Guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka dowladda oo maanta tababar muhiim ah furay.

Tababarkaan oo ay ka soo wada wada qeyb-galeen guddoomiyeyaasha guddiyada shaqaalaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha maamulka Shaqaalaha.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka guddiga Qaranka shaqaalaha rayidka dowladda iyo agaasimaha gudd ee wasaaradda shaqada ayaa si wadajir ah u furay tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socdo waxa laga doodi doonaa 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Biixi Iimaam.

Agaasimayaasha guud ayaa aragti wadaag iyo dood dheer ka yeeshay sidii loo dhaqan geli lahaa kuwaas wax weyn ka taraya hufnaanta iyo isla xisaabtanka Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan oo socon doono muddo laba cesho ayay Agaasimayaasha Guud, Guddiyada Shaqaalaha iyo Khubarrada Shaqaalaha uga hadli doonaan dhaqangelintooda maaddaama ay yihiin masuulintii ugu sarreysay Maamulka Shaqaalaha Rayidka.

Ciidamo uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo argagixisada kala wareegay deegaano cusub

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta si buuxda kooxd Argagixisada kala wareegay degaanno hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, ka dib howlgalo kooxda lagu afjaraayo oo ay qaadeen.

Degaananda kooxda maanta laga saaray ayaa kala ah Far-barako, Jameeco iyo Damaleey, waxayna hadda ciidamada ku sii jeedaan deegaano kale oo argagixisadu u carartay.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo dagaalka hoggaaminaya ayaa SONNA u xaqiijiyay in ciidamada argagixisadu ka saareen deegaanadaas,islamarkaana ku sii wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha oo nabad-diidka bulshada ku baadaan.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxaa howlgalka ku wehelinaya guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Warsheekh Hiraab Maxamuud Maxamed (Jaakooy),Axmed Nuur Adeerow, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Hiliwaa, Maxamed Deeqow Geedoow guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Daarusaalama iyo Saraakiil kale.

Ciidamada iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan oo lagu bogaadiyay ciribtirka argagixisada

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka guutada 15-aad ee Xoogga dalka Soomaaliya, iyagoo ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay diyaarka ugu yihiin ciribtirka khawaarijta.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanka ayaa saraakiishan iyo ciidanka ku ammaanay sida ay uga go’an tahay soo afjaridda kooxda argagixisada ah.

Ciidanka Guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga ayaa dhawaan soo gaaray deegaannada gobolka Hiiraan si ay uga qeyb noqdaan dagaalka iyo kocdoonka socda.

Siyaasiyiinta & Bulshada Koonfur Galbeed oo isku raacay dagaal ka dhan ah argagixisada

Wasiirada, xilhibaanada, siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo shirweyne ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay kaalintooda ku aadan kacdoonka dulmi-diidka ee ka socda dalka, kaas oo looga soo horjeedo argagixisada Al-shabaab.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirada Gaashaandhiga, Diinta iyo Awqaafta, Xannaanada xoolaha, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaan jeediyay kalmado ku wajahan sida ay muhiim ugu tahay bulsahada Koonfur Galbeed in ay iska dulqaadaan arxan-laawayaasha Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda Difaaca Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay shirweynahan looga tashanayo kacdoonka dulmi-diidka ee lagu ciribtirayo argagixisada, wuxuuna mahad gaar ah u celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay abaabulka iyo qabsoomidda shirweynahan.

Mas’uuliyiinta ayaa Sidoo kale iclaamiyay dagaal ka dhan ah argagixisada, kaas oo ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna argagixisada Al- Shabaab dalka iyo dadka soomaaliyeed ku hayaan gumeysi iyo gumaad qaawan, waxaa Alle Mahadii ah in maanta leysla fahmay, oo si wadajir loola diriraayo.

Dalka waxaa ka socda kacdoon lagu diidan yahay argagixisada Al-shabaab iyo falalka gurracan ee Bulshada ku hayaan, waxaana hadda kacdoonka xooggiisa ka socda gobolka Hiiraan, halkaas oo badi argagixisada laga xoreeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah u diray dhigiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Guusha ay gaareen Xulka Kubadda Cagta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba.

“Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jabin karin kuwa ku gumuaadaya fikirka xagjirnimada ah ee qaraxa iyo xasuuqa u adeegsanaya qaarkood, kuna beegsada walaalahooda kale ee la da’-da ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeey hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Soomaaliya.

Guddoomiye Cali Jeyte iyo mas’uuliyiin kale oo kormeeray furimaha dagaalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo aay wehliyaan Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Saraakiil ciidan Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ayaa booqday furimaha dagaalka ee ku dhow degmada Moqokori iyo deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan oo aay ku sugan yihiin ciidanka macawiisleeyda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka u ballan qaaday in haddii ay maleeshiyo Al-shabaab ka mid ah soo dilaan uu siin doono lacag dhan  $5,000, sidoo kale, qofkii dhaqar qabe Cali Dheere soo dila ayuu guddoomiye Cali Jeyte u ballan qaaday in uu siin doono lacag dhan $25,000.

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya taageerada ree Hiiraan la garab taagantahay, waxuuna Macawiisleeyda Hiiraan ugu baaqay  in aay soo dhaweeyaan walaalaha kale ee kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Hiiraan ka socda.

Ciidamo ka qeyb noqonaya kacdoonka ka dhanka ah nabad-diidka oo ka baxay Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka Aaddan Cadde ka amba-baxay diyaarado sida ciidamo iyo gawaari dagaal oo qeyb ka noqonaya kacdoonka , kuwaas oo kusii jeeda magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo hordhac u ah kuwo kale oo berri lagu wado in ay gaaraan halkaas ayaa waxaa hoggaaminaya Xil. Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxeyna gaari doonaan Maxaas, si ay uga sii gudbaan Wabxo.

Kacdoonka ka dhanka ah argagixisada ayaa xoogeystay, waxayna ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya gaareen deegaano muddo nabad-diidka shacabka ku dhibaateyn jireen.

Ciidanka DF oo argagixisada kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay  in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka  qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa:

1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u geystaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada qatarka ah ku aha nolosha dadka iyo jiritaanka dalka iyo diinta.

Ra’iisul Wasaare Terrace oo cadaadis kala kulmeysa Golaha Muslimiinta Britain

Golaha Muslimiinta Britain oo ka mid ah Ururada Muslimiinta ee ugu waaweyn dalka Britain, ayaa bilaabay hindise ay ku cadaadinayaan Ra’iisul Wasaare Liz Terrace, si looga hortago  damaca Britain ay ku doonayso in safaaradeeda Tel Aviv ay ugu rarto magaalada Qudus.

Arrinkan ayaa yimid kadib markii Golaha Muslimiinta Britain, ay ka war heleen damaca Ra’iisul wasaare Liz Truss, ee ku aaddan in safaaradda Britain ee Tel Aviv loo wareejiyo magaalada barakeysan ee Qudus.

Dhawaan ayaay Terrace la kulantay dhigeeda Israa’iil, Yair Lapid, intii uu socday  shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York, bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.