Wasiirka Caafimaadka XFS oo Magaalada Qaahira kulan kula qaatay Ardayda Soomaliyeed ee taqasuska Caafimaadka ka diyaarinaya Dalka Masar.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar kulan kula qaatay Ardayda Soomaliyeed ee taqasuska Caafimaadka ka diyaarinaya Dalka Masar.

Wasiirka ayaa Ardeyda kula kulmay xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Amb. Ilyaas Sheekh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo howl wadeenada kale ee Safaaradda

Wasiirka ayaa Ardayda ka dhagaystay caqabadaha soo waajahdo mararka qaar iyo talooyin ku saabsan qaabka loo horumarinkaro arimaha Caafimaadka wadankeena maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka soo koraya gaar ahaan dhanka Caafimaadka oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee Dalka.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku booriyay Ardeyda in ay waxbarashadooda dhameystaan oo ay wadankooda wax kusoo kordhiyaan una dhabar adeygaan caqabadkasta oo hakad galin karta halganka waxbarashadooda.

Ugu dambey Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Safiirka iyo howlwadeenada kale ee Safaaradda doorka ay ka qaadanayaan in Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Masar ay hellaan adeegyada Dowladeed ee ay u baahan yihiin iyo sida ay u garab istaagto mararka ay soo wajahdo xaaladaha qaar iyo sida kulanka ay usoo qabanqaabisey.

Ciidamo loo diyaariyay xorreynta dalka oo ka amba baxay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay xorreynta deegaannada ay heystaan Argagixisada.

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada u horreeya ka billaabi doonaan Gobolka Shabeellada Dhexe, si Argagaixisada looga sifeeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan oo iyaguna ka hadlay goobta ay ka ambabaxeen Ciidamada ayaa sheegay in kaliya aysan ku hakan doonin gobolada Shabeellada Dhexe, balse sii wadi doonaan howlgalka ilaa Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa kamid ah Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah Argagixisada, kaasi oo ka socda gobolada dalka laguna xorreeyay deegaanno muhiim ah.

Ciidanka xoogga oo dilay 200 oo ka tirsanaa Argagixisadda Al-shabaab

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Kuwa deegaanka ee Macawisley ayaa dilay In ka badan 200 oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Argagixisadda ah ee Al-shabaab oo saakay si dhuumaysi ah rabay in ay u soo weeraraan Tuulada Jicibow oo qiyaastii magalada Buula-burde u jirta 25KM.

Kooxdan ayaa damacoodu ahaa in ay kala gooyaan labadda Magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde.

Maamulka Deegaanka Ayaa Ka War Helay in Argagixiso Fara badan Oo Dooma Wataa Soo Dhigteen Deegaankaasi waxaana
Durbaba halkaas u Ruqaansaday Ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macaawisleyda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale gurmad xoojin ah u diray halkaas kuwaasi oo kooxda ku hareereeyay deegaanka jicibow oo hoos taga Degmada Buul-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkii Saaka Bilaabmay ayaa maqribkii caawa la soo afjaray iyadoo guud ahaan ba cagta la mariyey kooxihii Argagixisadda ahaa ee halkaas soo galay.

Shacabka Magaladda Buula-burde Ayaa Ciidanka la daba joogau saadka taakulaynta oo isugu jiray Hilib,Caano iyo Biyo si ay u dhiirigeliyaan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka Macawisley oo mudooyinkii u dambeeyey xoojiyey halganka lagaga xoraynayo dalka kooxaha Argagixisadda ah.

Duqan Muqdisho oo xafiiskiisa kula kulmay danjiraha Ethiopia e Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb. Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo ugu yimid salaan sharafeed, isagoo ugu hambalyeeyay in mar labaad uu Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Danjire Cabdifataax iyo Guddoomiyaha gobolka oo kulan dheer wada qaatay ayaa waxaa ay ka wada hadleen qodobo inta badan diirada saarayay horumarinta xiriirka ku dhisan wax wada qabsiga, iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha isbadalka Cimilada iyo Deegaanka, Qorshaha Dowladda Ethiopia ee ah Gaarsiinta Barnaamijka Dhireynta (Cagaareynta) wadamada Dariska, taasi oo Caasimada Muqdisho dhawaan laga hirgelin doonno, si isbadalka Cimilada iyo Deegaanka wax loogu qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya taageeridda dowladiisa ee arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixiyaan dhinacyada iskaashiga horumarka iyo wax ka qabashada cimilada, asigoo sheegay in dhawaan Magaalada Muqdisho laga bilaabi doonno qorshaha Barnaamijka dhireynta ee magaalo Cagaaran.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal lagu baacsanayao argagixisada ka wada gobolka Hiiraan

Ciidanka xogga dalka ayaa howl-gal lagu baacsanaayo kooxda nabad-diidka ah ka wada deegaanka Jicibow oo hoos taga degmada  Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka ayaa weerar ku qaaday kooxda oo isku aruursanaayay deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, halkaasina ku gaarsiiyay khasaaro xooggan.

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa si wada jir ah isaga kaashanaaya howlgalka  hadda ka socda deegaanka jicibow ee kooxda Argagixisada ah lagu sifeeynaayo.

Al-shabaab iyo Af shabaab waa shirko aan wax is dhaamin

Shucuubta Aadanaha waxaa dhab ah in haddii la saaro cadaadis adag, waxaa laga filaa in ay sameeyaan ka dhiidhin falalkaasi xun, markii ay u adkeysan waayaan dullinimada lagu haayo, sida ay sameeyeen shucuubta ku dhaqan Deegaanno ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Gal-guduud, kuwaasi ay kula kaceen kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab falal arxan darro ah, kadib waxaa abuurmay in ay is abaabulaan Dadka Deegaanka, bilaabaanna in ay la dagaalamaan ilaa ay ka xoreysteen qaar ka mid deegaannadooda.

