Xildhibaan Buraale” Al-shabaab in la jabiyo waxaa sababteeda lahaa kaalinta shacabka iyo kacdoonka ay sameeyeen,”.

Howlgaladan ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa maleeshiyada Al-shabaab looga xoreeyo deegaano badan oo ka tirsan gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Baay, halkaas oo ay dadka deegaanka dib uga bilaabeen nolol cusub sida waxbarashada, tacbashada beeraha iyo ganacsiga.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Buraale oo Baarlamaanka Federaalka ka soo galay Hirshabeelle ayaa sheegay in jabka xooggan ee argagixisada ka soo gaaray howlgalada socda ay kaalin muuqata ka qaateen shacabka iyo kacdoonka ay dadka deegaanka sameeyeen.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay u adkeysan waayeen hadimada gumeysiga iyo dhibaatada joogtada ay ku hayaan.

“Al shabaab in la jabiyo waxaa sababteeda lahaa kaalinta Shacabka iyo kacdoonka ay sameeyeen Markay u dulqaadan waayeen hadimada gumeysiga”. Ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa gargaar bini-aadanimo iyo adeegyo kale oo mihiim ah gaarsiisay deegaanada laga xoreeyo nabad-diidka Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda guulo wax ku ool ah ayaa laga gaaray howlgalada ka socda gobolada dalka ee lagu diidan yahay dhagar-qabayaasha Al-shabaab, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay jiidaha hore tegaya oo dagaalka ku biiraya shacab Soomaaliyeed oo doonaya in ay ka mira dhaliyaan howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Saameynta abaarta oo laga dareemayo deegaanada Koonfur Galbeed

Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in abaar daran ay hadda wajahayaan dadka iyo duunyada ku nool degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda halkaas ka jirta isku bedesho macluul.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Koonfur Galbeed ahna wasiirka gargaarka Cabdinaasir Cabdi Arush, ayaa sheegay in dowladad soomaliya ay kala waregeen deeq gargaar ah oo kaga timid, wuxuuna baaq deg deg ah u diray hey’addaha caalamka.

Dowladda Federaalka ayuu kaga mahadceliyay gargaarka loogu talagalay dadka ay abaarta saameysay ee uu guddoomay, wuxuuna hadalkiisa intaas ku sii daray in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed isku gurmadaan si looga baxo aafada ka dhalatay abaarta.

Abaarta ka jirta qeyba badan oo ka mid ah dalka ayaa si weyn u saamaysay dadka iyo duunyada, waxayna ka dhalatay roob yari dhacday sanadihii lasoo dhaafay, taas oo keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta.

Maamulka gobolka Gedo oo faah faahin ka bixiyay weerar ay argagixisada ku dishay toban qof

Maamulka gobolka Gedo ka warbixiyay dhacdadii kooxda argagixisada Al-shabaab dad rayid ah oo ceel ka qodayey deegaanka Girileey ay ugu geysteen xasuuq maalintii shalay, xilli dadka deegankaas ku nool ay baahi weyn u  qabeen ceelbiyoodkaas.

Guddoomiyaha  gobolka Gedo Ahmed Buula Garad ayaa sheegay in dad gaaraya toban qof oo isugu jiro Soomaali ah iyo Kenyaati, ay kooxda argagixisada Al-shabaab dileen kadib markii ay weerar ku qaadeen, waxayna  Ceel-biyood ka qodayeen deegaanka Garileey ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Dadka u gargaaraya dad masaakiin ah in meeshaasi lagu laayo waa arrin foolxun oo wax-garatada Al-shabaab lagu yaqaano,” ayuu yiri guddoomiye Buula Garad.

Maleeshiyada Al-shaabaab ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah ee ka socda dalka, kaas oo looga saaray deegaano badan oo shacabka ay ku dhibaateyn jireen.

Ciidamo Militari oo la wareegay talada dalka Burkina Faso

Captain Ibrahim Traoré ayaa lawareegay awoodii dalka BurkinaFaso, wuxuu kala diray dowladda, isagoona sidoo kale laalay dastuurkii dalkaas.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in shalay rasaasta laga maqlay xerada ugu weyn ee ciidamada iyo qaar kamid ah xaafadaha caasimada.

Traore ayaa fiidnimadii Jimcaha sheegay in koox saraakiil ah ay go’aansadeen in ay xilka ka xayuubiyaan hoggaamiyaha ciidanka Militariga dalkaas Paul-Henri Damiba, wuxuuna sababta ku yeeshay in uu awoodi waayay wax ka qabashada kacdoonka hubaysan ee dalka ku sii xoogeysanaya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo boqolaal dad ah kula hadlay Masjidka weyn ee Bariire

Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa maanta Salaadii jimcaha ka dib kula hadlay boqolaal dad ah Masjidka weeyn ee Deegaanka Bariire.

