Ciidamada xoogga dalka oo saakay la wareegay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanka ayaa saaka la wareegay tuulooyinka Butaale, Kukeyle, Habeenno iyo Diiro kuwaas oo dhammaan ku teedsan deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Ururka 3-aad ee Kumaandooska Gor-gor oo ka soo ruuqaansaday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa kulaalaya Deegaanka Yasooman halka ciidamo xoog leh oo ka baxay Maxaas ay sidoo kale kaabiga kuvhaayaan.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa heshay in Kooxda Argagixisada ay deegaanka isaga carareen markii ay ka war heleen in Ciidanka Xoogga ku soo wajahan yihiin.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah argagixisada kawada degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

:-Wararka ka imaanaya deegaanka shiila- gaduud oo u dhaxeeya deeganka Ceel baar iyo Degmada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaasi saakay dagaal ka dhacay.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaanka oo ay fariisin kula haayeen maleeshiyaadka Argagaxisada alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka gar ahaan Qaybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Genaral saalax yacquub ayaa sheegay in qasaaro xooggan ay gaarsiiyeen maleeshiyada Aragagixisada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidanku ay baariaano ka wadaan deegaanka si loo hubiyo amniga deegaanka shiila-gaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in dilka Horjooge Cabdulaahi Nadiir uu bilaaw u yahay in loo aaro shuhadadii ku baxay gacanta argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay dilka Horjooge sare Cabdulaahi Nadiir  oo argagixisada u ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda Al- shabaab                                                                                                                                                                                  Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa fecbooka ku yiri:-

“Waa loo aarayaa shuhadadeena inshalah

Dilka Cabdulaahi Nadiir oo ahaa madaxii hore ee dacwada hadana ahaa madaxa Jabahaadka iyo iskuduwaha dhamaan howlaha khawaarijta wuxuu bilow u yahay in loo aaro shuhadada uu ugu horeeyo Farxaan Maxamuud Aadan, Cilmi Hagar Guure iyo dhamaan Shuhadada Soomaaliyeed ee ku maqan gacmaha Khawaarijta”

 

Tirada dadka ku dhintay duufaanta ku dhufatay Mareykanka oo korortay

Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Maraykanka ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri

Argagixisada Al-Shabaab oo qarax ay ku xirayeen Ceel-biyood kula kacay degaan katirsan gobolka Hiiraan

wararka ka imaanayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Tiro kamid ah maleeshiyada argagixisada al-shbaab ay ku halagsameeyn qarax kula kacay degaanka Tira shanta kadib markey damceen in qarax ay ku xiraan  Ceel biyood halkaa ku yiilay

Argagixisda ayaa la soo warinayaa in khasaaro xoogga u isugu jira dhimasho iyo dhaawac uhalkaa ka soo gaaray.

Tani ayaa qeyb ka aha falalka guracan oo maleeshiyada khawaarijta ay ku kacaan iyagoo dil iyo bur-burinta Ceelasha isugu daray dadka shacabka ah oo xiligaani wajahayo abaaru ka jira gobolada dalka taa oo keenta bulshadu kacdo,islamarkaana ay iska dhiciyaa argagixisada

Tuulada Tarashanta ayaa ku taalaa inta u dhexeeysa Beledweyne iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.

 

Heya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibadeeda Caalamiga oo hawlgal qorshaysan ku dilay hor-jooge ka tirsana Argagixisada Al-shabaab

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.

Horjoogahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA.

Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka la gula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada golaha Shacabka BJFS, Amb.

Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar ka mida ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay lagarab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Madaale oo daah-furay shirweyne looga hadlaayo nidaamka casriga ah ee diiwaan-gelinta madaniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo nidaamka casriga ah ee diiwaan-gelinta madaniga,taasi oo ay ka qeyb galayaan Maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan Dowladdaha Hoose iyo Hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo loogu sameeyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan. Waxaa uu sidoo kale sheegay in hirgelinta mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga iyo xuquuq helida Bulshada.

Shir ku saabsan xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Nairobi+Sawirro

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ka bilowday shir ku saabsan hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka oo u dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda IMF.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay muhiimadda shirka ayaa sheegay in shirka lagu lafa-gurayo heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa.

Sidoo kale, Muddada shirka uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabkii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya mustaqbalka dhaw.

Shirka sidoo kale, waxa ka qeyb galay hay’ado ka socday dowladda federaalka sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Indoniisiya ciyaar kubadda cagta oo sababtay dhimashada 129 qof

Wararka laga helayo Dalka Indoniisiya ayaa sheegaya in ay dhinteen 129 qof tiro ka badan 210 na dhaawacmeen ka dib markii rabshado ka dhaceen goob garoon kubadda lagu ciyaaro ah.

Rabshadaha ayaa yimid ka dib cayaar dhex martay kooxaha lagu kala magacaabo Arima FC iyo Percy Baya kuwaas oo ku wada ciyaarayey garoon ku yaalla Bariga Java.

Ciyaarta oo ahayd mid ay kasoo qayb galeen in ka badan 3000 oo qof ayaa mar keliya isu rogtay dagaal ka dib markii saddex gool looga dhaliyey kooxda Arima FC taas oo taageerayaasheedu xoog ku soo galeen goobtii cayaartu ka socotay, halkaas oo ay ka bilaabatay isku dhaca dhex maray Ciidanka Booliska iyo taageerayaasha kooxda.