Shirka Wadashatiga ee Wasiirrada Kalluumeysiga DF iyo Dowlaha Xubnaha ka ah oo qoddobo laga soo saaray

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda Federaalka ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 20-kii ilaa 22-kii bisha October ee 2022 kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa wasaaradaha heer federaal iyo dowlad goboleed, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka, horumarinta xirfadda dhammaan dhinacyada ku howlan kalluumeysiga iyo dib u eegidda heshiiskii dakhli wadaagga kalluumeysiga ee lagu saxiixay Addis Ababa 22-kii Maarso 2019.

Shirkan waxaa shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda JFS Mudane Axmed Xassan Aden waxaana laga soo saaray qodobadan soo socda;

  1. Waxaa la isla qaatey inuu sii shaqeeyo mudo sanad ah oo ka bilaabanaysa marka la faafiyo war-murtiyeedkan, Heshiiskii KMG ahaa ee qaybsiga dakhliga ka soo xarooda ruqsad bixinta Kalluumeysiga, kaas oo lagu saxiixay Magaalada Addis Ababa 22-kii Maarso 2019 iyadoo la waafajiyey heshiiskii lagu saxiixay magaalada Baydhabo 02-dii Febaraayo 2018.
  2. Waxaa la isla qaatay dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga oo uu Gudoomiye ka yahay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Xukuumadda JFS , xubno ka yihiin Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, si waafaqsan heshiiskii Baydhabo qodobkiisa 3aad, wuxuuna  shir yeelanayaa Goluhu  sanadkii afar jeer.
  3. Waxaa la isla qaatey in la xoojiyo islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo kor u qaadidda barnaamijka cilmibaarista iyo uruurinta xogaha kheyraadka badda.
  4. Waxaa la isla qaatey in si wada jir ah loo ilaaliyo Kheyraadka Kalluumeysiga iyo deegaankiisa la iskana kaashado cid walba oo dhibaateynaysa kheyraadkaas.
  5. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda JFS, waxay balan qaadey inay ka caawiso Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS xoojinta wax soo saarka kheyraadka Kalluumeysiga waara, kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha Kalluumeysatada, u qareemidda baahiyaha gaarka ah ee Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.
  6. Waxaa la isla qaatey iskaashiga la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darada ah (IUU) iyo cid walba oo garab ku siisa
  7. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS waxay bogaadinayaan dadaaladda ay Dowladda waddo ee dib u xoreynta dalka iyo la dagaalanka cadowga ragaadiyey umadda Soomaaliyeed, iyadoo muhim u tahay dadaaladaas socda ka faa’ideysiga  dhinaca maalgashiga  iyo wax soo saarka kheyraad  Kalluumeysiga ee deegaanada xeebaha.

Waxay noqon kartaa sawirka 5 dad, dadka fadhiyo, dadka taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 dad, dadka taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 3 dad iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 3 dad iyo dadka fadhiyo

Waxay noqon kartaa sawirka 3 dad iyo suud

Kulan looga hadlay dardar gelinta Howlaha Golaha Shacabka

Kulanka Guud ee Xoghayaasha iyo Agaasimiyaasha Waaxyaha ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ka dhacay xar Guddiyada ee Villa-Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayeyaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), waxaana lagu soo bandhigay Warbixinta Waaxyaha.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay dardargelinta hawlaha hortabinta u leh shaqada Golaha, in Agaasimiyaasha Waaxyaha ay la fadhiistaan shaqaalahooda iyo inay u diyaar garoobaan Agaasimiyaasha kalfadhiga furmi doonna dhawaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Soomaaliyeed waa ay gaari doonaan guulo waa wayn haddii ay gacmaha is qabsadaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida  shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri geliyey deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamse “Shuhadada dagaalka bilad sharaf weyn ayay ka heli doonaan Dowladda iyo dadkeeda”