Taliyaha Ururka 18 aad G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre iyo Saraakiil kale ayaa dadka ku baraarujiyay kacdoonka socda ee Kooxda Argagixisada dalka looga saaraayo.

Sidoo kale Sarakiisha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin in Kooxda Gumaadka ummada laga difaaco markastana ay u taagan yihiin.

Taliye Liibaan Yuusuf Garre iyo Saraakiisha la socday ayaa bulshada Deegaanka iyo dhammaan Ummadda Soomalaiyeed u ballan-qaaday in sharafkooda iyo jiritaankooda la ilaalin doono.
Dhinaca kale Bulshadii maanta Saraakiishani kula hadleen Masjidka weeyn ee Bariire ayaa ballan-qaaday in Ciidanka iyo Dowladda ay la shaqeeyn doonaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Bariire ayaa dib u dayactir ku sameeyay Buundada Deegaanka oo kooxda Argagixisada Burburisay.

 

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA NAXDINTA LEH EE JEN. FARXAAN QAROOLE.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaranka iyo guud ahaan ummaadda Soomaaliyeed uga tacsiyey geerida taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Alle ha u naxriistee Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ku shahiiday qarax-miino ah oo ay u aaseen kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee General Farxaan Maxamuud Aadan (Qarooole).”

Guddoomiyaha ayaa marxuumka Ku tilmaamay inuu ahaa halyeey xiliyo adag uso shaqeeyay qaranka, waqtigiisana inta ugu badan Ku bixiyay difaaca dadkiisa, dalkiiisa iyo diintiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu dambeyn ehelka marxuumka iyo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey inuu ka siiyo samir iyo Iimaan, waxaana uu tilmaamay in Faxaan uu yahay shahiid u dhintay qarankiisa.

Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan ( Farxaan Qaroole), Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo maanta ku shahiiday deegaanka Basra xilli uu ku guda jiray howlgalka dalka looga sifeynayo kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.

“Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qarabaada Taliye Farxaan, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee dalka ka wada howlgalka lagu sifeynayo argagaxisada” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye

Madaxweynaha ayaa xusay  in Taliyaha iyo dhamaan geesiyadii ku shahiiday dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ay dhiigooda u hureen ummadda Soomaaliyeed, ayadoona tallaabadaas ay sii dhiiro-gelineyso in lasii joogteeyo howlgalka lagu xoreynayo dalkeena.

Madaxweynaha ayaa Eebbe  uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Taliyaha iyo intii la shahiiday, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka & qaraabada uu ka baxay.

Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaanno cusub oo ka tirsan Hiiraan

Militirga soomaaliya ayaa goordhaw gudaha u galay degaanka dabayoodle oo ka tirsan degmada Buulo burde,sida uu warbaahinta u sheegay korneyl: Cabdinaasir Sheekh Cali oo kamid ah saraakiisha xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan waxaa hogaaminyay taliye kuxigeenka taliyaha qeybta 27aad  isaaq shaabi” ,iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogaga degaanka ayaa gacanta ku-dhigteen degaanka dabayoodle oo kamid ah meelaha aay gacanta ku-hayeen al-shabaab,isla markaana  30 km u jirta degmada buulo-barde ee gobolka hiiraan dhanka galbeedka,

Saacadahii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleyada ayaa degaano cusub oo kamid ah gobolka hiiraan  kala wareegay al-shabaab.

Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir oo maanta ku shahiiday dagaal ka dhan ah argagixisada

Ilaahay ha unaxariistee waxaa saaka ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayey  khawaarijta S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan ,Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.

Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecin doonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada,sidaasi waxaa yiri G/le Sadiiq Duudishe Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

Madax ka tirsan Hirshabeelle oo la kulmay qeybaha bulshada ee Moqokori

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaano kamid ah Hirshabelle, Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax wasiir hore iyo saraakiil ciidan oo ku sugan degmada Moqokori ayaa kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada Deegaanka Moqokori.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa  ayaa safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay degmada Buulo-burde.

Odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Degmada Moqokori kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminay guddoomiye Jeyte.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa booqday fariisimaha ciidanka DF iyo  kuwa Dib-u-xoreynta ku leeyihiin degaanka Moqokori.

Degaanka Moqokori waxaa ay kamid tahay degaanadii ugu dambeey ee bariga gobolka Hiiraan laga saaray Argagaxisada