Dowladda Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku baaqday inuu furan yahay Dagaal ka dhan ah Kooxda Argagisada ah ee Al-shabaab, waxayna caddeysay inuu jiro hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaasina waxaa cod dheer ku dhahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay in ciddii taakuleysa, Lacag siisa, taageerta, niyadda ka jecel iwm ay la mid yihiin Kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay heystaan Argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, Dowladnimada iyo madaxbannaanida Dalka, sidaasina waxa uu ka sheegay mar uu shir-guddoominayay Shirkii golaha wasiirada, wuxuuna  kula dardaarmay golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaalanka Argagixisada, caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhanna ay kaalin ku yeeshaan dagaalka ka dhan ka ah Argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaasi looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo dhan kasta leh.

Madaxweyne Xasan Shiikh dalka waxa uu u jiheeyay in kooxda Al-shabaab cudud ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaanba in dagaal lagu ciribtirrayo lagu qaadayo, haddana qeybo ka mid ah u dalka ka socdo, waxaana Argagixisada u furan inay isa soo dhiibaan, kuwa baadda siiyana  waxaa la gudboon oo kaliya inay joojiyaan, Telefoonada Alshbabaana ay iska xanibaan (Blockgareeyaan).

Dhinaca kale Dowladdu waxay dhowr jeer uga digtay qolooyin bixiya lacagaha baadda ah inay ka waantoobaan, balse ugu dambeyntii waxaa ka soo baxay amar mamnuucayo arrintaasi, waxaana amarkaasi faafiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxa uu kulan la qaatay shirkadaha, Ganacsatada iyo Bankiyada, isagoo ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed islamarkaana ciddii fulin weyda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan,isagoo carabka ku adkeeyey in marnaba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo, islamarkaana lagu gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Dowladdu waxaa kale oo ay ku dhaqaaqday tallaabo wanaagsan oo ku saabsan in la xiro Baro Bulsho oo gaaraya 40 oo ay adeegsan jireern Kooxda al-shabaab, waxaa sidaasi sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, isagoo xusay in hawada laga saaray barihii ay Argagixisada ku baahin jireen wararka iyo farriimaha.

Wasiir Al-cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa yiri: “Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiran yihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman”, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed haddii ay arkaan mareeg ay Argagixisada ku gudbineyso warar marin habaabin ah in ay la soo xiriiraan degalka, [email protected].

Tallaabadaasi horumarka ah waxaa soo dhaweeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xil. Maxamed Xayir Maareeye, waxaa uuna boggaadiyay go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in aan la baahin Karin Wararka iyo Fikirka argagaxisida Al-shabaab, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri“Runtii dawladdu waxay maanta qaadatay talaabo aad iyo aad muhiim ugu ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida iyo fikirka xagjirka ah ee looga been sheego diinteena suubban.” .

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa  yiri  “Talaabadan oo hore la isugu dayey ugu yaraan laba jeer ama aanu Golaha Wasiiradda iyo Madaxdii Qaranka horgeynay, waxaa fashiliyey kooxo, Ganacsato iyo shaqsiyaad si dadban ama si toos ah uga horyimid, ka dibna waxaanu weynay madax Qaran oo nagula adkaysata.”

Haddaba dhammaan tallaabooyinkaasi ay ku dhaqaaqday Dowladda waxay ka mid yihiin la dagaalanka kooxda Argagisada Al-shabaab iyo ciribtirkoodaba, waana in lagu gacan siiyo, lana garab istaago, sidaasi awgeed Al-shabaab iyo Af shabaab waa shirko aan waxba is dhaamin.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo sheegay in ay soo saarayaan Qamandi ku filan

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Deegaanka Tulli Guuleed oo ah dhul Beereed laga beero Qamandiga, Tulli Guuleed ayaa ka tirsan Gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashadan ayaa waxa Raii’sulwasaaraha ku weheliyay Madaxweynayaasha deegaanada iyo xubnaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

Raiisulwasaare Ethiopia ayaa yiri ” waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia iyo dalalka kale ba, waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan deegaanka Soomaalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40 kiintaal”.

Ra’iisul wasaare Abiye ayaa xusay in sanaddaha soo socda la sii laban laabi doono xaddiga beerista Qamandiga iyadoo tirada la soo saari doono la gaarsiin doono ilaa 52 malyan oo kiintaal.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xilliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

Wasiirka Gaadiidka XFS Duulista Hawada XFS oo kulan xog-wareysi ah la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada+Sawirro

– Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Fardawso Cismaan Cigaal oo howlo shaqo u joogto dalka Canada ayaa kulan xog-wareysi ah la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas , gaar ahaan Montreal , Ottawa iyo Toronto.

Wasiirka ayaa sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ay udub-dhexaad u yihiin dadaallada Dib u dhis ee dalkeenna, waxaana sdioo kale, wasiirka jaaliyadda ay wadaageen xoojinta doorkooda taageerro ee Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed oo wajahaya saameynta abaarta, isbeddelada cilimada , dib u xorreynta iyo xasillinta dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaddiidka iyo Duulista hawada Fardawso Cismaan Cigaal ayaa uga mahadcelisay hoggaanka jaaliyadda, waxgaradka, aqoonyahanka,haweenka , Dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada soo dhoweynta wanaagsan ay u sameeyeen iyo dhiiri-gelinta dib-u-dhiska dalka.

  

Wasiirka Amniga oo warbixino ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka go’an sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.