Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse ayaa xarunta wasaaradda arrimada dibadda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya Khalafallah Mustafa Baabikir.

Labada mas’suul ayaa kulankooda diirada ku saaray xoojinta xariirka iskaashi ee soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada, dhaqaalaha iyo amniga guud ee Gobolka.

“Waxaan maanta kullan kula yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Safiirka Suudaan u qaabilsan Soomaaliya Danjire Khalafallah Mustafa Baabikir. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada, dhaqaalaha iyo amniga guud ee Gobolka” ayuu yiri mudane Abshir Cumar wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

       

Ciidanka xoogga dalka iyo shacabka ku sugan shabeellada dhexe oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Magaala xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa ka socda abaabulkii iyo diyaar-garowgowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamada xoogga iyo dadka shacabka ah ku doonayaan inay argagixisada kaga saaraan gobolka.

Warbaahinta Qaranka oo ku sugan halka uu ka socda abaabulka ayaa shaacisay gaadiid dagaal iyo ciidan aad u fara badan, kuwaas oo doonaya inay saacadha soo socda ku ruqaansadaan jiidaha ay argagixisadu kaga sugan tahay gobolka.

Dadka shacabka ayaa sidoo kale wada abaabul ka dhan ah arxan-laawayaasha Al-shabaab, iyagoo ballan-qaaday inay Ciidanka xoogga la garab taagan yihiin cudud iyo taageero kala duwan.

Diyaar-garowga Ciidanka xoogga iyo dadka ku dhaqan degaannada Shabeellada dhexe ayaa imanaya xilli uu argagixisadu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka ka socda gobolka Hiiraan.

Wasiirka ganacsiga oo shirkadaha duullimaadyada ku amray inay joojiyaan la macaamilka Al-Shabaab

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulimaadyada ee ku bahaysan dalladda SATA oo uu ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab,

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay u hoggansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dawladda.

Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicaziz Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo baxay dhinaca Wasaaraddu in aanay ahayn kuwo ka noqosho leh isla-mar-ahaantaana uu ujeedkoodu yahay siddii xididada looggu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo hey’adda FCA oo ka wada hadlay nabadeynta iyo dhismaha goleyaasha degmooyinka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane, Axmed Maacllin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday hey’adda laga leeyahay Finland ee FCA.

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Saciid Cabdullahi Calasow ayaa waxaa dhanka FCA uga qeyb galay ku xigeenka agaasimaha guud ee hey’adda Tomi Järvinen, madaxa hey’adda ee Soomaaliya  Ikali Karvinen iyo mas’uuliyiin kale.

Tomi Järvinen iyo Ikali Karvinen, oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday shaqada FCA ee Soomaaliya, sida ay u taageeraan dhismaha goleyaasha degmooyinka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, iyada oo ammaanay howlaha ka socda Galkacyo.

Mas’uuliyiinta FCA ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha banii’aadnimada iyo barnaamijyada ay ka fuliyaan Baydhabo, iyaga oo taageerayay deegaankaas, haddana ballan qaaday in ay siin doonaan gargaar dheeraad ah.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa hay’adda FCA ku ammaanay shaqada ay ka qabtaan Soomaaliya, isaga oo soo qaatay in dowladda ay waddo qorsheyaal dib u habeyn loogu sameynayo hannaano kala duwan oo ay ku jirto mideynta hannaanka gargaarka, sida ay uga go’an tahay ballaarinta dhismaha goleyaasha degmooyinka  iyo dhiirigelinta guud nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Wasiir Fiqi waxaa uu hey’adaha caalamiga oo ay ka mid tahay hey’adda FCA ay kala shaqeeyaan wasaaradda arrimaha xasillinta iyo nabadeynta ee deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay xaaladda abaaraha ee dalka isaga oo faray in ay hey’adaha gargaarka ay si simman u tagaan dhammaan maamullkada iyo deegaannada kala duwan, waxaa uuna adkeeyey in la mideeyo dadaallada gargaarka si looga baxo xaaladda khatarta ah ee abaaraha.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya cirib-tirka fikirka xagjir-nimada

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane, Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya dalkeenna u fadhiya Ambassador, Ahmed Binu Mohamed Al-Muwallad.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka sheekaystay sidii loo hormarin lahaa goobaha ciyaaraha dalka ee hadda burbursan sida tuulada ciyaaraha Muqdisho oo Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay dhistay qaybaha dabaasha, kubadda laliska,  kubadda kolayga iyo midda gacanta.

