Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan oo La Kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isaaq  ayaa maanta la kulmey Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Suudaan Gen. Yaasiin Ibrahim Yaasiin Abdulhadi.

Kulankan oo ahaa mid mirodhal ah ayaa lagu xoojinayay xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dowladoo,  waxaana looga hadley sidii ay isaga kaashanlahaayeen arimo kaladuwan ee kusaabsan danaha labada dawladood ee walaalaha ah gaar ahaan la degaalanka Argigixisada.

 

Dhinaca kale Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo saxaafada lahadlayay kulanka kadib ayaa sheegey in dawlada Suudaan uu uga warbixiyay talaabooyinka ay qaadey Xukuumadda cusub ee ku aadan horumarka dalka iyo kacdoonka Shacabka oo looga xureeynayo dalka cadowga Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ka bilowday dhamaan gobalada dalka Soomaaliya, iyo baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaan in aan lookala harin  degaalka ururka argigisada ee Al-Shabaab.

Ugu danbeeyntii Danjiraha wuxuu xusey in sidoo kale kulanka lagu dardar gelinayay  siyaasadda cusub ee Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo degaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Wuxuuna gondhig u ahaa iskuxirka iyo wadashaqeeynta Wasaaradda gaashaandhiga Somaaliya iyo Wasaaradda gaashaandhiga ee Suudaan.

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shir weynaha Hay’adda Booliska Adduunka ee Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay cunaqabeteynta Mareykanka uu ku soo rogtay dadka dhanka maaliyadda ka taageera Al-Shabab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada Al Shabab ee caadeeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan.

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa. Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.

-Dhammaad-

DEG DEG; Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaanno katirsan Shebeellah dhexe

Ciidanka xoogga dalka ayaa si buuxda saakay ula wareegay  tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey ku waasi oo dhammaantood ku yaala inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanadaan ayaa ahaa kuwa muhiim ah, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalka leey sugu  furayo degmooyinka Gobalkaan sidoo kalan Argagixisada looga ciribtirayo dalka oo dhan.

Shirka wadatashiga wasaaradaha Xanaanada xoolaha oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo muddo laba maalina ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyey.

Wasiirka Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo shir gudoominayey kulanka ayaa tilmaamay inay joogteyn doonaan kulamada noocaan ah si loo xoojiyo wada shaqeynta bahda Xanaanada Xoolaha, islamarkaana la isaga kaashado hawlaha hortabinta u leh Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS, Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Falanqeyn iyo dood dheer kaddib shirka waxaa laga soo saarey warmurtiyeed lagu faahfaahiyey qodobaddii laga soo saaray shirka.

1. In la xoojiyo wada shaqeynta iyo xirriirka Wasaaraddaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo saddexdii biloodba mar leysugu imaanayo laguna qabanayo mid ka mid ah dowlad goboleedyada.

2. Si loo dardar geliyo shaqooyinka muhiimka ah waxaa laysku raacay in guddi heer farsamo ah ay kulmaan bishiiba mar.

3. Shirka wuxuu si qoto dheer ugu hadlay abaaraha soo noqnoqday islmarkaana saameynta weyn ku yeeshay xoolaha iyo xoola dhaqatada, sidaa darteed shirka wuxuu soo jeedinayaa in xooga la saaro waxsoosaarka calafka xoolaha, dibna loo soo nooleeyo daaqii qaranka ee lahaa seerooyinka kala duwan sida; (Seero Xiliyeed, Seero Abaareed iyo Seera Guud).

4. Si loo hubiyo badqabka & Caafimaadka bulshada, islaamarkaana looga hortago cudurada ka yimaada xoolaha ee u gudba dadka; shirka wuxuu go’aamiyey in wasaarduhu ay hubiyaan xoolaha loo diyaariyey in la qalo.

Gunnaanad Baaqyada Shirka

1. Shirka wuxuu ku baaqay in dhammaan Ummada Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

2. Shirka wuxuu ku baaqay in la badbaadiyo xoola dhaqatada xoolahooda, inta aysan ka dhammaanin.

3. Shirka wuxuu u mahadceliyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS oo laheyd qaban qaabada kulanka.

       

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Belgium

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Marwo Eliane Tillieux, oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka ee Brussels.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dalka Belgium Marwo Eliane Tillieux, ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay soo booqdaan xarunta baarlamaanka Belgium iyadoo ballan qaaday in la xoojin doono xirirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan, iyagoona iska kaashanaya dhanka aqoonta, horumarinta iyo tayada shaqaalaha BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday inay kawada shaqeeyaan horumarinta baarlamaanka aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

     

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray furinta.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo wehliyaan Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagaga hore ee gobolka Shabeelada dhaxe.
Masuliyiintaan ayaa furimaha dagaalka ee gobolka shabeelada dhaxe u jooga dhiiri galinta iyo abaabulka dagaalka kooxda Argagixisada ah lagula jiro.
Bulshada deegaannadan oo naawilaayay in laga xoreeyo argagixisada oo dhibaato badan ku haaysay ayaa masuliyiintu waxeey ugu baaqeen inay ka qeyb noqdaan howlgallada oo Ciidamada ku garab-siiyaan soo afjaridda Khawaarijta.

Howlgallo ka dhan ah argagixisada oo laga sameeyay degaannada Garasyaani iyo jiciboow ee gobolka Hiiraan

Ciidaanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howl-gallo lagu sifeeynayo kooxda argagixisada ah ka sameeyay deegaannada ku xeeran Jiciboow iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan.

Guutada 15aad qaybta 21-aad oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa isku fidiyay dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya deegaannada Garasyaani iyo Jiciboow.

Saraakiisha Ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ayaa waxay sheegeen in howlgalka maanta uu yahay mid cadawga lagu raad tirayo.

Agaasimayaasha iyo madax qeybeedyada shaqaalaha ee wasaaradaha dowladda oo maanta tababar loo furay

Guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar iyo wacyi-gelin ku saabsan xeer-nidaamiyaha maamulka shaqaalaha u furay Agaasimayaasha iyo madax qeybeedyada shaqaalaha ee wasaaradaha dowladda.

Tababarkaan oo ay ka soo wada qeyb-galeen Agaasimahyaasha iyo Madax qaybyadda waaxyada shaqaalaha ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha Maamulka Shaqaalaha.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Cali Muu’min Muudey ayaa u furay Tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socdo waxa laga doodi doonaa 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Biixi Iimaan Cige.

Tababarkaan oo socon doono muddo Shan cisho ayay agaasimayaasha iyo madaxa qaybyadda kaga hadli doonaan dhaqangelintooda.

In ka badan 10 argagixiso ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Xalfooleey

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa saakay aroortii howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka xalfooley oo u dhow xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Khawaarij socoto ah ayaa gubay mid ka mid ah gaadiid ay wateen, iyagoo dilay tobaneeyo ka tirsan argagixisadii halkaas ku safraysay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa halkaas ka wada howlgallo lagu dhamaystirayo argagixisadii ku firxaday duurka, kadib markii ay la kulmeen weerarkan jid galka ah.