Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda  Duulista Rayidka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

 

Ciidanka xoogga dalka oo gubay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-shabaab

Buulo-burte- Ciidanka xoogga ayaa gubay  gaari Cabdile ah (land cruiser pickup) oo ay malleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab kaga carareen degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayay sidoo kale Ciidanka kumaandooska Danab ku dileen 11 dhagar-qabe oo katirsan kooxda argagixisada ee uu gabbalkoodu dhacay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Gobollada ka wada howlgallo lagu ciribtirayo malleeshiyaadka nabad-diidka Al-shabaab.

   

Ciidanka Xoogga oo la wareegay Degmadda Buq Aqable

Hiiraan- Ciidamada xoogga dalka ee howlgalada dib u xorraynta ah ka wada deegaannada gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,ciidanka xoogga ayaa hawlgalkooda ku dilay 11 dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisadii halkaas ka hawlgeli jirtay sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS G/le Xasan Maxamed Cismaan.

Xoraynta Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in Argagixisada gacantooda ka baxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan khawaarijta Al-shabaab.

dhowaan ayey Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab hawlgal ay ka fuliyeen Buq Aqable waxa ay ku dileen 18 dhagar qabe iyagoo sidoo kale Ciidanku burburiyey saldhigyo Argagixisadu halkaas ku lahayd.

dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisadda oo ku dhintay Qarax miino

Hiiraan- Saddex dhagar qabe oo ka tirsan  Argagixisada Al-shabaab ayaa geeriyooday ka dib markii miino ay ku aasayeen deegaanka Baardhabaq ee ka tirsan degmada Buula-burte ee gobalka hiiraan ku qaraxday.

Dhagar qabayaasha ayaa doonayey in ay ku dhibaateeyaan miinadan dadka shacabka ee ku safraya laamiga   Mara deegaanka Baardhabaq.

SaraaKiisha Ciidamada qalabka sida ayaa booqday goobta ay miinada kula qaraxday Aragagixisada Al-shabaab.

SaraaKiisha Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay sii wadaayaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab.