Shalay & Maanta Lacibka C/Xafiid Halyeeyay hibadiisa la joojin waayay markii Jalaafooyin badan loo dhigay

Bini’aadam daaye Buuruhu kuma hor istaagi karaan, cunsuriyaduna kuma curyamin karto markuu ku hubaysan yahay hibo hindiseed & hal abuur eebbe kuu hibeeyay, kuma sii jirto markay hooyadaa Duco faraqa kuugu xirto sida Gool magafe C/xafiid Juunisate oo kale, Qoskiisa oo sabool ahaa darteed muusan haysan lacag uu balooni ku iibsado Balse lugtiisa ayaa ka yeeshay Geesigii xoraystay majaangow & kan loogu jecelyahay Acakademiyo bacaad xeebta Calanlay, maanta waa kan wanaagsan Xidigaha Bariga & Bartamaha Afrika qof walbana wuxuu xushmaynayaa Laacibtinimadiisa, ilaa gabdho badan oo gayaankiisa ah ay guur usoo bandhingtee balse sahal kuma iloobi doono Faquuqii & Cunsuriyaddii lagu hayay ee looga hor istagay u ciyaaridda Xulalka Jubbaland & Konfur Galbeed.
Dhaaxuu illin u qabay hagardaamooyin ay keeneen eex & nin jeclaysi laakiin lugtiisa ayuu ku ciil baxay, isagoo muujiyay in laandheeranimadu ay tahay inaad u dhabar adeegto dhibta iyo rumayso riyooyinkaaga, layaab male in la hor istaago Cabdixaafid maxaa yeelay isagu waa mishiinka goolasha sida keliyee lagu celin karaana waa inuusan garoonka luguhiisa soo gelin.
Hooyo Farxiya Banaadi Baana ayaa sheegtay in wiilkeeda lamarsiisay Silic & Saxariir adduun, la caadaadiyay oo la cunsuriyey tiiyoo Noqotay Cashar & Khibrad uu ku ciqaabo difaacyadda kasoo horjeeda.
Wacdarihii Xidigaha ay “Ocean Stars” ee koobka CECAFA under 17 ugu soo hooyeen Dalkeena Hooyo, waxa ku hoos duugan sheekooyin Cajiib ah & Anfariir leh, Cabdixafiid Maxamed Junise waa xidigga ugu saamaynta badanaa Ciyaarihii ka dhacay Addis Ababa,
waxaan ku tilmami karnaa “Lionel Messi-ga” Soomaaliya, Tayadiisa kubbaddu waa Hiboo ilaahay ku gacay wuxuuna hiddo-raacay hilib adowgii, Kubbadda cagta Soomaaliya markaad ka hadlayso maankaaga waxaa ku soo dhacaya Magaalada Kismaayo oo ay kasoo bexeen Xiddigii ugu wanaagsanaa Taariikhda Soomaaliya, waana halka uu ku dhashay Cabdixafiid Junised.
Gobolka Jubbada Hoose waa kan ugu badan ee hantay Koobka gobollada Soomaaliya beri-samaadkii Kismaayo ayaa 8 jeer la hooyatay Koobka gobollada keedii sagaalad Jubbaland ayaa koobka maamul goboleedyada 2017_kii.
Cabdixafiid Junised yaraantiisii ayuu bidhaamay sidii hilaacii mowhibada lamahelaanka ayaa kayeshay kan ugu wanaagsan garoommada buska (boodhka) leh, wuxuuna hibadiisa ku muujiyay Kooxda majaangow, Macalinkiisii oo la dhacay Xirfadda wiilkan ayaana suura geliyay inuu ka ciyaaro Isbartiibo Weekiyo.
Cabdi xaafid oo dhiganayay Dugsiga Axmed Bin Xambal wuxuu Garab & gaashaan ka helay Farxiya Banaadiri Baana waxayna ku dhiirigelisay rumaynta himilooyonkiisa, Dabayaaqadii 2020 waxaa looga yeeray Xulka Jubbland maalmo is diyaaris ah kadib waxaa lagu la kacay Cadaalad darro iyo Faquuq iyadoo loo sheegay inuusan u qalmin kooxda ka qayb galaysa Koobka maamul Goboleedyada,
dharaartaa si way ayuu uga niyad jabay Banooniga Soomaaliya balse Hooyo Farxiya Banaadi Baana ayaa u sheegtay inuusan is dhiibin oo u dagaalamo Nololshiisa, kadibna wuxuu fursad ka helay Koonfur Galbeed oo ugu yeertay inuu metelo Xulkeeda ka qayb galaya gobolka maamul goboleeyada Haw raarsan iyo gudoon ayuu ku yiri Tabaraha Koonfur Galbeed.
Balse Xiriirka kubadda cagta Jubbland ayaa hor joogtay inuu u safro muqdisho si uusan ugu ciyaarin koonfurgeel, Dhib walboo soo gaaray waa sabray wuxuuna goostay inuu ka ciyaaro Horyaalka Somali Premeir Leage isagoo heshiis la gaaray Kooxda Elman.
Macalin Nuur Amiin oo la ashqaraaray hibada ku duugan lugtiisa bidix ee C/Xafiid Junisayd ayaa usoo xoshay kooxdiisii koobaad ee ku guulaystay Koobka Bariga & Afrika, maanta albaabada rajada ayaa u furmay Laacibkan Murugadii waxay isu bedeshay Farxad kawada ilmaysiisay Malaayin Soomaali ah oo u hamuunqabay in Ciidda hooyo la keeno Koobkan caanka ah ee aad loo daneeyo.
WQ: Mohamed Muuse Tarsan

WARGEYKA DALKA OO ISNIIN WALBA SOO BAXA KALA DAG LINKIGA HOOSE

https://drive.google.com/file/d/1WRW_xH1i8tLhz-SPNszOQQPKGCq6OvdM/view?usp=sharing

Masuuliyiin katirsan dowladda oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Ciyaaryahanada xulka 17 jirada Soomaaliya

Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho siweyn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1.

Wasiiro,Xildhibaano katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Bahda Ciyaaraha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Banaadir ayaa si ballaaran Garoonka Aadan-Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.

Intaasi kadib ciyartooyada ayaa loo geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo katirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo kusoo guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.
Mas’uuliyiin kala gedisan oo heer Gobol, Federaal iyo Bulshaweynta Gobolka Banaadir ayaa si diiran usoo dhaweeyay Cayaartoyda.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa oo gaaray Magaalada jigjiga

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa lag soo dhaweeyay magaalada jigjiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil waal ee Magaalada jijiga kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) & mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka wadashaqeynd ee labada dhinac & iskaashia amniga xaduudaha & la dagaalanka Al-Shabaab.

Caalamka Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

“Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.

Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay howlgallo ka dhan ah argagixisada waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka wada degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadkeey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan laga saaray khawaarijta Al-Shabaab

Howlgallada oo ay hoggaaminayo Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo sarakiil kale oo katirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga sififeeynaya argagixisada goobaha ay kaga dumaleysanayaan ee degaanda katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guud ahaan gobolada dalka ayaa waxaa ka soconayo baacsiga ciidamada geesiyasha qaranka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-shabaab,waxana ciidamadu ay ka gareen howlgaladaasi guul la taaban,iyadoo cawaga  laga xoreeyay deenno badan oo katirsan gobolada dalka.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno katirsan Shabeellaha Dhexe

-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay howlgallo ka dhan ah argagixisada waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka wada degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadkeey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan laga saaray khawaarijta Al-Shabaab

Howlgallada oo ay hoggaaminayo Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo sarakiil kale oo katirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga sififeeynaya argagixisada goobaha ay kaga dumaleysanayaan ee degaanda katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guud ahaan gobolada dalka ayaa waxaa ka soconayo baacsiga ciidamada geesiyasha qaranka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-shabaab,waxana ciidamadu ay ka gareen howlgaladaasi guul la taaban,iyadoo cawaga  laga xoreeyay deenno badan oo katirsan gobolada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS oo daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, si loo helo qorshe guud oo isku xira dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha.

Siyaasaddan oo dejinteeda lagu howlanaa muddo dheer oo soo martay heerar kala duwan ayaa lagu talo jiraa in la horgeeyo golayaasha ay khusayso si loo ansixiyo.