Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada

Jabuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka  oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad iyo dadka taagan

Waxay noqon kartaa sawirka ‎1 qof, taagan, gudaha iyo ‎qoraalka dhahayo '‎Climat hange research summit نd 2 RESEARCH‎'‎‎

Waxay noqon kartaa sawirka 7 dad, dadka taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 5 dad, dadka fadhiyo, dadka taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad, dadka taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 10 dad, dadka taagan iyo banaanka

Wasaaradda Gaadiidka oo guddi u saartay dib u howl-gelinta Somali Airlines

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Fardowsa Osman Egal ayaa  magacowday guddiga ka talo bixinta dib u hawlgalinta Soomaali Airlines.

Dib u hawlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona 30 sano ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaradu taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka Qarxay.

 

Waxay noqon kartaa sawirka Qoraal

Ciidanka Xoogga oo Argagixisada kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya shacabkooda ayaa maanta maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ka nadiifiyay  deganada kala ah Dhuumoodle, Dawaca xun, iyo baraagta sigane, ee gobolka galguduud.

Maleeshiyaadka kooxda burcad diimeedka Al-shabaab ayaa howlgalka lagu gaarsiiyay khasaare xoogan.

Dowladda Soomaaliya oo sameysay hab lagu la dagaalamayo lacagaha baada ah ee Argagixisada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya baada ay argagixisada ka qaadaan Ganacsatada.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay farriinta ka soo baxday Dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tabababaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ayaa ganacsatada xasuusiyay in ay ka feejignaadaan in hantidooda loo adeegsado hub lagu soo iibiyo lagu gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa isuguna tilmaamay in go’aanka loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Magatte Guisse

Agaasimaha guud madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse

Kulanka oo ay ka qeyb galeen La-taliyaasha madaxweynaha iyo gudoomiyaha gudiga qaxootiga iyo Barakacayaasha Koonfur Galbeed waxaa looga hadlay Arimaha Barakacayaasha,Saamaynta Abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa Dadka Abaartu Saamaysay.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo faray madaxda iyo shacabka in si isku mid ah dagaalka argagixisada looga qeyb qaato

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed faray in ay si isku mid ah ugu wada qeyb qaataan dagaal ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dhaqaal ahaan iyo cudud ahaanba loo wajaho nabad-diidka dhibaatada joogtada ah ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna.” Ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka ayaa ugu baaqay in ciidanka qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo dagaal culus kula galay kooxda Khawaarijta Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad ee dhaawacyo horey loogu keenay gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer. Waxaa uuna eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay howlgalada dalka loogu xoreynayo Khawaarijta in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha Khawaarijta ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanka Masjid Cali Gaduud ayaa saakay degan, waxaana wali socda howlgalo lagu nadiifinayo haraadiga maleeshiyada Al-shabaab.

Daad ku soo rogmaday Xaafado ka tirsan Magaalada Qardho

Garowe- Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Qardho ayaa sheegaya in Daad xooggan ku rogmaday gudaha Magaalada.

Biyaha ayaa ka yimid tuulooyin fog fog, waxaana xusid mudan in roob uusan ka da’in magaalada Qardho saacadihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in daadka gudaha u galay goobo ganacsi oo badan, isla markaasna uu waxyeelo u geystay Adeegii Korontada.

Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qeyb galaya Shirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Warfaafinta oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka OIC

Istanbul: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirka 12-aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Jamhuriyadda Turkiga.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Somalia iyo dagaalka ay dowladda ku ciribtireyso kooxaha argagixisada ee sida khaldan diinta Islaamka u adeegsanaya. Shirkan ka socda Istanbul ayaa sannadkan waxaa hal ku dhig u ah ‘’ La Dagaalanka Wararka Sida Khaldan Loo Tebiyo iyo  Ka Hortagga Islaam Nacaybka’’.

Wasiirka oo mowduucyadaasi ka hadlayey ayaa sheegay  in dagaalka lagula jiro argagixisada aanu mira dhal noqon karin haddii aan wax laga qaban tebinta wararka khaldan oo dhibaato iyo colaado ka dhex dhalin kara bulshada ku nool dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Waxaa sidoo kale ui Wasiirku xusay dhaqanka Islaam nacaybka ee dunida ku baahaya loo baahan yahay in la suuliyo, waajibna uu ka saaran yahay dhammaan dalalka kala duwan ee caalamka in la xaqiijiyo jiritaanka nidaam wada noolaansho oo ka caagan is naceybka noocyadiisa kala duwan.

Shirkan 12-aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa sannadkan Guddoomiye loo doortay Madaxa Golaha Sare ee Warbaahinta Turkiga Prof Fahrettun Altun, iyadoo Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Mudane Daud Aweis Jama uu noqonayo mid ka mid ah saddexda Guddoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu yeelanayo sannadkan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga Dr Majid Bin Abdullah Al Kassabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr Hissein Brahim Taha iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka kale ayaa waxaa uu Wasiirka Warfaafinta Somalia la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wasiirada Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka ahna Madaxa Golaha ugu sareeya Warbaahinta Turkiga, Prof Fahrettun Altun. Kulankaasi ayaa labada dal waxay isku afgarteen inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta ee ka dhexeeya Somalia iyo Turkiga.