WAR-MURTIYEED LAGA SOO SAARAY KULANKA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH UU LA YEESHAY R/WASAARE ABY AHMED

WAR-MURIYEEDKU, WAXA UU U QORNAA SIDATAN:-                                                        30 September 2022, ADDIS ABABA, ETHIOPIA                                                              Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, ka ddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado  dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

  1. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay  iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha  guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

  1. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
  2. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

  1. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  2. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.
  3. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaanno ka mid ah Shabeelooyinka

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal Qorsheysan oo Waaberigii Saakay ay kafuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada waa 9 tuulo hooostaga labadfa shabeelle.

  1. Basra
  2. Sapyo
  3. Baqdaad

4 . Beled Al Kariim

  1. Baldooska
  2. Alifoow
  3. Muryaley
  4. Daniga Balow
  5. Buula Xansholey

Waxayna dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay kasoo abaabuli jireen dhagarta ay u maleegaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Ololaha Qaran Ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku daah-furay ololaha Qaran ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta, munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u xilsaaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga awoodda caabboon ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qorshahan ayaa halku dheggiisu yahay “dhallinyaradu ha jebiyaan derbiga cabsida” maadaama ay yihiin awood dihan oo haddii si wanaagsan looga faa’iideysto horseedi karta horumar in laga gaaro dabargoynta cadowga.
         

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida nabadd-doon Cilmi Hagar Guure

Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.
Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday.
Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.

Ciidanka xoogga oo cagta mariyay maxkamad beenaadyadii ay argagixisadu ku lahaayeen gobolka Baay

Baydhabo- Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo qorsheeysan ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Baay ayaa bur-buriyay Maxkamad beenaadyo nabad-diidku ay Shacabka ku dhibaateyn jireen iyo xarumo kale.

Howgalka ayay Ciidanka xoogga gaar ahaan Ururka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60-aad ka sameeyeen degaanka War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-caddeey iyo Moodo Moodo.

Taliyaha Ururka 46-aad Xiddigle, Muxudiin Maxamed Xaaji ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay gebi ahaan cagta mariyeen xarumihii Argagixisadu ay dadka ku dhibaatayn jireen.

    

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay Ciidanka nabad sugidda maamulka koofur galbeed Soomaaliya

Xuddur- Maxamed Xasan Nuur oo katirsana Ururka argigixisada Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee Ku sugan degmada Xuddur ee xaruunta gobolka Bakool.

Maxamed Xasan ayaa argigixsada kamid ahaa muddo labo sano ah, asagoo ka qeybqaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka nabadsugiddu si wanaagsan usoo dhoweyeen, wuxuuna dhallinyarada ay argigixisadu qaladday ugu baaqay inay isu soo dhiibaan Ciidanka Qaranka, maaddaama uu dalka ka billowday howlgallo lagu citibtiraayo argigixisada.

Golaha Wasiirrada Oo Bogaadiyay Guulaha Laga Soo Hooyay Dagaalka Argagixisada Lagu Cirib Tirayo

Shirkii Golaha Wasiiradda XFS oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada lagu cirib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee nabad-diidka looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay argagixisada.
Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen
Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cirib tirka argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda si fiican ugu baraarugay dhagarta argagixisada ee duullaanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladdnimada, isla markaana banaystay maalka iyo nafta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in bulshaddu hormuud ka noqoto howl-galka dib u xorraynta.
    

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ay fuliyeen ku dilay 40 ka tirsan kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab

Hiiraan- Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa In ka badan 40 ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35KMT dhanka bari kaga beegan magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan,sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u xaqiijiyey Taliska Ciidanka Xoogga.

Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada isgarabsanaya oo haayay xogta weerarka Argagixisada ayaa gaarsiyeen jab xoogan iyada oo Ciidamadu ay wali ku raad joogaan Firxadka Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Duqa Muqdisho oo deeq raashiin ah gaarsiiyay barakacayaal ku dhaqa degmada Kaxda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa deeq Raashiin ah gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Degmada Kaxda kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada dalka kadib markii ay saameen kusoo yeesheen Abaaraha ka jira guud ahaan dalka. Deeqdaan ayaa ah mid ka timid Dowladda Emarat-ka Carabta isla markaana lasoo marsiiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay xooga saaray sidii wax loogu qaban lahaa dadka soo barakacay ee abaaraha soo saameeyeen, Asigoona sheegay in guud ahaan Maamulkiisa uu xooga isugu geyn doono u gurmashada dadka kusoo barakacay Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer Gobol Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa sheegay in iyagoo fulinayo awaamiirta Duqa Magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan qorshaha wax loogu qabanaayo dadka barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho.

           

Dad ku geeriyooday biyo ay cabbeen oo ay sumeeyeen argagixisada Al-shabaab

Maxaas- Laba qof ayaa ku geeriyootay, markii ay Kooxda argagixisada Al-shabaab si dhuumaaleysi ah ku sumeeyeen Ceel biyood ku yaalla degaan Ceel-jiqoow oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Toddoba qof oo iyaguna ku sumoobay biyaha Ceelka ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Maxaas, iyadoo xaaladdooduna halkaas lagu baxnaaninayo, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane.

Ceelkan oo ay bartamihii bishan qarxiyeen kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa waxaa dhowaan dib u dayactir ku sameeyay dadka deegaanka oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa sidoo kale sheegay in maanta uu dagaal ka socdo tuulada Ceelqooxle oo u dhexeeya degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Guddoomiye Muumin ayaa ka deyriyay xaaladda dadka halkaasi ku dhaqan, wuxuuna dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.