Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Barnaamijka horumarinta Dowladaha Hoose ee UN-JPLG

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Madaxa Barnaamijka horumarinta Dowladaha Hoose ee UN-JPLG Mr. Paul Simkin.
Kulankaan ayaa loogu wada hadlay xoojinta Barnaamijyada la xariira taageerada uu UN-JPLG siiyo Dowlada hoose ee Muqdisho dhinacyada casriyeenta maaliyadda iyo kordhinta Dakhliyada, daadajinta adeegayada bulshada, maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.
    

Xukuumadda Hindiya oo mamnuucday Ururada Islaamiga ah

Xukuumadda Hindiya ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in dalkaas laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa People’s Front of India (PFI) iyo Ururrada Islaamiga ah ee xiriirka la leh.

Arintaan ayaa timid kadib markii Xukuumadda horraantii bishan ay xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan Ururada Islaamiga ah ee ka dhisan Hindiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayeen rabshado iyo falal Amni darro oo ka dhacay gobalada dalkaas.

Ururka PFI ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxuna sidoo kale cambaareeyay xarigga loo geeystay qaar ka mid ah xubnaha Ururka.

War ay maanta soo saartay Dawladda Hindiya ayaa lagu sheegay in saraakiisha MILF ay lacag ka soo aruuriyeen dadka reer Hindiya si ay ugu qayb qataan waxa ay ugu yeereen qalqal galinta Bulshada iyo guud ahaan nidaamka Dowladda.

Booliiska Hindiya ayaa xiray in ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan Ururka MILF, iyaga oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen rabshado diimeed iyo falal lid ku ah Qarannimada dalkaasi.

Ururada xuquuqul insaanka iyo qaar kamid ah Dowladaha shisheeye ayaa ku eedeeyay xisbiga Hinduuga ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi inay cadaadis ku haayaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Hindiya.

Kooxaha Hinduuga xagjirka ah oo ay taageerto xukuumadda, ayaa wada olole iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay ku beegsanayaan dadka Muslimiinta ah, kuwaasi oo muddooyinkii danbe ku howlanaa weerarro ay ku qadayeen masaajidda Muslimiinta iyo goobaha waxbarashada, iyadoo marar badan ay soo baxayeen falal lagula kacayay dadka muslimiinta ah.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA ITOOBIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu ambaba-baxay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.

Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-ababa waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyaddeenna ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Xildhibaan Macalimow oo gaaray degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan

Wafdi ballaaran uu hoggaminaay xildhiban Maxamed Ibraahim Macallimow qeybna ay ka ahayen sarakiil ciidan xildhibano katirsan dowlad gobaledka Hirshabeelle ayaa goordhaw gaaray degmada Buule Burde ee gobolka Hiiraan

Wafdiga waxaa garoonka diyaradaha dagmada Buulo-burde ku soo dhaweeyay maamulka dagmada sarakiil ciidan odayaal dhaqan iyo bulshada qeybaheeda kale duwan, waxana intaa kadib loo galbiyay gudaha magaalada halkaasi oo ay kula kulmi doonaa maamulka odayaasha, sarakiisha ciidanka iyo bulshada inteeda kale.

Ujeedka safarka xildhibaan macallimow iyo xubnaha la socdo ayaa ah ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagaxisada alshabaab ee ka socoda gobolka Hiiraan.

Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan  Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku jooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira  Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka  sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha.

 

Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa u magacaabay Ra’isul Wasaare

Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Sacuuudiga, halka Amiir Khalid oo ah wiilkiisa labaad uu u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

Isku shaandheyntan ayaa wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtada.

Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Mas’uul ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in xilka cusub ee Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid la jaan qaadaya shaqooyinkii iyo masuuliyaddii hore ee boqorka oo ay ka mid yihiin inuu Boqortooyada u matalo booqashooyinka dibadda iyo shir-guddoonka shirarka ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.

Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan amniga looga hadlayay la yeeshay taliyaha guud ee ciimadda ATMIS

JOWHAR- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo  Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS ayaa yeeshay Kulan looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada argagixisada alshabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka argagixisada cadowga ah.

  

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay xuska maalinta Dalxiiska Adduunka

Xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daud Aweis Jaamac, Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo marti sharaf ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa lagu soo bandhigay goobaha ku haboon dalxiiska ee gobalada dalka.

