MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY WASIIRKA ISGAARSIINTA DALKA ALGEIRA DHAMBAAL UU UGA SIDAY MADAXWEYNAHA DALKAAS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Mudane Cabdulmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Al-geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
    

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wefdi ballaaran oo ka socday Algeria

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Abshir Omar Jama Hurruse ayaa magaalada Muqdosho ku soo dhaweeyay wafti ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta oo uu hogaaminayay wasiirka Isgaarsiinta ee wadanka Algeria Mohamed Bouslimani.

Wasiirka Isgaarsiinta wadanka Algeria Mohamed Bouslimani ayaa dhambaal soo gaarsiiyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka ay wafdigaan ku soo gaareen caasimada dalka ee Muqdisho ayaa ku soo aaday xilli shir-waynaha ururka Jaamacada Carab oo ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan madaxwaynayaasha dalalka ku midoobey ururka Jamacada Carabta iyo Wasiiradooda Arrimaha Dibadda la filayaa in dhammaadka bishan uu ka dhaco dalka Algeria.

Wafdigaan oo saacado kooban joogay dalka ayaa dib ugu laabtay dalkooda.

 

                   

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDA AUN XILDHIBAAN HORE AFARAALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxammed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale)  oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho, waxa uuna marxuumka alle uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan ehelkana,qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale illaahey qabrigiisa ha u waasiciyo, kitaabkiisana gacanta midig haka siiyo, wuxuu ahaa oday soomaaliyeed, nabadoon ah mudo badan waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed, illaahey ha u naxariistee marxuum Afaraale intii uu noolaa waxa uu wakhtigiisa ugu badan geliyay u adeegida dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ilaahey hoygiisa janatul fardowsa haka yeelo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhamaanteenaba samir iyo iimaan allaha ha inaga wada siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Illaahey ha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa ahaa siyaasi mudo badan ku jiray siyaasadda, isagoo inta badan dowladihii dalka soo maray burburkii ka dib ahaa Xildhibaan baarlamaanka soomaaliya ka tirsan, waxa ay deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur galbeed isagaa si gaar ah u matalayay Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo uu kasoo jeeday.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa xanuunsanaa mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

<span;>INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay safiirka dowladda Imaaraadka carabta ufadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaank Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta hawlwadeenada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

 

  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan weyne looga hadlaayay Dowrka Bulshada ee ka qaadan karto Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada, taasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Amni darrada Caasimadda loogu hortagi lahaa isla markaana Bulshada ee qeybtooda ka qaadan lahaayeen Maadaama mas’uuliyad wadareed uu yahay Amniga iyo Horumarka.

Guddoomiyaha Gobolka oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Amniga iyo horumarka Caasimada loo daadajiyo Bulshada Asigoona ku booriyay Culimada, Odiyaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ay ka qeyb qaataan dowrkooda Xasilinta iyo Horumarinta Caasimada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee dalka kasocda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Abaarta, taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin isaga oo wasaaradda arrimaha gudaha, ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaannada ay halis ku hayaan argigixisada iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay dammaanad qaadi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.

wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen, isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cusub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay argigisada ka baxeen ama ay weli joogaan.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa dhisay guddi si wadajir ah uga shaqeeya isku isku xirka howlaha socda.

Golaha Guud ee QM oo shir deg-deg ah ka yeelanaya xaalada Ukraine

Waxaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ay 10-ka Bishaan shir deg deg ah ka yeeshaan xaaladaa kajira dalka ukraine iyo qabshadii sharci darrada aheyd ee uu ruushku ku galay dalkaasi Ukraine.

Shirkan ayaa waxaa codsaday dalalka Ukrine iyo Romania kadib markii dowladda Ruuska ay diiday qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay aftidii “sharci-darrada ahayd ee Ruushka uu taageeray ee lagu doonayay in lagula wareego qaybo ka mid ah bariga dalka Ukraine.

Guud ahaan 193 xubnood oo ay ka kooban yihiin Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodi doona la wareegida afar gobol oo Yukreeniyaan ah , sida Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhawaan  dalbaday in Ruushka laga saaro dhammaan ururada caalamiga ah, waxaana baaqaas taageeray dalalka midowga yurub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay u gudbiyay qaraarka ka dhanka ah ruushka.

 

Hawlgalka ECOWAS oo la kulmay hogaamiyihii dhawaan afgambiga ka sameeyay Burkina Faso

Wafdi ka socday Urur Galbeedka ECOWAS, ayaa la kulmay hogaamiyaha cusub ee todobaadkii hore afganbiga ku qabsaday xukunka Burkina Faso, Ibrahim Traore, xilli mudaaharaadyo dadweyne ay ka socdaan waddooyinka caasimadda Burkina Faso.

Wafdigan ka socday ECOWAS ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay taliyaha milatariga la wareegay xukunka Burkina Faso, Ibrahim Traore, kuwaasi oo ujeedkooda ahaa inay ku qanciyaan kooxdan afgambiga sameeyaysay inay dib ugu soo celiyaan dimuqraadiyadda.

Taageerayaasha kooxa afgambiga ayaa isugu soo baxay agagaarka goobta uu shirku ka dhacaya, iyaga oo ku dhawaaqaya hadallo ka dhan ah urur gobaleedka ECOWAS.

Traore, ayaa dibad baxayaasha ugu baaqay in ay ku kacaan falal carqaladeyn karo habsami u socodka howlgalka Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika.

Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiirka ayaa dhigeeda Itoobiya ugu hambalyeesay xubin-nimada guddiga golaha 41-aad ee hay’adda Duulista adduunka ee ICAO, kaddib markii shalay shir weynaha 41aad ee hay’adda Duulista adduunka (ICAO) loogu doortay xubin ka tirsan golaha.

Sidoo kale, waxaa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada dal, iyadoo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ay boggaadisay dadaallada lagu horumariyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan farsamo oo diirrada lagu saaray iskaashiga iyo wadaaga xirfadaha iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka la qaadatay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.

UK oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa la kulantay agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga adeegyada Duulista Hawada iyo horumarinta wadaaga khibrada iyo tababarada , iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista hannaanka maamulka iyo adeegga ee Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulanka ku sheegtay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo iskaashiga caalamka , si nidaamka Hawada sare ee Dalka uu u muujiyo doorkiisa dunidda.

“ Dalkeenna maanta wuxuu jooga halkii uu uga mid noqon lahaa waddamada leh hawada adeegyadeeda iyo maamulkeeda la isku haleyn karo , annagoo ka faa’iideysanayna sida ay hawadeena u tahay goob istiraatiji ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi ayaa dhankeeda boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada , iyadoo xaqiijisay sida ay uga go’antahay inay xoojiyaan doorkooda iskaashiga iyo taageerro ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa , maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , Mudane Axmed Macalin Xasan.