Generaal Ismaaciil Saxardiid” Waxaan go’aansanay inaan iska dul-qaadno cadowga argagixisada,”.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in ay qaadaan howlgal argagixisada Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada maamulkaas, kuwaas oo ay muddo badan shacabka ku dhibaateyn jireen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo dhowaan magacaabay guddiga hoggaaminta iyo diyaarinta qorshaha howlgalka mideysan ee la dagaalanka argagixisada ayaa hadda bilaabay in ay kormeeraan ciidanka ku sugan furimaha hore ee dalkaa si ay u dhiiri-geliyaan uguna booriyaan in ay u diyaaargaroobaan howlgal saf-balaaran oo lagu qaado nabad-diidka.

Gen. Ismaaciil Saxardiid oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo taliyaha Booliska maamulkaas Generaal Maxamed Sheikh Cabdi Xujaale ayaa sheegay in ay qayb ka noqonayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, Gen. Ismaaciil Saxardiid, ayaa ka hadlay qorshaha diyaarinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee socda iyo go’aanka ku aadan in la iska dul qaado argagixisada.

“ Hadda wixii ka dambeeyo dhufeyskii aan ku jirnay waa ka baxeynaa, kuma sii jiri doono, waa ogtihiin waxa dalka dhammaatiis ka socda, shacabka Soomaaliyeed waxay go’aansadeen in ay cadowga iska dulqaadaan,” ayuu yiri Generaal Saxardiid.

Wuxuu sheegay in wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland wanaagsan tahay, isagoo dhinaca kale, soo dhoweeyay howlgalada guud ahaan ka socda gobolada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen laamaha amniga ayaa lagu go’aamiyay in la qaado howlgal lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta maamulka.

Hindiya oo hub ka iibineysa dalka Armenia

Hindiya ayaa dooneysa inay dalka Armenia ka iibiso hub qiiamhiisa lagu sheegay Rs 2000 Crore (oo u dhiganta ku dhawaad $244 oo milyan oo doolar). Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan, oo la soo tebiyay inuu hub ka helay Turkiga.

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaatay xiisadda ka dhex taagan labadan waddan, sidaas darteed, heshiiska dhanka hubka ah wuxuu muhiim u yahay Armenia.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, heshiiska wuxuu dhigayaa in marka hore ay Hindiya siiso Armenia gantaallada loo yaqaano Pinaka, waxaana gantaalka sameysay shirkadda DRDO.

Hindiya waxay gantaalkan horay u geysay xadka Shiinaha iyo Pakistaan, waana markii ugu horreysay oo gantaalka Pinaka uu helo codsi caalami ah.

Dabageed” Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno damaca argagixisada,”.

Madaxweyne ku-xigeenka maaamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalameen Al-shabaab lagana adkaaday dhagartooda.

Wuxuu Dabageed ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada kula wareegeen deegaanada ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen nabad-diidka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay geeri ka xigaan in la yeelo damaca gurracan ee argagixisada.

“Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno argagixisada Damaceeda, Inaan dhimano annaggoo Sharaf leh oo deegaankeenna difaaceyna waa ku talo galnay” ayuu yiri Dabageed.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyay soona dhoweeyay howlgalkii ay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay kula wareegeen deegaanada cusub ee gobolka Hiiraan ka tirsan, wuxuuna balan qaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidamada iyo shacabka iskaashanaya.

Beegsiga lagu hayo argagixisada iyo go’doonka la geliyey ayaa sababtay inay Kordhaan tirada maleeshiyada Al-shabaab kasoo goosaneysa ee isku soo dhiibeysa Ciidanka Xoogga.

Wasaaradda qorsheynta XFS oo wada shaqeyn wanaagsan la leh golaha shacabka+Sawirro

Kulankan looga hadlayay wada-shaqeynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha Shacabka ayaa ka dhacay xarunta dhaxe ee Wasaaradda, iyada oo kullanka ay ka qeyb galeen agaasimayaasha Waaxyaha, La-taliyaasha Wasaaradda iyo ku xigeenka Xoghayaha golaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka iyo Agaasimayaal.

