Xildhibaan Sanbaloolshe oo ku baaqay in midnimo lagu wajaho kooxaha argagixisada

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay ay xanuunka la qeybsanayaan shacabka Gobalka Hiiraan oo ka soo kabanaaya qarax dhawaan ka dhacay halkaasi oo ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada.

“Cadawgu wuxuu damacsan yahay in uu idin halaago, Sidaa daraadeed,waxaan u baahanahay in aan dhammaanteen xoojino midnimada aan ku wajaheyno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab “ ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe waxa uu ku baaq in dalalka deriska,caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,si ayuu yiri xididada loogu siibo cadawga naflacaariga ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha Puntland oo Guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, Tababarada Shaqaalaha maamulka, xaaladaha Roobabka Dalka ka curtay iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa maanta lagu ansixiyey Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa boggaadiyay muhiimada Xeerkan wuxuuna Sidoo kale Golaha faray in Wasaaraduhu si weyn uga faa’ideystaan Tababarada Shaqaalaha Dowladda oo hadda ka socda Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda xaruntiisa Garoowe. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, dowladnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Weerar ka dhacay dalka Thailand oo sababay dhimashada 34 Caruur ah

Thailand weerar lagu qaaday xarun lagu xanaaneeyo caruurta oo sababay dhimashada 34 qof.

In ka badan 34 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay xarun lagu xanaaneeyo caruurta oo ku taal gobolka Nong Bua Lamphu ee waqooyi bari dalka Thailand.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu oo hore uga tirsanaan jiray Booliska iyadoo aan weli la soo qaban dhib geystaha.

Wasiirka maaliyadda oo la kulmay madax ka tirsan Bankiga Adduunka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee XFS , Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo xubno ka tirsan Sanduuqa loo dhanyahay ee deeq-bixiyayaasha (Multi Partner Fund) oo uu Bangigu maamulo.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii sare loogu sii qaadi lahaa taageerada Bankiga Adduunka ee ku aaddan hannaanka maaliyadda Soomaaliya iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda ayaa ugu dambayn ka mahadceliyay muhiimadda ay innoo leedahay taageerada Bankiga, xoojinta hannaanka maaliyadda ee soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada waxtarka u leh bulshada.

Ciidanka Qaranka oo Basra ku dilay sagaal dhagar-qabe

Ciidanka nabad sugidda iyo sir-doonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Haram-cad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Tuulooyin hoos-taga deegaanka Basra, halkaasi oo ay ku dileen 9 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada.

Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysa howlgallada ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay sidoo kale ka furteen Al-shabaab saanad ciidan isla markaana ay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Qeybaha kala duwan Ciidamada Qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday degaanka Basra iyo Tuulooyinka ka ag dhow howlgallo lagu ciribtirayo haraadiga nabad-diidka Al-shabaab.

Maamulka gobolka Banaadir oo deeq raashiin ah gaarsiiyay barakayaal ku sugan deegaanka Gubadleey

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo, Basma Caamir Axmed (Jaketti) Xog hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha haweenka gobolka Banaadir ayaa Maanta Deeq Raashiin ah waxay gaarsiiyeen Barakacayaal ku sugnaa deegaanka Gubadleey, kuwaas oo ka kala yimid gobollada dalka kadib markii ay saameyn ku yeesheen abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Deeqdaan oo isugu jirta noocyada kala duwan ee raashiinka ayaa ah mid ka timid Dowladda Emarat-ka Carabta isla markaana lasoo marsiiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Ciidanka XDS iyo dadka deegaanka Lambar 50 oo fashiliyay Miinooyin ay Al-shabaab aaseen

Ciidamada deegaanka KM 50 ee gobolka Shabeellada hoose ayaa fashilayay miino ay kooxda dhaqar-qabayaasha Al-Shabaab ku aaseen inta u dhexeysa Muuri iyo Lambar 50.

Ciidamada deegaanka oo kaashanaya maamulka gobolka iyo Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku jira hawlgallo joogto ah oo lagu dabar-jarayo Al-shabaab.

Maamulka gobolka Shabeellada hoose ayaa u mahadceliyay shacabka gobolka oo markasta muujiya digtooni dheeraad ah, isla markaana wada shaqeyn dhow la leh mas’uuliyiinta ammaanka si looga hortago dhagarta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta “Dowladda ajandaheeda kowaad waa in ay ciribtirto nimankaan khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS , C/raxmaan Yuusuf Al- Caddaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ajandaheeda koobaad yahay in ay ciribtirto kooxda Khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka.

“Dowladda ajandaheeda kowaad waa in ay ciribtirto nimankaan khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka “ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Al-caddaala oo ka hadlayay dood ku aaddanayd doorka dhallinyarada ee dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay haatan la dagaallamayaan Siddeetan jirro ay nolosha u diideen, ka dib markii ay ka dhaceen xoolihii ay dhaqanayeen, carruurta ka kaxaysteen, guryaha iyo Ceelahana ka gubeen.

Al-caddaala, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay inay taasi billow u noqoto halgan iyo jihad ilaah loogu dhowaanaya oo ka dhan ah Al-shabaab si loo difaaco caqiiddada saxda ah ee Ummaddeenna.

Wasiirka ayaa sheegay inuusan jirin qof aan dareensanayn qatarta Al-shabaab meel kasta oo uu ku sugan yahay, wuxuuna ku boorriyay dhallinyarada uu la hadlayay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada gacantana loola tago si loo dabar gooyo haraadigooda dhuumaalaysiga ku jira.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay wakiilka gaarka ah ee arrimaha Afrika u qaabilsan Finland

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilshan Dawladda Finland ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wabixin ka dhageystay ergeyga kuna bogaadiyay dadaalka uu ka wado Geeska iyo dowrka Dowladda Finland ee garab istaagga dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga la wadaagay muhiimadda ay leedahay inay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo taakulada dadka tabaalaysan.

Ergeyga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay kulanka isagoo xusay in Dawladda Finland ay dhinaceeda dadaal ku bixin doonto qodobada la isla soo qaaday.