Askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji oo xukun dil ah lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo hore u dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Bishii May 2017,ayaa maxkamaddu ku ridday xukunka toogashada ah, saaka ayaana lagu fuliyay.

Marxuum wasiir Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta oo laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka JFS Hassan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay “ kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo shacabka dawlada Soomaaliya usoo jeesteen ciribtirka argagixisada”.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha”

   

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFSayaa ka qayb-galay casumaad uu Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed u sameeyay xulka qaranka 17 jirrada ah ee horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casumaad uu Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed u sameeyay xulka qaranka 17 jirrada ah ee horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka Maxamed Barre Maxamuud ayaa Guddoomiyaha degmada ku ammaanay soo dhoweynta heerka sare ah ee uu ku maamuusay xulka qaranka, Macalimiintooda iyo guddigooda farsamada.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa tilmaamay in degmada Kaxdu tahay degmadii ugu horaysay ee dalkeenna Soomaaliyeed ka mid ah ee macsuumad loogu sameeyo xulka qaranka isagoo cadeeyay in koobka la gayn doonno inta badan gobollada dalka.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed ( Maxamed Yare) ayaa wasiirka iyo xulka qaran uga mahadceliyay sida dhakhsaha leh ee ay uga soo jawaabeen casumaadii degmada Kaxdu codsatay maadaama degmadu ku guulaystay degmada ugu dalxiiska wanaagsan gobolka Banaadir.

Marti qaadka ayaa isugu jiray qado sharaf wasiirka iyo xulka ah, abaal-gudyo la guddoonsiiyay xubnaha xulka, Macalimiintooda iyo guddiga kale ee farsamada waxaana lagu soo gabagabeeyo casariye qurux badan oo lagu wada qaatay beerta Rajo ee degmada Kaxda.

dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Caafimaad Dibada ah loo qaaday

Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.
Dowladda Sucuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.
dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.
Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sucuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed.
          

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daah Furay Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.
“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.
               

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY MADAXA HAY’ADDA QAXOOTIGA ADDUUNKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka JFS Hassan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay “ kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo shacabka dawlada Soomaaliya usoo jeesteen ciribtirka argagixisada”.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha”

Guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo Saraakiil kale oo gaaray degmada ceelberde

Guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo wafdiga saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada  ceelberde,si ay uga qeybqaataan abaabulka ka socda degmada ceelberde ee la doonayo in maleeshiyada shabaab looga xureeyo  deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka bakool.

Wafdigaasi,waxaa  garoonka diyaarada ee degmada ku soo dhoweeyey maamulada degmooyinka ceelberde, rabdhuure iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed ,kuwaas oo halkaasi u jooga ka qeyb qaadashada howgalada ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab.

Qorshaha safarka ayaa ah in la dhiirigaliyo bilowga howgal la doonayo in lagu ballaariyo xudduuda soomaaliya la wadaagto dowlad deegaanka soomaalida oo ,iyaduna la tilmaamay in ay u diyaargaroowday in dowlada soomaaliya ay ku garab siiyaan ciribtirka argagaxisada alshabaab.

Sidoo kale haatan waxaa degmada Ceelberdeku sugan ciidamo macawisleey ah oo ku soo biiray dagaalada looga horjeedo kooxaha nabad-diidka.

Ciidanka Dowladda iyo kuwo madani ah oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga Jowhar

Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanno kamid ah Gobolka Sh/dhexe ee maamulka Dowlad goboleedka Hirshabeelle

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamka dowladda iyo ciidamo madani ah oo ka socda gobolka ayaa la waregay deegaanada Towfiiq ,Bacaadleey ,Baqdaad,Xaanooleey, Jameeco,Qeyloow,Burdheere iyo kuwo kale oo hoostaga degmada Jowhar.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminaayey Maxamed Cali Kalaay iyo Jeylaani Faroole,kuwaas oo codsaday in garab lagu siiyo difaaca gobolka iyo la dagaalanka argagixisada.

Ciidamadaasi wadajirka ah ayaa xiray goobo dhowr ah oo kooxaha nabad diidka ah ay ka fureen biyaha wabiga Shabeelle.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Dalka ku soo dhoweeyey Madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.