Kullanka ayaa looga hadlay shaqooyinka kala duwan ee wasaaradda u hayso qaranka oo ay ka mid yahiin shuruucda hortaala Baarlmaanka sidii loo marin lahaa Golaha, Qorshaha Horumarinta Qaranka, Mashaariicda socda, si ay ula socdaan golaha shacabka iyo guddiyada Baarlamaaka, taasoo sahalaysa dar-dargelinta howlaha qaranka ee dhinaca laanta sharci dajinta.

Kullanka ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo horay sidan oo kale madaxda wasaradda ula qaadatay guddoonka gollaha shacabka iyo Xoghayaha Gollaha, iyada oo ujeedada ugu wayna ay tahay in wada shaqeyn wanaagsan dhaxmarto golaha shacabka iyo Wasaaradda si hufnaanta shaqo iyo isla xisaabtanka ay u noqdaan kuwo daah-furan.

Shacabka Soomaaliyeed Maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay inay u midoobaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka oo uu kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed laga rabo in ay u midoobaan la dagaalanka Argagixisada.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”. ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Xarunta Ciidanka Haramacad oo loogu magac darayo Generaal Farxaan

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) oo ka hadlay aaska Generaal Faxraan Maxamuud Aadan (Qaroole) Ayaa yiri “ Waxuu ahaa aniga Saxiibkay, Shaqsi si aad ah iigu dhow ayuu ahaa, Geesi ayuu ahaa, Shumac soo ifaya ayuu u ahaa dhallinyaradda asaagiisa ah”.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Waxaana marne niyadayda ka go’ayn  markii toban iyo todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah oo uu soo dhammaaday Imtixaanka  shahaadiga ah, Siduu u sugay amnigooda iyo siday ugu faraxsanayeen maalintaa oo ay u xambarayeen” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Ayaa yiri “Qofkasta oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyad darajo kasto iyo fadhi kasto oo uu ka tisan yahay, Waa inuu noqda Faxaan oo kale”.

Taliyaha ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo Xarunta Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad loogu magac daray Generaal Farxaan.

Madaxweynaha JFS iyo Mas’uuliyiinta dowladda oo ku tukaday Salaadda Janaasada Taliyihii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Salaadda Janaasada ee Shahiidka ayaa waxaa sidoo kale ku tukaday Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, qaar ka tirsan Gollaha Wasiirada, Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamanka JFS, Safiirka Turkiga, Taliyaha Booliiska, Ehelka Shahiidka, Saraakiisha Ciidamada Qeybahooda kala duwan iyo Masuuliyiin kale.
                                 

Maareeyaha cusub ee xarunta Qaran ee gurmadka deg dega ah xafiiska R/wasaaraha oo xilka la wareegay

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka, mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa xilka u kula wareejiyay Mareeyihii hore Xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdifataax Cabdi Nuur iyo Maareeyaha cusub ee Xarunta mudane Cabdiqaadir Faarax.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Mareeyihii hore ee Xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah mudane Cabdifataax Cabdi Nuur uga mahad celiyay shaqadii wacnayd ee uu soo qabtay, isagoo Maareeyaha cusubna u rajeeyey in alle shaqada u fududeeyo.

 

Generaal Biixi iyo Mas’uuliyiin kale oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidan ayaa booqday furimaha dagaalka oo aay ku sugan yihin ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirri-gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga Genaraal Tawane Maxamed oo la hadlay ciidanka ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jibaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hiiraan ka socda

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal  Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku ammaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wadaan, sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee reer Hiiraan wadaan tusaale u yahay Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa ballan qaaday in dowladda dhexe ay dadka reer hiiraan ku garab istaagi doonto taageero dhinacyo badan leh sida ciidaan, dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan argagixisada.

   

Wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulsada XFS oo shir kaga qeyb galay Dalka Nigeria

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xil.Yuusuf Maxamed Aadan ayaa waxaa kulan miro-dhal ah oo ku saabsanaa qaab-dhismeedka maaliyadeed ee isku-dhafka ah iyo misaaniyadda furan ee yoolalka horumarinta waara uga soo dhammaaday magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Kulankan oo socday mudo afar cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 50 dowladood oo ka kala socday wadamada Afrika iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda.

Shirkan oo ay martigelisay Dowladda Nigeria waxaa soo agaasimay hey’ada Caalamiga ah ee iskaashiga Miisaaniyadda, Hey’ada Qaramada Midoobay ee Horumarinta Mashaariicda (UNDP), Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (UNDESA), Guddiga Dhaqaalaha Africa iyo Midowga Yurub(EU).