Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ottawa Canada

Ottawa- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada.

Kulanka oo ay si weyn uga soo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimada, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo colka argagexisada.

Ergeyga gaarka ah ayaa jaaliyadda Ottawa ku dhiirageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada.

Ergeygu wuxuu sidoo kale jaaliyadda ku boorriyey In ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha, maadaama Canada tahay dawladda 7-aad ee deeqaha gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya ku wajahan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku sii jeeda magaalada Toronto, halkaasoo uu galabta Jimcaha kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada ugu dadka badan Canada.

      

Soomaaliya iyo Qadar oo iska kaashanaya horumarinta gaadiidka

Canada- Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kula kulantay dhiggeeda dalka Qadar ,  Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta dhinacyada gaadiidka dhulka iyo cirka, duulista hawada iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka XFS, Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay inay ku tala jirto sidii xiriirkaa qotoda dheer loogu beddeli lahaa wax qabad, iyadoo la horumarinayo agabka iyo xirfadaha looga baahan yahay Gaadiidka iyo duulista hawada.

Xubin ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Gaalkacyo- Cabdullaahi Cali Xuseen (Cali qoodaar) oo ah wiil da’yar oo ay kooxda argagixisada ah ee Al- shabaab xoog kaga soo Askareeyeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee uu fadhigoodu yahay degaanka Dheghaye.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan horjoogayaal kala duwan oo lasoo xariiraya, kuwaas oo doonaya inay mar uun kasoo baxaan Malleeshiyada ay ka barbar dagaallamaan ee argagixisada Al-shabaab.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay jabka iyo firxadka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab, markii ay dagaallo xooggan kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta maamul goboleedyada iyo dadka shacabka ah.

Wasiirka difaaca XFS oo gaaray jiidaha argagixisada lagula dagaallamayo ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Gaashaandhigga,Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa gaaray furimaha dagaalka deegaannada hoostaga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud, waxaana ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Saabir oo horay ugu sugnaa

Goobaha ay booqdeen masuuliyiintan iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga, kuwaas oo dhawaan ka xoreeyay kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga ayaa dadkii deegaanka ee uu furimahaas ugu tagay ka ballan qaaday in ay garab taagganyihiin, wuxuuna ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka kooxdan ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Khawaarij banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday 86.7 Milyan USD oo lagu Horumarinayo Dimuqraadiyadda , Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageerada saaxiibtinimo, iyadoo la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeradaan hannaankii loogu talagalay, iyadoo isla markaana la waafajinayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Kulanka lagu kala saxiixanayay heshiiska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS, Dr; Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya , Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KHADKA TELEEFOOKNKA KULA HADLAY DHIGIISA DALKA TURKIGA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu Khadka Teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna  iska xogwareysteen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, labada mas’uul ayaa adkeeyey Xoojinta  xiriirka labada Barlaman ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Baarlmanka JFS.

“Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxaana kawada hadalnay xiriirka labada baarlamaan iyo dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada labada baarlamaan. Sidoo kale waxaan iska xogwareysannay arrimaha gobolka iyo caalamka ee khuseeya dalalkeenna,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka guddi hosaadka tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay Shirka guddi hosaadka Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshadda oo looga hadlay yaraynta saboolnimada,dardar galinta gurmadka abaaraha, baraarujinta dhallinyarada ee kacdoonka lagu cirib tirayo argagixisada iyo sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladdaha bani’aadantimo ee labaatankii sanno ee u danbeeyey soo laalaabtay.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhagaystay qorshayaasha Wasaaraddaha ku shaqo leh tiirka horumarinta arrimaha bulshada si loo waafajiyo qorshaha Xukuumadda Dan- Qaran.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayaa tilmaamay in guddiga looga baahan yahay in ay la yimaadaan howl-karnimo iyo daacadnimo si wadajir loogu hirgaliyo halbeegyadda muhiimka u ah Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshadda.

 

           

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO-DHAL AH LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

Addis-ababa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

   

Wasiirka Caddaaladda XFS oo furay shir u dhaxeeyo wasaaradaha caddaalada dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda

Shirka oo u jeedadiisu ahayd dib u bilaabidda xiriirka wada shaqyan ee u dhexyeeyay Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka maadaama uu hakad ku jiray muddadii lagu guda jiray doorashada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin oo Shirka furay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in ay yeeshaan qorshe midaysan oo ku saabsan Hannaanka Cadaaladda iyo Asuubta si loo gaaro Caddaalad midaysan.

 

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA SUCUUDIGA EE DALKEENNA.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Adan Maxamed Nur (Madobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay dhismaha Machadka Tababarada Baarlamaanka, horumarinta Baarlamaanka JFS, iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi, isagoona Guddoomiyaha uga mahadceliyey shaqada dardarka leh ee uu hoggaanka u haayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sucuudiga la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.