Sidoo kale Wasiirka iyo safiirka ayaa ka sheekaystay sidii  dhallinyarada labada dhinac isaga kaashan lahaayeen cirib-tirka fikirka xagjirnimada oo dhallinyaro badan oo dunida islaamka ah duufsaday.

Kulankan dhanka wasaaradda waxaa Wasiirka ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Deeq Yuusuf Suleymaan iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan.

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi kula kulmay xubno ka socda saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya taageera

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera horumarka iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa la wadaagay Saaxiibbadda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo nidaamka hufan ee Dowlad Wanaagga.

Ciidanka xoogga oo la wareegay degaanka Yasooman

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga xoreynta gobolka Hiiraan ayaa goordhow si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Yasooman ee bariga gobolka Hiiraan.

Degaanka Yasooman ayaa ka mid ah goobihii dhawaan ciidanku uu ka soo baxay, taas oo saraakiishuna ay ku sheegeen xeelad dagaal.

Ciidamada ayaa hadda baaris iyo miino saar ka wada gudaha tuulada, waxaana iskaga cararay malleeyshiyaadka Khawaarijta.

Soomaaliya oo ka qayb galaysa shirka Tamarta iyo todobaadka Batroolka Afrika

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka XFS Xil, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyay shirka Tamarta iyo todobaadka shidaalka Afrika oo ka dhacaya magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan oo ay isugu yimaaddeen ku dhowaad Afartameeyo Wasirrrada Tamarta iyo Batrolka oo ka kala socda Qaaradda Afrika, Afar boqol oo xubnood oo ka socda shirkadaha gaaska iyo Batroolka soo saaro iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Cabdirizaaq Cumar ayaa sheegay in shirkani uu Soomaaliya u leeyahay ahmiyad gaar ah, maaddaama looga hadlayo sidii ay Afrika isugu filnaan lahayd marka la eego dhanka tamarta iyo sidii aan u kasban lahayn maalgashadayaasha ilaha dhaqaale ee uu waddanku leeyahay.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta waddamada Afrika ee qaniga ku ah macdanta iyo Batroolka, iyadoo shirkadaha soo saarana ay indhaha si gaar ah ugu hayaan inay maal gashiyo ku samaystaan.

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiir ku xigeenka dawladda Sweden ee Soomaaliya iyo howlwadeenno kale oo ka socday safaaradda Sweden ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dhinac, dar-dar-gelinta howlaha shaqo ee ku biiritaanka Ururka ganacsiga Adduunka (WTO) iyo guud ahaan dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa 2016kii soo bilowday ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka kaas oo xiligan laga sameeyey horumarro aad u weyn, waxaana taageero weyn arrintaas ka gaysata dowladda Sweden.

Dhinaca kale, wuxu Wasiirku halkaas ka caddeeyey ka go’anaanshiyaha dawladda Soomaaliya ee ku biiritaanka Ururkan oo ahmiyad weyn oo u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed,

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed, kaasi oo looga arrinsanayay qaabkii ay uga qayb qaadan lahaayeen kacdoonka bulsho ee lagu cirib-tirayo argagixisida Alshabaab.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan, Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsato oo dhamaantood isku raacay in la iska kor-qaado heerayada cadawga Alshabaab kaalin muuqatana laga qaato hawlgalada Ciidamada qalabka sida ay ku baacsanyaan Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa tilmaamay inay waajib tahay in la iska kor qaado cadawga arxaan laawayaasha ah ee xalaashaday dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey beesha Direed inay dhinacooda qayb ka qaataan hawlgallada ciidamada qalabka sida ku cirib tirayaan argagixisada Alshabaab.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mudane Saalax, ayaa canbaareeyey falalkii bahalnimada ee argagixidau maanta ka gaysteen magaalada Beledweyne, isagoo ka tacsiyadeeyey shacabkii ku naf-waayey, kuwii ku dhaawacmayna Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.