Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ka qeyb galay shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD – ICPAC

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa magaalada Nairobi uga qayb-galey shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD-ICPAC.

Shirkaan ayaa looga hadlayey xasaradaha gobolka ka jira sida cunno yarida iyo abaaraha soo now-noqday, waxaana si gaar ah diiradda loogu saarey in si wadajir ah loo abaaro xasaradahaan iyadoo laga eegayo xiriirka u dhaxeeya gargaarka, horumarka iyo amniga (Humanitarian, Development and Peace nexus).

Wasiir Axmed Baashi oo madashaas khudbad ka jeediyay ayaa kasoo qeyb-galayaasha la wadaagay aragtida Soomaaliya ee ku aadan muhiimadda ay leedahay in jawaab mideysan laga bixiyo dhibaatooyinka abaaraha ee soo noq-noqday.

      

Gen: Odawaa Yuusuf Raage” Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in argagixisada la ciribtiro”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-shabaab lagana hortago dhagaraha qarsoon ay ummadda Soomaaliyeed umaleegayaan.

Sidoo kale, Generaal Odawaa, ayaa tilmaamay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkii uu u god galay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole ee ahaa in argagixisada laga ciribtiro guud ahaan dalkeenna.

“Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in dalkeena argagixisada laga cirib tiro” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha oo ka qeybgalay soo xirista gogosha tacsida taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Banaadir Generaal Farxaan ayaa carabka ku adkeeyay in wadada uu ku baxay marxuumka ay noqoto mid guuleysata oo argagixisada laga tir-tiro guud ahaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayuu ku ammaanay go’aanka iyo geesinimada ay ku wajaheen nabad-diidka ka dib dagaaladii guusha laga soo gaaray ee ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo ka mid ah gobolka Baay, maleeshiyada Al-shabaab ayaa laga saaray deegaano badan oo shacabka ay ku dhibaateyn jireen, xoolo baad ahna ay kaga qaadi jireen.

Xukuumadda Sooomaaliya ayaa balan qaaday in ay mudnaanta koowaad siin doonto la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge iyo 13-dhagar qabe oo ka tirsanaa argagixisada

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ku dilay horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa gobolkaas  iyo 13 dhagar qabe oo kale.

Taliyaha ururka 66-aad,guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada ay ka hortageen dhagar ay argagixisada u soo maleegtay shacabka ku dhaqan degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolada dlka ka wada howlgalo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka nabad-diidka.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Xarunta bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay kulan uu kula yeeshay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Wada-hadalkii ay yeesheen labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maadaama uu dhisay xarumaha ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ee lagu uruuriyo cashuuraha dalka.
” Waxa aan maanta booqasho ku tagay Xarunta Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ee magaalada Nairobi, halkaas oo aan shir wax-ku-ool ah kula yeeshay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Waxa aan wada-hadal keennii diiradda ku saarnay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu nala garab taagan yahay. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maadaama uu innoo dhisay xarumaha ugu muhiimsan ee cashuuraha dalka.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS
   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khadka Taleefanka kula hadlay Dhiggiisa Finland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefanka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxayna kawada hadleen xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda.
“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Booqday Dhaawacyadii laga keenay Baled weyne

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta booqday xaaladda dhaawacyadii laga keeney Magaaladda Baladweyne.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii laga keeney dhawaan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid isagoona xogwareysanayey dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad midka uga wanaagsan..
Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada inkastoo ay jiraan kiisas yar oo u baahan dibadda, dhanka kale qaar kamida bukaanada ayaa ayaa kamadceliyay baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad ee loo fidiyay
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.
Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiraan.

 

           

Galmudug iyo safiirka Talyaaniga oo saxiixay heshiis lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Xaflad lagu maamuusaayey saxiixa heshiis ku saabsan mashruuca dayactirka garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb,ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Heshiiska saxiixaan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaadiidka Dowlad Gonoleedka Galmudug C/risaaq Maxamed Maxamuud.danjiraha safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Albert Fiki iyo xubno kale oo ka socday hey’adda WFP.

Mashruuca dayactirka garoonka oo socon doona illaa dhammaadka sanadkaan waxaa ku baxay lacag dhan 3-milyan iyo boqol kun oo doolar.

Mashruucaan oo ay ku yabooheen dowladda Talyaaniga ah,waxaa ku lug leh ama fulinaya hey’adda WFP

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta fulisay xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa manata xukun dil ah ku fulisay xidigle C/naasir  Daa’uud sheekh Xasan oo si baereer ah u dilay taliye dhamme xoogga dalka Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye oo ahaa taliyihii gaadiidka ee ururka 59-aad.

Dilkaan qisaasta ah ayaa ka dhacay xarunta Dugsiga jeneraal Goordan oo ah goobtii uu marxuumkaasi ku dilay taliyaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida Maxamed C/laahi Khaliif Iyo qaar kamid ah eheladii uu ka tagay dhamme ex Cabdi Maxamed ayaa goobjoog ka ahaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ex xidigle C/naasir Daa’uud.

Dilkaasi kaib waxaa la isku dhinac aasay ninkaasi gacan ku dhiiglaha ahaa iyo taliyihii uu ka dambeeyay dilkiisa .

29-kii bishii hore ayeey aheyd markii marxuumkaasi uu geystay falkaasi dilka ah.

Ciidanka Dowladda oo tiro Al-Shabaab ah ku dilay deegaano ka mid ah Shabeelooyinka

    

Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, ka dib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu Argagixisada ay ka saareen deegaanka Basra oo laga soo abaabuli jiray dhibaatooyinka argagixisada ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay“waxaan u baahanahay hal bilyan oo lagu taakuleeyo Soomaaliya”

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed.

Martin Griffiths oo la hadlay shabakadda Al-jaseera ayaa codsaday in loo baahan yahay kaalmo lacag hal bilyan oo  doolar ah oo bilaha soo socda lagu taakuleeyo dadka ku barakacay abaaraha ee gudaha Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan oo qof lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo gargaar tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in hey’adaha samofalka ay dowladda Soomaaliya gacan ku siiyaan dadaalka ay ugu jiraan wax uqabashada dadka ku barakacay abaaraha ee ka jira gobolada dalka.

Qaranka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah,ka dib sanado badan oo abaaro isxigxiga oo aan horay looga baran dalka.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 345 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo adduunka oo dhan