Liz Truss weey tagtay: Yaa noqon doona ra’iisul wasaaraha cusub ee UK?

Todobaadka soo socda ,waxaa dalka Ingiriiska ka dhacay doorasho hogaamineed, si loo doorto qofkii bedeli lahaa Liz Truss ka dib markii ay ku dhawaaqday in ay iska casishay xilka r/wasaaraha dalkaasi.

Marka la eego kala qaybsanaanta xisbiga talada haya ee Conservative-ka, ma jiro musharrax muuqda, beddelkiina waxa uu wadanku wajihi doonaa suurtagalnimada inuu hoos u dhaco.

Magacaabista tartanka loo galayo cidda hoggaamineysa dalka,ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo galabnimada maalinta Isniinta ah ee soo socota, iyadoo rajada hoggaaminta ay u baahan tahay in la helo  ugu yaraan 100 xildhibaan si ay u sameeyaan  codeynta .

Xisbiga Konserfatifka ayaa hadda baarlamaanka ku leh 357 xildhibaan.

Liz Truss ayaa ah ra’iisul wasaarihii ugu mudada gaabnaa taariikhda Britain,waxayna xilka heysay 45 maalmood oo kaliya.

Bakool: Ciidamo madani ah oo ku biiray dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab

Ciidamo madani ah oo ka socda degmada ceelberde ee gobolka bakool ayaa ku biiray dadaaladaa loogu jiro ka qeyb qaadashada howgalka xureynta kooxaha maleeshiyaadka ee Al-shabaab .

Ciidamadaan macawisleyda ah oo la magic baxay caano ka dhan, waxay isugu jiraan dhalinyaro, odayaal iyo haween,kuwaas oo u diyaar garoobay la dagaalanka maleeshiyada alshabaab.

Shabeel laxoos Maxamed oo ah taliyaha ciidanka macawiisleyda degmada ceelberde ayaa sheegay  in ay uga go’antahay in maleeshiyada alshabaab laga xureeyo deegaanada fara kutiriska ah ee ay ku  dhuumaalaysanayaan.

Ciidamadaan macawiisleyda ah ee caano ka dhan ayaa wacad ku maray in maleeshiyada al shabaab ay kula dagaalami doonaan meel walba oo ay ka joogaan gobolka bakool.

Diyaargarowga macawiisleyda degmada ceelberde waxa ay qeyb ka noqon doonaan howgalka ay horkacayaa saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ka bilaabmay deegaanada gobolka bakool.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAXAA NAGA GO’AN IN DHAQANKEENNA BULSHO IYO DOWLADNIMO AAN KU ILAALINNO DIINTEENNA SUUBBAN EE ISLAAMKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb-galay xiritaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah oo maanta lagu soo gab0-gabeeyey Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen culummo iyo aqoonyahan ka socday gobollada dalka iyo dalalka Caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan, maadama dalkeennu uu dagaal kula jiro fikirka xagjirnimada ah iyo argagixisada magaca diinta Islaamka ku gumaadeysa shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna.

“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka. Maanta waxaa naga go’an in aan fasiraddaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suubban ee Islaamka.”

Dhankooda, Madaxda xarummaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada, iyagoona guddoonsiiyey billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliin Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow Cali, culimmo iyo aqoonyahanno ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAASHA MAXKAMADDA RAFCAANKA IYO MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022.
 

Wasiirka Amniga XFS iyo Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo Xarigga ka jaray Dhismaha Cusub ee Safaaradda JFS

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Xarunta cusub ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay xarunta cusub ee safaaradda, oo lagu qabtay dhismaha cusub ee safaaradda magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Cali,Taliyaha ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Amb. Axmed Cali Daahir ayaa xarunta Safaaradda kusoo dhaweeyay wafdiyadaan oo shirar kala duwan ujooga dalka Hindiya waxa uuna warbixin kooban ka siiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku shaqayso Safaaradda iyo sida waqtiga kooban ee uu joogay ay ugu suurta gashay in uu sameeyo isbaddelkaan muuqda, isaga oo xusay in iskaashi uu la sameeyay bulshada Soomaaliyeed ay ku suurta gashay in hawshaan adag la qabto.

Wasiirka Amniga Gudaha Dr Doodishe iyo mas’uuliyiinta kale ayaa si wadjir ah ugu mahadceliyay guud ahaan bahda Safaaradda, gaar ahaan danjiraha oo qaatay masuuliyada adag oo aysan sahlaneyn in muddo kooban lagu hirgaliyo xafiis ballaaran oo ay Safaaraddu ku shaqayso.

    

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Kormeeray Difaacyada Ciidanka ee Deegaanka Xawaadleey

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Xawaadley.

Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Difaacyada Ciidanka Xoogga ee degaanka Xawaadlay ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaasi oo dhawaan laga xoreeyay maleyshiyaadka al-shababab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa ciidanka xoogga ee ku sugan deganka xawaadleey ku booriyey difaaca shacabka isla markaana saraakiisha iyo askarta kula dar-daarmay joogtaynta howlgalada ka dhanka ah kooxda al-shabab.

Degaanka Xawaadleey ayaa waxay muhiim u aheyd argagixisada, waxaana ku taalla buundo ay isaga kala gudbi jireen gobolada dhexe iyo Kuwa Koofureed.

       

Ciidanka Xoogga Dalka oo argagixisada ka saaray degaanno katirsan gobolka Shabeellada dhexe

Jowhar- Guutada 17-aad ee kumaandooska CXDS ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay degaano ay kamidyihiin Warciise, Gaaleef, Qoordheere, Jilable, oo dhammaantod hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raagaceelle ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ayaa xaqiijiyay ammaanka guud ee degaannadaasi, iyagoo dilay ku dhowaad 10 dhagar qabe oo ka tirsanaa burcad diimeedka argagixisada Al-shabaab sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gor-gor Col; Dayax Cabdi oo howlgalka hoggaaminayay.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa bilihii ugu dambeeyay guulo kazoo hooyay dagaallo ay nabad-diidka Al-shabaab kula galeen degaanno badan oo ka tirsan Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug.

   

Ra’iisul wasaaraha XFS oo gaaray Beled weyne

Beled weyne- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beled weyne halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WASIIRRADA WAXBARASHADA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

DHAMMAAD

Shacabka degmada Kaaraan oo qabtay Laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-shabaab

Shacabka ku dhaqan Degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Laba dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dayay inay baxsadaan ka dib markii ay dileen askari ka tirsan Ciidanka Amaanka,  agagaarka Kaawada Kabasiini ee Waaxda Nagayle, waxaana laga soo qabtay Waaxda Jamhuuriyo.

Labada dhagar qabe ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Amaanka ayaga iyo hubkii ay wateen, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dayay inay baxsadaan, ka dib markii ay dileen Askari ka tirsan Ciidanka amaank.

Dhagarqabayaashan ayaa falka ka geystay agagaarka Kaawada Kabasiini ee waaxda Nagayle, waxaana laga soo qabtay Waaxda Jamhuuriyo iyaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamad awoodda u leh, si loo mariyo caddaaladda.