Ra’iisul Wasaare Hamse oo casho sharaf u sameeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Abdi Barre ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka geyn doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Munaasabadda cashada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda.

     

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Talyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Beydhabo

Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray maagaalada Baydhabo.

Wefdigaan ayaa Beydhabo u tagey si loo dar-dargeliyo howlgalada dib u xoraynta dalka gaar ahaan deeganada Koonfur Galbeed ee ay hormuud u yihiin Ciidanka xoogga oo kaa shanaya kuwa deegaanka ee go’aansaday in Soomaaliya laga ciribtiro Aragagaxisada Arxanka daran ee Alshabab

Qadar oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

Amiirka dalka Qadar Mudane Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay, Safiirka cusub ee Soomaaliya, sida ay baahiyay Wakaalada Wararka dalkaasi.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Amiirka ayaa lagu sheegay in Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay Safiirka Qadar ee Soomaaliya.

Mas’uulkan cusub ayaa la filayaa in uu soo gaaro dalka si warqadaha Aqoonsiga Danjirimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhoweeyay Xarruunta Hay’adda Caalamiga ee Tamarta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atomic-ga (IAEA)oo fadhigeedu yahay magalada Vienna dalka Austria.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xarunta hay’adda waxaa ku soo dhoweeyay Agaasimaha guud ee hay’adda Rafael Grossi oo guddoomiye sheekh Aadan Madoobe faah faahin ka siiyey waxyaabaha hay’adan ay qabato iyo muhiimada ay leedahay ka mid noqoshadeeda oo ay ka mid yihiin nadaafada biyaha,la socodka dhaqdhaqaaqa hubka halista ah,maalgalinta iyo taageerrada hay’adaha ku shaqada leh arimahaas.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ammaanay doorka hay’addan ka qaadan karto ilaalinta biyaha nadiifka ah berriga iyo badda intaba iyo sidoo kale la socodka hubka halista ah ee nuclear-ka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ka mid noqoto dalalka ka faa’ideysta hay’addan,waxaana hay’adan xubin ka ah 175-dal oo caalamka ka mid ah.

Qadar oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

Amiirka dalka Qadar Mudane Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay, Safiirka cusub ee Soomaaliya, sida ay baahiyay Wakaalada Wararka dalkaasi.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Amiirka ayaa lagu sheegay in Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay Safiirka Qadar ee Soomaaliya.

Mas’uulkan cusub ayaa la filayaa in uu soo gaaro dalka si warqadaha Aqoonsiga Danjirimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Shirka Horrumarinta Beeraha

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe ka furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo maanta lagu beegay Maalinta cuntada Adduunka.

Shirka Horumarinta Beeraha Puntland waxaa ka qeybgalay Madaxwaynaha Puntland Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirkan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasaaradaha wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha Puntland, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

Wasiirka Beeraha Puntland iyo iskaashatootinka Beeraladayda Puntland ayaa shirka ku soo bandhigay horumarada wax soo saarka Beeraha Puntland iyo dalagyada kala duwan ee laga soo saaro Beeraha iyo inay u baahan yihiin taageerooyin dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka Beeraha, isagoona ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan.

Madaxwayne Dani ayaa cadeeyay in Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka dalka.

Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciidan oo gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaalada Jalalaqsi

Xilli ay howlgallo lagu baacsanayo Argagixisada ka socda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhiirigelin iyo garab istaag Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ugu tagey Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciidan.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka iyo Saraakiisha Ciidan ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Jalalaqsi, waxaana ay kulamo kula duwan uu la qaateen waxgaradka iyo maamulka degmadaasi si ay doorkooda uga qaataan kacdoonka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Maalik Cabdalla iyo Saraakiisha ayaa ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya ku dhiiri-galiyay in la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dib u noqosho ma jirto, waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-shabaab”

Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aan la aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan. Hadii aynaan ka suulinin kooxdan dibin- daabyeynta iyo dhibaateynta ku haysa bulshadeena, waxa ka go’an inay baabi’iyaan jiilasha danbe. In dhibaato ku filan wey gaarsiiyeen shacabkeena, waxaan leenahay, hadda waxaa la joogaa xilligii uu gabalkiina dhici lahaa, ugu dambeyntiina aan soo afjari lahayn arxan-daridiina.

Al-Shabaab waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno.

Xilligan adag oo dhibaatooyin bini’aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda. Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.

Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo qarankeena. Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena, shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah sanadkii 2007, ma jirin waqti ka wanaagsan xilligan oo aan dareemay rajada aan ka qabo jabinta Al-Shabaab. Taas waxaa sabab u ah, maanta, annaga oo ka midaysan caqabad ahaanshaha kooxdan, isla markaasna go’aansanay in aynu badbaadsano mustaqbalka ummaddeenna. Iftiinka ifaya ee rajada ummadda Soomaaliyeed marnaba mugdi ma galin kari doonaan argagixisadu. Waxaynu horumar iyo barwaaqo wada gaari doonnaa marka aynu ka adkaano argagixisada oo aynu baal mugdi ah ka galino taariikhda qormeysa.

