Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo La Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga Ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta kulan la qaatey safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulankan ayey Wasiirka iyo Safiirka uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dal ee arrimaha Xoolaha iyo tayeyntooda, gaar ahaan dhoofinta Xoolaha Nool iyo Hilibkooda iyo sidii suuq geyn loogu sameyn lahaa Xoolaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Safiirka uga warbixiyay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixiisay xanaaneynta Xoolaha, ayna diyaar u tahay sidii Xoolaha Dalkeenna loogu dhoofin lahaa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isdabajooga oo sare loogu qaadayo xoolaha loo dhoofinayo Dalalka Khaliijka oo ay Boqortooyada Sacuudiga ugu horeyso.

 

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo xilka la wareegay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow iyo Guddoomiyihii hore Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Guddoomiyihii hore uga mahadceliyay howsha uu so qabtay, waxaana uu Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu si daacadnimo ay ku jirto uu u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Wasiir Jaamac ayaa xusay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ahmiyad weyn ugu fadhido dalkeenna, loona baahanyahay inay si dhab ah uga soo dhalaasho waajibaadka saaran.

  

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Maanta u ambabaxay Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Ethiopia, oo ay kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana Forum oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madaxweynayaal, mas’uuliyiin kala duwan, hay’ado caalami ah iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee Qaaradda Afrika.

Ra’iisulwasaare Xamsa oo la filayo inuu madasha ka jeediyo qudbad dhinacyo badan taabanayso ayaa wuxuu kaga hadli doonaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo kacdoonka shacab ee lagu cirib tiro haraadiga argagixisada Al-shabaab.

Ra’iisulwasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu shirku socdo wuxuu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galeysa madasha, isagoo kala sheekeysan doona sidii laysaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth, oo dhawaan uu madaxwyenha dalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka argagixisada.Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

      

Dhallinyaro hore uga soo laabatay fikirka Xag jirka ah ee Al-shabaab oo Dowladda Soomaaliya u samaysay Xirfado kala duwan

Dhuusamareeb- Tiro dhalinyaro ah oo hore uga mid ahaa kooxaha khawaarijta Al-shabaab, kuna yimid barnaamijka cafiska qaran ee isoo dhiibayaasha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta MRC ee dhaqan-celinta maleeshiyaadka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Dhallinyaradan oo muddooyinkii u dambeeyay soo gaarayay xerada dhaqan celinta ayaa loo sameeyay fursado dhaqan toosin ah, waxbarasho iyo u abuuridda xirfado ay kula midoobaan dadkooda, kadib markii ay dhameystaan habraacyada barnaamijka ee lasiiyo shahaadada qalin jebinta.

Agaasimaha barnaamijka Qaran ee isa soo dhiibayaasha Al-shabaab ee DRP, Salaad Jilicow iyo Cabdalla Axmed Nuur Agaasime ku-xigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi ayaa xerada MRC ee Dhuusamareeb ku tagay kormeer ujeeddadiisu tahay ogaanshaha sida ay u shaqeyso xeradan oo Dhuusamareeb laga furay billowgii sanadkan 2022-ka,iyagoo soo dhoweeyay tallaabbadan ay dhaalintu isku so dhiibtay.

Dhalinyarada katimid fikirka xagjirnimada ee doortay in ay bulshadooda si nabdoon ula midoobaan ayaa xeradan ka helay waxbarsho, waxaana mid walba oo dhalinyarada ka mid ah la siiyaa duruus joogta ah oo ay wehliso barashada xirfad uu isagu doortay taasi oo noqoneysa tan uu noloshiisa ku maareysan doona marka uu dhameysto mudada dhaqan celinta sida uu sheegey

Cabdirahman Maxamed Cali Agaasimaha xarunta MRC ayaa sheegay in dhallinyarada ka timid fikirka xagjirnimada ee doortay inay bulshadooda dib ula midoobaan inay helaan waxbarasho, iyadoo qof walba la siiyo duruus joogto ah oo ay wehliso barashada xirfadda uu isagu doorto, taas oo uu ku maareeyn karo noloshiisa marka uu dhammaysto muddada dhaqan celinta.

Kororka tirada dhallinyarada Iska soo dhiibay deegaanada Galmudug ayay qayb weyn ka qaadatey tan iyo markii la furay xarunta dhaqan celinta isasoo dhiibayaasha maleeshiyaadka ee MRC Dhuusamareeb, taasi oo iminka ay kujiraan dhallinyaro aad u badan oo badankood yimid bilihii u dambeeyey.

    

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo la kulmay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda dalka Norway

Oslo- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha Md, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqasho ku tegay aqalka golaha Shacabka Norway ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay xildhibaan , Marian Hussein oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee isir ahaan Soomaali ah.

Ergeyga ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno ka kala socday xisbiyada kala geddisay iyo Ismacil Xusseen oo ah siyaasi ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee  magaalada Oslo.

kulanka oo sidoo kale ay warbaahintu maxalliga ah qeyb ka aheyd ayuu Ergeygu kaga warbixiyay xaaladda Abaarta ee Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in xubnahaani gacan ka geystaan u qaareemidda arrimaha Soomaaliya iyo garab qabashadeeda.

Xildhibaannada oo wadahadal dheer la yeeshay Ergeyga ayaa si dareen le huga hadlay arrinka Soomaaliya iyada oo gaar ahaanna Xildhibaan Maryan ay muujisay sida Iyada iyo Xisbigeeduba ay horay iyo haddaba ugu dedaalayaan gacan siinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

       

Madaxweynaha Puntland iyo Ururrada siyaasadda oo isla qaatay go’aamo lagu dardargelinaya doorashooyinka golayaasha deegaanka

Garoowe- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aya kulan la qaatay Ururrada Siyaasadda iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Faarax Juxa iyo guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee shirka ka qeybgalay ayaa iyana kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda.

Maamulka Puntland ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta, iyadoo inta howsha doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland si loo dhameystiro waxyaabaha dhinaca garsoorka ka khuseeya doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraaddiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

        

Shirka Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha oo kusoo idlaaday Washington

Waxaa magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka lagu soo gaba-gaboobeeyay shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u ahaayeen IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; Cilmi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa shirka ayaa sheegay in madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka ay la wadaageen dedaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo sidii ay DF u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay saaxiibbada caalamka.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada oggol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee uu halkudhigiisu ahaa “Miiska-gorfeynta marxaladda Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykankau qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.

Shirkaan oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soosaar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca waxsoosaarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Wasiir Axmed Baashi ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.

  

Ciidanka xoogga dalka oo dilay 50-katirsan Maleeshiyada Al-shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ku dilay  50 dhagar qabayaal katirsan nabadiidka Al-shabaab kadib markii ay maleeshiyaadka argagixisada isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan degaankaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in argagixisada jab xoogan la gaarsiiyay islamarkaasna laga dilay 50 dhagar qabe.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii baacsnayaan firxadka maleshiyaadka dagaalka saakay lagu jabiyay.