Duqa Muqdisho oo casha sharaf u sameeyay Cayaartooyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Casho sharaf u sameeyay xalay Cayaartooyda Xulka Qaranka 17-jirrada ee kusoo guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U17 ee dhawaan kusoo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Munaasabadan casho sharafta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xildhibaano, Maamulka Cayaaraha Kubadda Cagta dalka, Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin Fanaaniin iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Cayaartoyda guddoonsiiyay Hadiyad Lacageed oo uu ugu tala-galay in uu ku dhiirageliyo, iyadoona sidoo kale Hadiyado halkaasi lagu guddoon siiyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waqti badan geliyay dhiiragelinta Cayaartoyda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay argagixisada ka saaray degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay argagixisada ka saaray degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Howgal ay ka sameeyeen degaanada Warciise, Gaaleef, Jilable, oo hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raagaceele ee gobolka Shabeelaha dhexe ayay xaqiijiyeen amaanka degaanadaasi iyagoona khaarijiyay ku dhawaad 10 dhagar qabe oo katirsan Burcad diimeedka Al-shabaab sida uu Warbaahinta C.Q.S u sheegay G/le dhexe Dayac Cabdi Cadulle Taliyaha Guutad 17-aad ee kumaandooska Xds Gorgor.

Duqa Muqdisho oo casha sharaf u sameeyay Cayaartooyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Casho sharaf u sameeyay xalay Cayaartooyda Xulka Qaranka 17-jirrada ee kusoo guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U17 ee dhawaan kusoo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Munaasabadan casho sharafta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xildhibaano, Maamulka Cayaaraha Kubadda Cagta dalka, Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin Fanaaniin iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Cayaartoyda guddoonsiiyay Hadiyad Lacageed oo uu ugu tala-galay in uu ku dhiirageliyo, iyadoona sidoo kale Hadiyado halkaasi lagu guddoon siiyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waqti badan geliyay dhiiragelinta Cayaartoyda.

Safiirka Soomaaliya ee dowladda Uganda oo kulan la qaatay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda

Kampala- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda u fadhiya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Oryem Henry Okello.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii loo dardar galin lahaa  fulinta hishiisyadii dhawaan kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale safiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in  laga shaqeeyo hishiisyadii lagu balansanaa in dhawaan la saxiixo ee kala ahaa socdaalka, waxbarashada iyo caafimaadka

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale wasiiru-dowlaha kala hadlay caqabado maalmahan la soo gudboonaaday muwaadiniinta Soomaalida ee Uganda ku nool oo taas oo la xariirtay dhanka hay’adda socdaalka dowladda Uganda. Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa waxaa dhanka hey’adda IOM hoggaaminayey David Womble oo ah isu duwe sare xagga mashaariicda, waxaa kale oo ku wehliyey qaar ka tirsan howlwadeennada xafiiska hey’adda ee Soomaaliya.

Inta uu shirka socday arrimaha ay labada dhinac xoogga saareen waxaa ka mid ahaa dagaallada ka dhanka ah cadowga Al-Shabaab, arrimaha xasillinta iyo guud ahaan dib u heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey wadashaqeynta ay hey’adda IOM la leedahay wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda, isaga oo intaa raaciyey in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Howlgal lagu dilay xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Goboka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gar ahaan Ururka 8 aad Guutada 18 aad ee kumaandooska Gor gor ayaa maanta howgalo lagu sifeeynaayo kooxda Argagixisada ah ka sameeyay deegaanno u dhow Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan.

Hawlgalka Kumaandooska Xoogga dalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa waxaa lagu bar tilmaamadeystay qaar kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi ku qaarijiyey 7 dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macalin Xasan, ayaa waxaa dhanka hey’adda IOM hoggaaminayey David Womble oo ah isu duwe sare xagga mashaariicda, waxaa kale oo ku wehliyey qaar ka tirsan howlwadeennada xafiiska hey’adda ee Soomaaliya.

Inta uu shirka socday arrimaha ay labada dhinac xoogga saareen waxaa ka mid ahaa dagaallada ka dhanka ah cadowga Al-Shabaab, arrimaha xasillinta iyo guud ahaan dib u heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey wadashaqeynta ay hey’adda IOM la leedahay wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda, isaga oo intaa raaciyey in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamze oo loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada.

Kuuriyada Koonfureed oo digniin u dirtay Kuuriyada Waqooyi

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa todobaadkan bilaabay dhoolatus milatari oo taxane ah, kaasi oo ay dhinac socdaan dhaqdhaqaaqyo military.
Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed, ayaa digniin adag u diray xukuumadda Pyongyang, waxuuna ugu baaqay in ay joojiso Madaafiicda ay ku ridayaan Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dhiggeeda Kuuriyada Waqooyi ay gelinkii dambe ee shalay ay madaafiic ku garaacday Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas, kuwaasi oo aan la xaqiijin waxyeellada ay geeysteen.

Pyongyang ayaa sheegtay in Gantaallada loogu gol lahaa muujinta kobaca Awoodda Milatari iyo ka jawaabista daraasiin madaafiic ah oo horaantii bishaan ay Seoul ku ridday xadka labada dal.

Kuuriyada Koonfureed oo digniin u dirtay Kuuriyada Waqooyi

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa todobaadkan bilaabay dhoolatus milatari oo taxane ah, kaasi oo ay dhinac socdaan dhaqdhaqaaqyo military.
Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed, ayaa digniin adag u diray xukuumadda Pyongyang, waxuuna ugu baaqay in ay joojiso Madaafiicda ay ku ridayaan Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dhiggeeda Kuuriyada Waqooyi ay gelinkii dambe ee shalay ay madaafiic ku garaacday Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas, kuwaasi oo aan la xaqiijin waxyeellada ay geysteen.

Pyongyang ayaa sheegtay in Gantaallada loogu gol lahaa muujinta kobaca Awoodda Milatari iyo ka jawaabista daraasiin madaafiic ah oo horaantii bishaan ay Seoul ku ridday xadka labada dal.