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato halganka dib-u-xoreynta.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno Khawaarijta, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah, wuxuu bilad sharaf weyn ka heli donaa Dowladda iyo dadkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Waxaa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaaraha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ayuu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dagaal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka foolka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta Soobe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhigo, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badnaan doonta”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda Dan-qaran uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaas oo hadii lagu guuleysto horseedaya in dhamaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka sheegay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka oo dilay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa degaanka Moqo-kori ee gobolka Hiiraan ku dilay horjoogayaal ka tirsan nabad-diidka Al-shabaab oo baxsad ahaa.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay Siraad Cumar Gacal oo ahaa horjoogihii dhanka Maaliyadda aragagixisada ugu qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo Deeroow oo isna maleeshiyada u xil saarnaa gobolkaas iyo dhagar qabe kale, oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa ka soo furtay gaari Noah oo ay wateen, taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raaage ayaa sheegay in dhowaan dalka oo dhan laga nadiifin doono Khawaarijta.

Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay argagixisada

Somali National Army soldiers, some pretending to hold a weapon, take part in a training exercise on March 28, 2013, at the AMISOM Jazeera Training Camp on the outskirts of Mogadishu, Somalia. (Phil Moore/AFP/Getty Images)

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta argagixisada kala wareegay deegaanada Masjid Cali Gaduud iyo Buurdacaar oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay maleeshiyada Al-shabaab muddo sanado ah shacabka ku gumaadayeen.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay SONNA ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Masjid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee ku xeeran oo argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay laga eryay.

Wuxuu sheegay in ciidamada hadda ku sugan yihiin gudaha deegaanka, amnigana uu yahay mid sugan oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonadii Khawaarijta looga soo hor jeedo ee ka socda gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, waxayna ciidanka jab xooggan gaarsiiyeen nabad-diidka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay Boqorka dalka Luxembourg

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna la kulmay Boqor Albert Félix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in la adkeeyo xoojinta xirirka labada dal ee Boqortooyada Luxembourg iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha iyo boqorka ayaa ka wada hadlay abaaraha saameeyay dalka islamarkaana dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay ku hanti beeleen abaaraha awgeed, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan tilmaamay sidii ay gacan uga geeysan laheyd Dowladda Luxembourg

Kulan lagu xusayo halyeeyadii ku shahiiday dagaalka argagixisada oo ka socda tiyaatarka qaranka

Waxaa xarunta masraxa qaranka ee magaalada Muqdisho hadda ka socota munaasabad lagu xusayo halyeeyadii ku shahiiday dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, oo ay ugu horeeyaan Hibaad Cali Dasar iyo Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

Labadan halyeey ayaa kala hoggaaminayay kacdoonadii Khawaarijta looga soo hor jeeday ee gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, waxaana kulankan ducada ah soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulankan ducada ah waxaa ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, wasiirka arrimaha gudaha, xildhibaano, odayaal dhaqameed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo qiray kaalinta halgamayaasha ka dhiidhiya dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Dabageed oo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada u tegay Maxaas

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka, madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku weheliyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa ku qotoma dar dar gilinta howlgalada lagu baacsanayo argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

Shir muhiim u ah Soomaaliya oo lagu soo xiray dalka Hindiya

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kamid yahay Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa ka qeyb galay meertada 90-aad ee shirweynaha Boliiska caalamiga ah ee (INTERPOL) oo lagu soo gabagabeeyay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirka oo socday 18-21 bishaan Oktoobar ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 165 dal,waxaana diirrada lagu saaray ka hortagga dambiyada maaliyadeed ee caalamiga ah,wax ka qabashada burcadda internet-ka,la dagaalanka Argagixisada,ka hortagga dambiyada isaga gudba xuduudaha,daroogada, ka hortagga xadgudubyada loo geysto carruurta iyo arrimo kale,iyada oo intii uu socday lagu dhisay gudiyo kala duwan oo ka shaqeynaya arrimahaas.

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa tilmaamay  in Soomaaliya ay muddo dheer xubin firfircoon ka aheyd  INTERPOL burburki kaddibna ay dib ay ugu biireen sanadkii 2012-2013,isaga oo xusay in shirka aad loogu falanqeeyay iskaashi laga yeesho la dagaalanka Argagixisada iyo wadaaga macluumaadka ku saabsan dambiyada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dowr muuqda ka ciyaarta dadaallada xasilinta iyo ka shaqeynta dowlad wanaagga waxeyna si firfircoon uga dhex muuqataa hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee ay kamid tahay.