Guddoomiyaha degmada Matabaan oo deeq kala duwan gaarsiiyay degaanka Moqokori

Guddoomiyaha degmada Matabaan , Bashiir C/raxmaan Sheekeeye ayaa deeq isugu jirta dawo, dhar iyo agabyo kale gaarsiiyay dadka iyo ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa ka mahad celiyay deeqda kala duwan ee lasoo gaarsiiyay shacabka iyo ciidanka xoogga dalka , wuxuuna sheegay inay xusuus gaar ah ku leeyihiin dedaalka iyo gacanta ay u fidiyeen maamulka iyo shacabka reer Matabaan.

Bashiir C/raxmaan Sheekeeye, guddoomiyaha degmada Matabaan ayaa dadka deegaanka ugu mahad celiyay garab istaaggii ay u sameeyeen Ciidanka xoogga dalka, wuxuuna intaa ku daray inay sii laba jibbaari doonaan halganka ay ugu jiraan dib u xoreynta gobolka Hiiraan.

Australia oo ka noqotay in Galbeedka Qudus ay tahay Caasimadda Israa’iil

Dowladda haatan ka talida dalka Australia ayaa sheegtay inaysan mar dambe u aqoonsan doonin Galbeedka Quddus in ay tahay caasimadda Israa’iil,kadib markii dowladdii hore ee uu hoggaaminaayey ra’iisul wasaare Scott Morrison uu sannadkii 2018-kii ku dhawaaqay falkaasi aqoonsiga ah.

“Maanta dawladdu waxay dib u xaqiijisay mawqifkii hore ee Australia,waxayna Qudus u aragtaa in lagu xalliyo wada xaajood kasta oo nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo dadka Falastiiniyiinta,” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong.

Wong wuxuu ku celceliyay in safaarada Australia ay sii ahaan doonto Tel Aviv ,isagoo intaa raaciyay in dowladda ay ka go’an tahay xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ay ku wada nool yihiin nabad iyo amni.

Go’aankaan cusubi waxa uu bedelay aqoonsigii hore ee ay ku dhawaaqeen Xukuumaddii Morrison ee ka horeysay tan xilligaan.

Maqaamka Qudus waa mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee la doonayo  in heshiis nabadeed ay ka wada gaaraan  Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dowladda oo soo dhoweysay qiimeyntii ugu dambaysay ee IMF

Wasiirka Wasraaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay warbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adda lacagta Adduunka IMF kasoo saartay hannaanka dib u eegista 4-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ay aad usoo dhoweynayaan.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ,Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC, ayuu yiri Wasiirku.

Warbixintan ayuu sheegay Wasiirku in ay muujinayso dedaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo la marayo xilli adag oo uu dalku ku jiro kasoo kabashada abaaraha iyo cunno yarida.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay inay dowladdu ka go’an tahay in ay laba-laabto dedaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro barta kama dambeysta ah ee deyn-cafinta.

Ra’iisulwasaare Xamsa iyo madaxweynaha d deegaanka oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka argagixisada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa caawa waxaa casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Muxumed Cumar.

Munaasabadda casho sharafta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxay si gaar ah uga hadleen qaabka labada dhinac ay isaga kaashan karaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaariijta ah.

Labada mas’uul ayaa si weyn u falanqeeyay sidii loo dardar gelin lahaa dedaallada haatan socda ee la doonayo in lagu ciribtiro kooxda argagixisada si ay nabad iyo horumar buuxda u gaaraan shacabka labada dal.

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogtay xubno muhiim u ah Al-shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liiska rag Soomaaliyeed oo waaxda maaliyadda Mareykanka ay ku eedeysay in kooxda Argagixisada Al-shabaab ay kala shaqeeyaan dhanka uruurinta dhaqaalaha iyo u fududeynta hubka, waxaana xayiraad lagusoo rogayaa shirkadahooda ama kuwa saamiga boqolkiiba konton ay ku leeyihiin.

Shaqsiyaadka waaxdu magacaawday ayaa kala ah

1-Khaliif Cadaale

2-Cabdullaahi Jeeri

3-Cabdikariin Xuseen Gaagaale

4-Cabdisamad “lama dhameystirin magacaan”

5-Cabdiraxmaan Nuurey.

Xubnahan magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa ah kuwa kooxda Argagixisada dhaqaalaha u uruuriya si bulshada Soomaaliyeed loogu gumaado

Sidoo kale waaxda Maaliyadda mareeykanka ayaa shaacisay magacyada afar xubnood oo kala ah.

1-Maxamed Xuseen Salaad

2-Axmed Xasan Cali

3-Maxamed Cali Badaas

4-Suleymaan Mataan

Kooxdan afarta ah waxa ay iyaguna waxay kooxda u yihiin  shabakad kale oo si weyn ugala shaqeysa hubka iyo tahriibka dhinaca Yemen .

Tallaabadan maanta ay ku magacaawday waaxda maaliyadda mareeykanka xubnaha lagu helay la shaqeeynta kooxda Argagixisada ayaa lagu sheegay in dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadka kor ku xusan iyo hay’ad kasta oo ay leeyihiin si toos ah ama si dadban boqolkiiba 50 ama ka badan shakhsi ahaan loo xannibay dhaq-dhaqaaqooda.

Warkaan goor dhow kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya iyo shacabkuba ay dagaallo kula jiraan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida

Jigjiga- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer Dawlad Gobolleed

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer Dawlad Gobolleed.

Wasiiraddan oo maalmahan uu shir uga socday Caasimada dalka, ayaa ku simaha Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka wada-hadalladooda, isagoo kula dardaarmay in la dardar galiyo wadashaqaynta dhexdooda ah iyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BILLAD-SHARAFYO GUDDOONSIIYEY XULKA 17 JIRRADA AH EE KU GUULEYSTAY KOOBKA CECAFA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

              

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur-galbeed

Baydhabo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo ku jooga Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga Hadlay Xoojinta Howlgalada lagu Ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

    

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo tababar u soo xiray Agaasimyaasha Guud ee Wasaaradaha dowladda

Tababarkaan oo ay ka soo wada qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Shaqaalaha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha Maamulka Shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo Xiray Tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socday waxa laga dooday 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Bihi Iman Egeh .

Agaasimayaasha Guud ayaa aragti wadaag iyo dood dheer ka yeeshay sidii loo dhaqan geli lahaa kuwaas wax weyn ka taraya hufnaanta iyo isla xisaabtanka Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan oo socday muddo laba cesho ayay Agaasimayaasha Guud, Guddiyada Shaqaalaha iyo Khubarrada Shaqaalaha uga hadlayn dhaqangelintooda maaddaama ay yihiin masuulintii ugu sarreysay Maamulka Shaqaalaha Rayidka.