5 sano guuradii 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe oo laga xusay dalka

Waxaa nasiib darraa in muddo shan sano ah kadib oo ay ka soo wareegatay qaraxii Soobbe ee galaaftay nolosha in in ka badan kun ruux, in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan midaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar  waaa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaarto dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxo nabad-diid ah,waa mid reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Haddaba,waxaa Magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale ka dhacaya xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Inkastoo qaraxyadu ay yihiin kuwo socda oo aan joojineyn ama aan wax u dhimeyn horumarada socda,haddana,waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

qaabkee looga faa’iideysan karaa kacdoonka shacab ee looga soo horjeedo kooxda al shabaab?

Culimaa’udiinta Soomaaliyeed ayaa si qoto dheer uga hadlay mudnaanta la siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al-shabaab oo gumaad joogta ah ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo in la dhiir-geliyo kacdoonka shacabka ee ka socda gobolada dalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roobow ayaa ku booriyay culimada Somaaliyeed in khawaarijta lagala dagaalamo fikirka, isla markaana meel looga soo wada jeesto.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala “Nimankaan Khawaarijta ah waxay kala sooceen malahan, qof walba dil ayuu ugu xukuman yahay, waa in aan wadajir ula dagaalano oo aan iska xoreyno”.

Sheekh Cabdiqani Qorane, ayaa tilmaamay in Khwaarijta Al-shabaab ay ku kacayaan falal ka baxsan diinta islaamnka,islamarkaana ka sii darayaan loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

“Nimankaan Khawaarij waa kasii daran yihiin, diinta ayeyna been ka sheegaan”, ayuu yiri Sheekh Cabdiqani Qorane.

Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiyaan dhaqaalaha la siiyo argagixisada oo u suurta geliya in ay joogteeyaan dhagarta ay u maleegayaan shacabka.

” Hantida aad ku bixiso Shabaab, waxaa lagu dhibaateynayaa shacabka Soomaaliyeed, waa in aad maanka ku heysaan in dambiga ugu weyn aad yeelan doonto ” ayuu yiri Sheekh Cabduqaadir Soomow.

Dhankiisa Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in khawaarijta  Islaamka ay kala dagaalameen saddex Shey oo waa weyn.

Culimada Soomaaliyeed oo wehliyaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa si weyn uga dooday qaabka looga faa’ideysan karo kacdoonka shacabka ah ee ka dhanka argagixisada ee ka socda dalka, kaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan kulan wadatshi ah la qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.

Dowladda Jarmalka oo balan qaaday in ay ka qeyb qaadaneyso gurmadka abaaraha dalka.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay.

Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka daran middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badan.

Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubeysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.

Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roobaadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u di’in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo u dhoofay Ethiopia, si uu dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka Qarankeenna ee 17- jirrada ah.

xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa Qaar kamid ah Wasiiro heer dowlad goboleed ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria.

  

Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo digniin adag oo la xiriirta lamacaamiilka Khawaarijta Shabaab u dirtay nootaayooyinka magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag oo laxiriirta lamacaamiilka Khawaarijta Shabaab udirtay nootaayooyinka magaaladda muqdisho.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka 

 

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulamo la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo guddiga gargaarka bani’aadannimada ee Baarlamaanka dalka Jarmalka.
Ergeyga ayaa warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka Soomaaliya iyo dagaalka dalka looga xoraynayo argagexisada Al-Shabaab la wadaagay Dowladda Jarmalka, isagoo ku dhiirageliyey in ay kordhiyaan deeqda gargaarka bani’aadannimo ee looga jawaabayo gurmadka abaaraha daran ee dalka ka taagan.
Sidoo kale Ergeyga ayaa si gaar ah Agaasimaha Gargaarka Bani’aadannimada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Susanne Fries-Gaier iyo Iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalkaas ku boorriyay muhiimadda ay leedahay in Jarmarlku si mug leh uga qeyb qaato bixinta dhaqaalaha loo baahan yahay si loo baajiyo macluul ka dhacda Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu Xukuumadda Berlin ka codsay in ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab istaagto halganka dalka looga xoraynayo argagexisada, dhaqaale ahaan iyo u ololeynba, maadaama Jarmalka ka mid yahay deeq-bixiyayaasha ugu wayn ee Soomaaliya iyo dawladaha hoggaanka u haya Midowga Yurub.
Ergeyga ayaa ku guda jira safarro uu ku marayo dalalka dibadda, si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaaraha ka jira waddanka, wuxuuna diiradda saaray inuu la hadlo warbaahinta adduunka si sare loogu qaado wacyiga iyo xaaladda abaaraha iyo inuu qurba-joogta Soomaaliyeed ku baraarujiyo in ay is abaabulaan si xoognna kaga qeyb qaataan gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.
    

Shirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi  Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta  gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka  Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir,  Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

   

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Addis Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi  Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta  gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka  Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir,  Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

   

Shirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo  dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

         

Wasiir Dowlaha Caafimaadka XFS oo Kulan la qaadatay Wafdi ka socday Xafiiska Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna Ku-Simaha Wasiirka HE. Dr..Maryama Mohamed Hussein ayaa maanta Kulan laqaadatay Wafdi heer sara ah oo kasocday Xafiiska Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Eng. Abudulahi Haji Ali oo ay wehelinayeen Xubno sare oo kamida Xubno kamida Madaxda Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)
Wasiiru Dowlaha iyo Xubnaha ayaa kawada hadlay sida ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha is barkan ee hadda jira sida Xaaladaha Nafaqa daro ee kadhashay Abaaraha, dagaalada iyo sidii adeega caafimaadka ee dalka kor loogu qaadi lahaa.
Dhanka kale madaxda kasocotay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka warbixiyay teegeerada ay ku bixiyaan adeegyada Caafimaadka Dalka, wexeyna bogaadiyeen wadashaqaynta OIC iyo Wasaaradda Caafimaadka.