Wafdi ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka 1aad BFS oo gaaray Buulo burte+Sawirro

Buulo-burte-(Wargeyska Dalka)-Wafti wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo ay hoggaamineeyso ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa gaaray Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, C/risaaq Maxamed Cumar Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka fadaraalka iyo xubno kale.

Waftiga ayaa Buuloburte u tagay sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Kooxda argagixisada Al-shabaab qasaaraha xooggan gaarsiiyay.

Ergeyga gurmadka abaaraha oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan London

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan loogu qareemayay gurmadka abaaraha la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.

Kulanka oo ay si weyn uga soo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimada, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo dagaalka argagexisada.

Xildhibaan Cabadiraxmaan Cabdishakuur ayaa Jaaliyadda UK, ku dhiirageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada ee dhibaatada ku haya dalkeenna.

Ergeygu wuxuu jaaliyadda ku boorriyey in ay Dowladda UK culays ku saaraan sidii ay dib ugu laaban lahayd kaalinteedii u qareemadda, ugana qeyb qaadan lahayd dadaallada looga hor tagayo in abaaraha daran ee dalka ka jira u gudbaan macluul.

Ergeyga ayaa intii uu ku sugnaa Ingiriiska kulamo kala duwan la qaatay madax ka socotay Britain, sida; Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UK, Ergeyga gaarka ah ee Isbeddelka Cimilada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Xildhibaan Cabadiraxmaan oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa hadda ku sugan magaalada Oslo halkaasoo uu galabta kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen kula qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway.

Taliska Booliska gobolka Banaadir oo loo magacaabay taliye cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye gaas, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le sare, Mahdi Cumar Muumin.

Taliyaha cusub ayaa beddeli doona Allaha u naxariistee, Farxaan Maxamuud Aaden (Qaroole) oo ku geeriyooday dhowaan qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, xilli uu ku guda jiray howlgal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Shacabka gobolka Baay oo howlgallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay degaanno hoos taga Buur-hakaba+Sawirro

Shacabka ku dhaqan gobolka Baay oo go’aansaday in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaannada kala ah Habar dooy, Daa’uudoow iyo Qoriile oo dhammaantood hoostaga degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay.

Howlgalka ayaa lagu baacsanayay kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannadaas isla markaana dhibaatooyin u geysta dadka shacabka ah.

Shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka qeybihiisa kala duwan ayaa bilihii lasoo dhaafay ka waday gobollada dalka howlgallo ay ku baacsanayaan haraadiga kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay deegaanno fara badan oo ay horay u go’doomiyeen nabad-diidku.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo lagu soo dhaweeyay xarunta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ +Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku guda jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyagoo wada qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku saabsan, kaasoo ku aaddan sidii Soomaaliya loogugu faaideyn lahaa shaqada garsoorka, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xilligii uu guddoomiyaha ahaa iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa Marwo Joan E. Donoghue oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey asigoo soo hadal qaaday in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.

 

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay 55 Milyan oo dollar ku caawineyso Soomaaliya

Xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska, James Cleverly ayaa sheegay in dalkiisa uu sanadkan bixinayo in ka badan $55 million dollar oo gargaar ah, si dadka Soomaaliyeed uga taageeraan cunto, biyo iyo daryeel caafimaad.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in ay dowladda Soomaliya ka taageerayso sidii Argagixisadda Al-shabaab dalka looga xorayn lahaa, iyadoo bogaadisay hawlgallada socda ee lagu cirib tirayo nabad-diidka.

 

Dowladda Soomaaliya oo dib usoo celisay muwaaddinad ku xirnayd dalka Kuwait+Sawirro

Safaaradda JFS ee Kuwait oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSF, Taliska Guud ee Booliska JFS iyo Xafiiska Xeer Ilaaliayaha guud ee Qaranka ayaa ku guulaysatay inay dalkeeda dib ugu soo celiso Faadumo Cabdullaahi Samatar oo muddo ku xirnayd dalka Kuwait, ka dib markii lagu helay eedaymo ay usoo jeedisay dacwad oogista dalka Kuwait.

Faadumo oo uu wahelinayo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda JFS ee Kuwait, mudane, Sayid Cumar Cabdullaahi ayaa maanta ka dagay Garoonka Aadam Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Faadumana lagu wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, si iyaga iyo Hay’adaha kaladuwan ee Amnigu shaqadooda uqabsadaan.

Faadumo Cabdullahi Samatar, ayay dowladda Kuwait ku xukuntay 15 sano oo xarig sanaddii 2018, iyadoo wixii hadda ka dambeeyana kiiskeedu ay la wareegtay xarunta dembi barista Soomaaliyeed ee CID.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga+Sawirro

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane Mustafa Sentop, iyagoo kawada hadlay adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka dalka Turkiga.

Kulanka waxaa kaloo qayb ka ahaa Mudane, Hüseyin Özdemir oo ah La-taliyaha xiriirka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane, Kudret Bülbül Madaxa Xiriirka Caalamiga ah iyo hab-maamuuska ee Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga iyo Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane, Suleymaan Maxamed Kaarshe.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdi Xaashi marka uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo kaashanaya Guddoomiyha Golaha Shacabka BFS, waxay diyaarin doonaan dhismaha xubnaha guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.

Wasiirka Maaliyadda oo magaalada Washington DC uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkaan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, iyadoo xalay uu la qaatay shirar horu-dhac ah labada hay’adood ee kor ku xusun.

Wasiir Wasiirka iyo Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda ee la socda waxa ay ka qeyb gali doonaan shir weyn oo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta iyo hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo ka tegay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Degmada Cadalle Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadalle uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku  qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaanno badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab.