Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyed ee dalka Nethetland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, islamaarkaana ku sugan dalka Netherlands ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo uu hormuud u yahay Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magalada The Hague ee Netherland iyagoona uga warbixiyey nolosha dalkan iyo xaaladaha guud ay ku sugan yihiin.

Gabogabada kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague ugu warbixiyay safarkiisa iyo xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne oo lagu cirib tiraayo Kooxda Al Shabaab, sidoo kale waxaa uu xusay in dalka ay ka jirto abaaro ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Guddoomiyaha ayaa Jaaliyada reer Netherland uga baaqay in kaalin mug leh ay ka qaataan samata-bixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, islamarkaana ay taakuleyntooda labalaabaan si ay uga qeyb qaataan u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee isugu darsameen Abaaraha iyo colaadaha isbiirsaday.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo 20- tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan maleeshiyada Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda khawaarijta ah ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan nabad diidka.

Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen.

Ciidanka oo ku daba jira firxadka maleeshiyadii weerarka soo qaaday ayaa gaaray deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-shabaab oo dhammaan lagu jabiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan loogana dilay maleeshiyaadkii ugu badnaa.

Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha Gariigga

Ciidamada Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in saacadahii la soo dhaafay ay heleen maydad cusub, ka dib markii laba doomood ay todobaadkii hore ku degeen xeebaha Gariigga, kuwaas oo ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah, wararka ayaa intaa ku daraya in tirada meydadka la helay ay gaarayaan 30 qof.

Gariigga ayaa sheegay in laba doon oo ay saarnayeen dad muhaajiriin ah oo gaaraya 175 ruux ay ku dageen xeebaha dalkaasi, kuwaasi oo ay shegeen in ay ku howlanyahiin baadi goobkooda, waxayna intaasi ku dareen in dadka qaraqmay ay u badnaayeen Haween iyo Caruur.

Siddeedii bilood ee ugu horeysay sanadkan, ciidamada ilaalada xeebaha Gariigga ayaa soo badbaadiyay 1,500 oo qof oo tahriibayaal ah, taasoo 600 ka badan tiradii sanadkii hore ay soo badbaadiyeen.

Dhanka kale, Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa sheegay in 38 Tahriibayaal ah laga soo badbaadiyay Xeebaha magaalada Izmir ee Koonfurta Galbeed ee dalka Turkiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaamiya oo ka qeyb galay Shirka Maaliyadda dalalka Afrika

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga ee (IMF Afrika Group 1) oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika, shirkaas oo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. #Sérgio_Pimenta, Wasiirka ayaa kala hadlay sidii loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JAAMACADDA NABADDA EE QARAMADA MIDOOBEY KA QAATAY SHAHAADADA SARE EE PhD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

 

Afar dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degaanno katirsan Shabeellaha Dhex

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dhagar qabe, hub iyo gaari ay wateen maleeshiyaadka Argagixisada ah.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen  xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay cadowgu si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu baado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeeralayda ah iyo ganacsatada inay hoggaansamaan isku dayada Aragagixisada nafla caariga ah ay ku doonayaan wali inay si dhuumaalaysi ah ugu boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed.

   

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Meertada 69-aad ee Hey’adda Caafimaadka adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa .agaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay furitaanka Meertada 69-aad ee Hay’ada Caafimaadka aduunka WHO/EMRO.

Meertada waxaa ka qeyb galey Madaxa Hey’adda Caafimaadka Aduunka Dr Tedros, Wasiiradda Caafimaadka Dowladaha ku bahoobey EMRO iyo Quburo ku xeel dheer arimaha Caafimaadka kaas oo lagaga arinsanayay xoojinta iyo adkeynta nidaamka Caafimaadka iyo baahinta Tallaalada Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka warbixiyay qorshaha caafimaad ee Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor gudban ee in la qaado tallaabooyinka muhiimka u ah horumarinta Caafimaadka iyo in laga jawaabo baahiyaha Caafimaadka ee ka jira Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka codsaday Hey’adda WHO in ay ka caawiso Soomaaliya dhisidda System Caafimaad oo tayo leh kaas oo fursad siin karta malaayiin qof oo siyaabo kala duwan ay u heysato baahi Caafimaad sidoo kalena waxay qeyb ka noqon kartaa yoolka horumarinta Caafimaadka ee ay gardaadineyso Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa warbixintiisa qeyb ka aheyd saameynta Abaarta ay ku yeelatey dadka Soomaaliyeed waxa uuna xusey in meela badan oo kamida Soomaaliya ay si daran u saameysey Abaarta waxa uuna ku celceliyey Wasiirka in WHO ay ka qeyb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka saameynta Caafimaad iyo midda nolaleed ka dhaxley Abaarta.

            

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kula kulmay madax ka tirsan Bankiga Adduunka

Guddoomiyah goboka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha mashruuca horumarinta magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs, Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada Muqdisho, gaar ahaan dhismooyinka Wadooyinka Waaweyn ee Laamiyada, Wadooyinka Xaafadaha ee (Interlog) iyo wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha Muqdisho oo ay Bangiga Aduunka ka taageeri doonto Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay Bankiga Aduunka taageerada ay siiyaan Magaalada Muqdisho, asigoona xusay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Caasimadda Muqdisho.

       

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kula kulmay madax ka tirsan Bankiga Adduunka

Guddoomiyah goboka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha mashruuca horumarinta magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs, Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada Muqdisho, gaar ahaan dhismooyinka Wadooyinka Waaweyn ee Laamiyada, Wadooyinka Xaafadaha ee (Interlog) iyo wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha Muqdisho oo ay Bangiga Aduunka ka taageeri doonto Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay Bankiga Aduunka taageerada ay siiyaan Magaalada Muqdisho, asigoona xusay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Caasimadda Muqdisho.

Wafdi ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo gaartay Buulo burte

Wafti wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo ay hoggaamineeyso ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa gaaray Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo  Macdanta  XFS, C/risaaq  Maxamed Cumar Wasiirka Haweenka  iyo xaquuqul Insaanka fadaraalka iyo xubno kale.

Waftiga ayaa Buuloburte u tagay sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Kooxda argagixisada Al-shabaab qasaaraha xooggan gaarsiiyay.