Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeey Raโ€™iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Raโ€™iisulwasaaraha cusub ee dalka Britain, Rishi Sunak.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbiga Conservative-ka Britain, ka dib markii ay Penny Mordaunt oo la tartamaysay heli weyday inta badan codadka xildhibaannada.

Boqortooyada Uk iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir adag oo laba geesood ah oo ku dhisan iskaashi iyo ixritaam, wuxuuna madaxne Xasan Sheekh u rajeeyay Raโ€™iisulwasaare Rishi Sunak inuu sii kobciyo iskaashiga iyo adkaynta danaha labada dhinac.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo isbitaal ku yaalla Turkiga ku booqday Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari

Istanbul- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar transit ku ah magalada Istanbul ayaa waxaa uu booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo arrimo caafimaad u jooga dalka Turkiga.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari xaaladiisa ay aad u wanagsan tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu u siyaadiyo caafimaadkiisa.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ

๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada ciyaaraha kala duwan ee Jubbaland.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u tegay si uu ugu kuur galo heerka ciyaaraha Jubbaland iyo inuu soo xiro tartanka degmooyinka Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay xoogga saaray in la dhiirri-geliyo ciyaaraha gobollada dalka iyo degmooyinka si ay mustaqbalka usoo baxaan xul qaran oo gobollada dalka ka kala yimid.

Raโ€™iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudaneย Hamza Abdi Barreย ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo heyโ€™adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan โ€“ hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.
Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.
James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Raโ€™iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.
ย 

Dowladda Soomaliya ayaa warsaxafadeed kasoo saartay hawlgalo lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Argagixisadda

Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hayโ€™adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.
Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.
Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.
Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabiโ€™iyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen.
Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is uruursanaya la baabiโ€™iyay.
Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka oo kaliya geeyay deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33 Maleeshiyo.
Hawlgalkaan waxaa suura galiyay xog dhameystiran oo ay haysay Hayโ€™adda sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa saaxiibadeena caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka goโ€™an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga badbaadsadaan hawlgalkan wadajirka ah.
ย 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyey Dhaqaatiir howla Qaliin ah ka fuliyay dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumqdda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo kulan sagootin ah u sameeyey Dhaqaatiirta Isaga-goosha Qaaradaha ee Heyโ€™adda (PAC) oo maalmihii u dambeeyey fulinaysay Ololaha Qaliinka isku furanka haweenka kiisii 10-aad.

Dhawaan ayay aheyd markii si rasmi ah loo daahfurtay ololahan oo ay ka faaโ€™ideysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo baahi u qabey in ay hellaan qaliinada Iskufuranka Haweenka kiisii 10-aad iyo qaliinka guud ee Neerfaha iyo xangulada oo isaguna la fuliyey markii ugu horeysey tan iyo inta PAC ay billowdey Ololaha Caafimaad ee Soomaaliya.

Qaliinada isku furanka haweenka ayaa Wasaarada Caafimaadka ka fulisey Isbitaalka Dayniile halka ay 300 bukaan oo isugu jira qaliimada guud ee neerfaha iyo kuwa kaadi mareenkana ay horey ugu samaysey Isbitaalka Guud ee Demartino Public Hospital.

Dhamaan adeegyada ololahan ayaa ahaa kuwa bilaash ah oo si tabaruc dadka masaakinta ah looga qaadayo culaysyada xanuun ee haysta waxaana sidoo kale tabar heer sara ah lasiiyey Dhaqaatiirta maxaliga ah mudadii uu Ololahan socday si sare loogu qaado xirfadooda dhakhaatiirta Guddaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Dhaqaatiirka ugu mahadceliyey howsha quruxda badan ee ay qabteen isagoona dhamaan dhaqaatiirta siiyey Shahaado Sharaf iyo Billado ay ku muteysteen howsha quruxda badan ee ay qabteen.

Wafdi isugu jira Xildhibaano &Sarakiil Ciidan oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Wafdi isugu jira xildhibaan katirsan golaha Shacabka, Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan ayaa maantaย  lagu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Xubanha wafdiga gaaray Maxaas ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye, ย Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey, ย Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hir-Shabeelle Maxamed Dheere, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ee degmada Maxaas ayaa ahaa u kuurgelida xaaladda amni ee degmada iyo degaannada hoostaga iyo sidoo kale dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda degaanno badan oo katirsan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir si oo ugu kuurgalo howl maalmeedka shaqo ee ka socda xafiisyadaasi.

Guddoomiyaha ayaa xafisyada uu booday kala ah Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha oo ah Xafiiska loogu adeego Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo Xarunta Idaacada Codka Caasimadda ee Gobolka Banaadir.

Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka XFS oo kormeer shaqo ku tagtay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir

Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kormeer ku tagtay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka waxaa ku soo dhaweeyay Isbitaalka Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka,waxana ujeedka kormeer uu ahaa u kuur galida howlaha shaqo ee ka socoda qeybaha kala duwan ee isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaankaย  Banaadir

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ka warbixisay bixisay hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay u socoto shaqada, waxa ayna si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo ee ay gacanta ku heyso

Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalak iyo Dhammaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.

ย ย ย ย ย ย 

Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay laba ka tirsan argagixisada

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunkii dilka ahaa ee horay ugu dhacay waxay ku fulisayย Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna helay dembiyo dil ah oo Muqdisho ay ka geysteen.

Magacyada Axmed & Qoono ayay Caan ku ahaayeen, waxaana ay argagixisada ka tirsanaayeen ilaa 2014kii, balse ugu dambeyn Maanta la toogtay.