Wasiirka Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaaamac oo ka hadlay Munaasabadda maalinta dalxiiiska aduunka oo Wasaaradda xuseyso ayaa yiri

“Soomaaliya waa dal u diyaarsan dalxiiska waxa ayna leedahay goobo qurux badan oo isugu jira bad iyo barri labadaba, wasaaradda warfaainta dhaqanka iyo dalxiiskana waxa ay ka shaqeyneysaa in dalka ay yimaadaan dalxiisayaal caalami ah”

“Dalkeeno waxa uu baahan yahay in la dhiso goobaha indhaha u ah dalkeena waana in annaga aan bilownaa dalxiiska soona bandhigno quruxda dalkeena”

Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhiiragaliyay xuska Maalinta iyo dedaalka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta dalxiiska, waxaana ugu dambeyn munaasabadda lagu dhiiragaliyay dadka ka shaqeeyo horumarinta dalxiiska Soomaaliya.

                

Ciidanka xoogga dalka oo maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanno muhiim u ahaa argagixisada

Ciidanka Daariishta Gobolka Shabeellada hoose iyo Qeybta 12ka April ee Ciidanka xoogga Dalka  Ayaa Maanta la wareegay Gacan ku haynta deegaannada Jambaluul iyo Kaxarow oo Dhanka Qoraxsin kaga Beegan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeekaha Hoose.

Ciidanka ayaa Cagta Mariyay Maxkamad Beenaad utaalay Deegaanka Jambaluul oo Argagixisadu ku Dhibaataynaysay Dadka Shacabka ah. Waxayna Ciidanku Soo Bandhigeen Agab kala Duwan oo aay Goobta kaga Carareen Nabadiidka alshabaab.

Dhame xashii Maxamuud bullaale oo ah Taliyaha  ururka 1baad ee guutada 1baad daraawiishta Gobolka Shabeelaha Hoose  islamarkaana Hogaaminaayay Howlgalka ayaa sheegay in Ciidaka Daraawiishtu ay Burburiyeen Taliskii alshabaab Ee Deegaanka Kaxarow…

Taliyaha Ciidanka Daariishata Gobolka Shabeelaha Hoose G/sare Nuur Xayir ayaa Sheegay In Howlgalkaan Uu Sii Socon doono islamarkaana ay argagixisada ka Xorayn Doonaan Deegaanada ay Gobolka Kaga Sugan yihiin.

 

Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo gudbisay bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS, waxay halkan ku soo gudbinaysaa bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Wasaaradda oo ka masuul ah khayraadka badaha ayaa digniin u diraysa cid walba oo si sharci-daro ah uga Kalluumpeysata badaheenna, waxaana ay soo saartay qodobada soo socda.

  1. Sida uu qabo Dastuurka KMG Qodobkiisa 44aad iyo heshiiskii Baydhaba ee 02 Febraayo 2018 iyo heshiiskii Addis Ababa 22 Maarso 2019. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa sidii dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah u wadaagi lahaayeen wax-soo saarka Kheyraadka Kalluunka.
  2. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23, 1985 Qodobkiisa 4aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DFS waxay u taagan tahay sidii loo hormarin lahaa kheyraadka nool ee badaheenna ku jira, iyo sidii umadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahayd.
  3. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985 Qod.6aad, Faq.1aad. Wasaaraddu Waxay dhiirigalinaysaa Kalluumeysata sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa xirfadahooda iyo qalabkooda kalluumeysi, lana kordhiyo suuq-gayntiisa gudaha iyo dibaddaba.
  4. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23, 1985 Qodobkiisa 12aad, Faq.5aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay ilaalinaysaa Kheyraadka Nool ee Badaheena ku jira, inaan lagu qaadan si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka Kalluumeysiga dalka.
  5. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliyeed Lr.23,1985. Qodobka 3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa oo dhiirigalinaysaa Kalluumeysatada Shisheeye inay ka Kalluumeystaan Baddeena si waafaqsan Xeerka Kalluumeysiga, xeerarka Caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, iyo heshiisyadii Baydhabo 02 Febraayo 2018 iyo Addis Ababa 22 Maarso 2019.
  6. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985, Qodobkiisa 7aad.Faq.3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa xiriirka iyo wada shaqeynta Dowlad Goboleed-yada, si uu mira dhal u noqdo heshiis- yadii horey loo galay iyo kuwa kale oo muhim u ah Umadda Soomaaliyeed.