Xubin ka tirsan Argagixisada oo isu soo dhiibay Ciidanka qalabka Sida

Dhuusamareeb-  Cabdisamad Liibaan Maxamed oo magaciisa afgarashadu yahay ( Cabdimaalik) ayaa isku soo dhiibey ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay Dhuusamareeb.

Cabdimaalik oo argagixisada u qaabilsanaa keydinta macluumaadka saldhiga Ceelbuur ayaa lasoo tagey qori nuuciisu yahay AK47.

Dhaqamada Argagaxisada ee foosha xun, duruufaha adag ee soo wajahay xubnaha kooxda iyo Go’doonka La Geliyey ayuu sheegey in ay isaga ku qasabtay soo baxsashadiisa iyo in uu isisoo dhiibo.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Bangiyada Ganacsiga ee Dalka Ku Amray Joojinta Lacagaha ay Kooxda Argagaxisada ee Al-Shabaab ka qaadaan Bangiyada

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo ka duulaya xaaladda dagaal ee dalku galay, sidoo kale na fulinaya amarada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS ee la xidhiidha la dagaalanka kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay ganacsatada Bangiyada oo uu kala hadlay siddii kooxdaas argagaxisada ah ee Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo mid maaliyaddeed oo ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhex-mara Bangiyada dalka.

Wasiirku, wuxu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ba ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY MUWAADINIINTA KU NAF WAAYEY WEERARKA ARGAGIXISANIMO EE BALADWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama argagixisada lagu soo jabiyey furimaha dagaalka, lagana xoreeyey deegaannada ay naf bideen in ay magaalooyinka ka sameeyaan falal naf la caarinimo ah .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

WASIIRKA GANACSIGA XFS OO BANGIYADA GANACSIGA EE DALKA KU AMRAY JOOJINTA LACAGAHA AY KOOXDA ARGAGIXISADA EE AL-SHBAAB KA QAADAAN BANGIYADA

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo ka duulaya xaaladda dagaal ee dalku galay, sidoo kale na fulinaya amarada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS ee la xidhiidha la dagaalanka kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay ganacsatada Bangiyada oo uu kala hadlay siddii kooxdaas argagaxisada ah ee Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo mid maaliyaddeed oo ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhex-mara Bangiyada dalka.

Wasiirku, wuxu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ba ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay doorka ay Haweenka ka qadan karaan xasilinta dalka

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Tiyaatarka Qaranka kaga qeybgalay kulan weyne looga hadlaayay Doorka ay Haweenka ka qadan karaan xasilinta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mas’uuliyiin kala gedisan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Haweenka & xuquuqul Insaanka, Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Haween weynaha Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay Munaasabadan.

Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaasi ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan Amniga iyo Xasilinta dalka.

      

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF

-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo ay hoggaaminayso #Laura_Jaramillo oo ah Madaxa IMF ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay dib-u-eegista hufnaanta Maaliyadda iyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hiigsanaysa horumar Maaliyadeed iyo isku filnaansho dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo kor qaadista dakhliga gudaha dalka.

    

 

Ciidmada xoogga dalka oo howlgallo amni xaqiijin ah kawado degaanada laga xoreeyay argagixisad ee u dhaceeya Balcad iyo Afgooye

Ciidamada Qalabka Sida ayaa howlgallo amni xaqiin ah kawada inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeelooyinka.

Ciidanka xoogga dalka, ciidanka Duufaan ee NISA iyo ciidanka booliska gaarka ah Haramcad ayaa howlgalkaan si wadajir ah u fuliyey.

Degaanada u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye ee aragagixisada laga xoreeyey ayaa kala ah:

 

  1. Basra
  2. Sapyo
  3. Bahdaad

4 . Beled-Al-Kariim

  1. Baldooska
  2. Alifow
  3. Muryaley
  4. Daniga-Balow
  5. Iyo Buula-Xansholey.
  6.     

Qaraxyo ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Qaraxyo ka dhacay magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan.

Qaraxyadaan ayaa qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac waxa ay ka soo gaaray dad shacab ah oo ay bartilmaameydsadeen Maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab Sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay howlgallo ciidmada Amniga ka sameyeen Magaalada Muqdisho

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay howl-galada Ciidanka Amaanka.
Ciidamada amaanka oo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo balaaran ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa ku guulestay burburinta shabakad isku xiran oo katirsan Maleeshiyaad Al-Shabaab, Hubkii ay ku dhibaataynayeen shacabka iyo Gaadiid.
Sidoo kale ciidamada Amniga ayaa la wareegay 5-guri oo u kireys-neyd shabakadaas katirsaneyd Al-Shabaab.