Dowladda Soomaaliya oo hawada ka saartay barihii faafin jiray farriimaha Argagixisada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa shaaciyay in hawada laga saaray barihii ay Argagixisada ku baahin jireen wararka iyo farriimaha.

Wasiir Al-cadaala oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook ayaa yiri:

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka haddii ay arkaan mareeg ay Argagixisada ku gudbineyso warar marin habaabin ah in ay la soo xiriiraan degalka, [email protected]

Wasiirka Amniga oo warbixino ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka go’an sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho uga billaabatay dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Maxaas

Wafdi ka socday hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa muddo 13 sanadood ah ka dib maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa sidii kormeer ay ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka deegaanka oo dhibaatooyin u geysteen Argagixisada Al-shabaab.

Sidoo kale, wefdiga ayaa qiimeyn doona dib u dhis loogu sameyn doono xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen kooxaha Khawaarijta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN WADATASHI AH LA QAATAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la isagu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan ee argagixisada iyo muujinta sida ay khawaarijta Alshabaab uga been abuuranayaan diinteenna suubban ee Islaamka, isagoo xusay gacanta ay ka geysanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.Waxa yna soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgallada socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin ku aadan Dhalashada Nabigeena SCW la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo todobaadkan ku beegan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay Ahmiyadda gaarka ah ee Bulshada Muslimiinta u leedahay maanta oo ku beegan Dhalashada Nabigeena Sallaalahu Caleyhi Wasalam.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu hambalyeeynaya Dhalashada Rasuulkeena Muxamed SCW oo maanta ku beegan, runtii maanta oo kale waa maalin xasuus mudan, walaalaha fahansan Taariikh Nabigeena, kuwa kale ha baraan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Maareeye “Dowladda maanta waxay qaadatay go’aan muhiim u ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa boggaadiyay go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa “in aan la baahin Karin Wararka iyo Fikirka argagaxisida Al-shabaab”.

“Runtii dawladdu waxay maanta qaadatay talaabo aad iyo aad muhiim ugu ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida iyo fikirka xagjirka ah ee looga been sheego diinteena suubban.” Ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa  yiri  “Talaabadan oo hore la isugu dayey ugu yaraan laba jeer ama aanu Golaha Wasiiradda iyo Madaxdii Qaranka horgeynay, waxaa fashiliyey kooxo, Ganacsato iyo shaqsiyaad si dadban ama si toos ah uga horyimid, ka dibna waxaanu weynay madax Qaran oo nagula adkaysata.”

Duqa Muqdisho oo kulan sagootin ah u sameeyay wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Maddaale) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo uu horkacayo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud.

Wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee labada heer dowladdeed ayaa ka qayb-galay shir wadatashi ah oo uu marti qaadkiisa iska lahaa Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo dhamaadkiisii laga soo saaray war-murtiyeed la wada saxiixay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdishu ayaa wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ku ammaanay sida uu Xil isaga saaray joogtaynta iyo hagaajinta xiriirka labada heer ee dowladdeed.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wasiirrada dowlad goboleedyada ayaa ka mahadceliyay marti qaadka Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Banaadir oo ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir  marwo Basmo Caamir Shakeeti qaar ka mid Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir  Marwo  Jawaahir Baarqab iyo guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Cabdikaafi Maxamuud Makaraan.

Dowladda Iiraan oo beenisay warar laga faafiyay

Dowladda Iran ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada ammaanku ay dileen gabar 16 jir ah intii ay socdeen bannaanbaxyo ka dhacay dalkaasi.

Baaritaankii ugu horeeyay ayaa lagu ogaaday in Sarina Esmaeilzadeh ay is dishay kadib markii ay ka soo dhacday saqafka guri, sida ay sheegtay warbaahintu Jimcihii.

Mudaaharaadyo ayaa ruxay Iran tan iyo 16-kii Sebtembar.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay Sebtembar 30-keedii in Esmailzadeh, oo 16 jir ah, “uu dhimatay ka dib markii si xun madaxa looga garaacay budad” toddobaad ka hor.

Dowladda Soomaliya oo mamnuucday baahinta wararka la xiriira argagixisada Al-shabaab

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jirqaad ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa ka warbixiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada argagixisada Al-shabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay in dagaalka khawaarijta Al-shabaab lagu soo kordhiyay labo furin oo ah in laga joojiyo dhaqaalaha baadda ah ee dadka Soomaaliyeed inta ay ka gurtaan isla iyaga dib ugu gumaadaya iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta fikirka cabsi gelinta iyo marin-habaabinta ah ay waqti 20-sano ku dhow dadka Soomaaliyeed ku dhex faafinayeen.

” Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas”, ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.