Si aynu u dhinno awoodooda, ugana adkaano kooxdan, waxaan qaadnay nidaam dhamaanteen kaalin uga banaantahay oo heysta taageerada shacabkeena si aynu u gacan bir ah ugu qabano cid walba oo garab ku siisa Al-Shabaab sii wadida dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rumeysannahay in wadashaqeynteena ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab, waana sababta aan u sameynay istaraatiijiyad dhameystiran oo aan ku wajaheyno yareynta khatarta Al-Shabaab si aan ugu dambeyntii u ciribtirno. Toddobaadyada iyo billaha soo socda, waxaan idiin xaqiijinayaa, muwaadiniinteenna aan jecelnahay, in aan sii wadi doono baacsiga cadawga oo aan ka xoreyn doono degaanno badan oo muhiim ah, kadibna aan gaarsiin doono gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta ay aadka ugu baahanyihiin deeganadaas iyo dadka ku nool.

Inkastoo aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay maanta muujiyeen dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan karno kooxdan sharwadayaasha ah.

Waa sax in aan awood ciidan adeegsano, balse Al-Shabaab qoriga oo kaliya laguma jabin doono. Sidoo kale waa in aan saxnaa fikirka tacliinteena, oo aan xirno maalgelinta xaaraanta ah iyo illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo argagixisada. Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalkeenna wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan cid walba oo la shaqeysa argagixisada.

Waa in aan ka hortagnaa khayaanada ay Al-Shabaab ku hayaan diinteena Islaamka ee quruxda badan, ee ku saleysan nabadda. Anaga oo nabadda jecel waxaan nahay muslimiin dhab ah. Argagaxisada dilaaga ah ee dhiigga u ooman xitaa faham kama heystaan macnaha dhabta ah ee fariinta Islaamka ee ku saleysan rajada, nabadda, iyo horumarka aadanaha oo dhan. Runtii Alle SWT waa naxariis badane, wuxuuna ina faray inaan isku naxariisano mar walba.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan ku waynay si murugo badan leh dagaalka lagula jiro Al-Shabab muwaadiniin badan oo geesiyaal ah iyo ciidamada dalalka aan saxiibada nahay ee naftooda inoo huray si ay bulshadeenna uga ilaaliyaan halista kooxdan. Maanta oo aan dagaalka u soo wadajeesanay waxa ay isku dayeyaan inooga yoolkeena inooga leexiyaan falalkii fulaynimada iyo caga-juglaynta lahaa ee ay ku hayeen shacabkeena aan waxba galabsan, ayna ku boobi jireen hantidooda iyo xoolahooda. Waxba nagama leexin karaan, laakiin waan sii laba-laabaynaa dedaalkeena, ilaa aynu ka soo afjarno bahalnimada kooxdan.

Xaqiiqdu waxay tahay in eynaan gaari karin horumar waara, mid dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed hadii aynaan iska dulqaadin Al-Shabab. Kooxdan argagixisada ah ee Al-Shabab dan kama lahan ka run-sheegida diinteena Islaamka, kama shaqeyaan horumarka dalkeena. Waxay rabaan inay mustaqbalkeena iyo kuwa jiilalka soo socda u baabi’iyaan danahooda guracan. Marna uma oggolaan karno inay guulaystaan. Haddaba, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu sii wado dadaallada aan kaga hortageyno kooxdan maafiyada ah ee Al-Shabaab iyo falalka foosha xun ee ay ula bareereen shacabkeena. Waxaan ku kalsoonahay, haddii aan si hufan oo wadajir ah u sii wadno baraaruga iyo dadaaladeena shacab iyo dowladba in aan guulaysan doono Insha Allah.

W/Q Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo DG oo shir u furmay

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Dalka.

Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada,Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

“Shirka maanta inoo furmay heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumarinta bulshada, shaqo abuurka,xirfadaha , siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mideynta qorshayaasha shaqo,iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka , iyagoo boggaadiyay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhalinta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Shirkan ayaa warmurtiyeed laga soo saari doonaa , Isniinta berri ah marka la soo gabagabeeyo, iyadoo ay ka qeybgalayaan wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto).

Cuno gargaar oo la gaarsiiyay dad danyar ah oo ku nool Buuhoodle

Ha’yadda wadaniga ah ee Tadamun oo fulinaysa wajiga labaad ee mashruuca gurmadka degdega ah ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ayaa howlo gurmad ah ka waddo degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Ha’yadda ayaa u qeybisay 300-Qoys raashin ka kooban Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Baasto iyo Timir, waxaana qoys kasta loo qoondeeyay 70-Kilo gram.

Deeqdan oo ay bixisay dowladda Sacuudiga ayaa waxay u wakiilatay hay’addan si u gaarsiiso dadka u baahan ee abaartu ay saameysay, waxayna hay’addu maalmihii u dambeeyay gargaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamis ka waday Gobolada Bari, Sanaag, Sool, Gardafuu, Karkaar, Cayn iyo Mudug.