Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka oo Kampala Shir Uga Qaybgalaya

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay khilaafaadka dhulka ee dalalka geeska iyo bariga Afrika kaas oo ka dhacay Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo soconayay muddo 3 maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay madax badan oo ka kala timid dalalka geeska Afrika ee ku midaysan urur goboleedka IGAD iyo khubaro ka socday dalalka caalamka.

Shirkan oo ay abaabulkiisu lahaa urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kulankiisii maanta ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Uganda Marwo Jessica Alupo Wasiirro dalalka geeska Afrika ah, wafuud kala duwan iyo khubaro xariir la leh arrimaha dhulka ee dalalka geeska Afrika.

Dhanka Soomaaliya oo uu gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ka socday Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa maanta shirka looga hadlay sida hay’adaha garsoorka uga qayb qaadan karaan khilaafka dhuleed ee ka dhexeeya dalalka geeska Afrika.

Shirkan oo lagu wado in qodobo muhiim ah laga soo saaro ayaa sidoo kale looga hadli doonaa isbadalka cimilada iyo sida dalalka geeska afrkiga isaga kaashan lahaayeen.

Dhamaan madaxdii kasoo qayb gashay ayaa tilmaamay in shirkan muhiim u yahay dalalka bariga iyo geeska afrika maadaama intooda badan uu ka jiro khilaaf dhuleed oo ka dhexeeya laguna xaliyo si nabad ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan sagootin ahaa la qaatay Safiirka Qadar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Hashim.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawlihii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoojiso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

Safiirka oo dhowaan uu beddeli doono Safiirka cusub ee Qadar ay u soo magacawday Soomaaliya, ayaa waxa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Labo Dhagar qabe oo katirsanaa Daacish oo dil toogasho ah lagu fuliyay

Maxmamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil toogasho ah fagaaraha Iskuul Bulusiya ugu fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.

Labadan dhagarqabe oo lagu kala Magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, ayaa lagu helay dilal ay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Todobaadkii hore ayay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidaan si la mid ah xukun dil toogasho ah ugu fulisay xubna ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaasi oo lagu helay falal isugu jira dilal iyo qaraxyo ay u geysteen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

 

Soomaaliya oo ka gudubtay habraacyada wejiga koowaad ee ku biirista daladda bulshadda ee Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira  dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

       

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka.
Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada, maadaama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo lagu dhibaataynayo shacabka.
” Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaare oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey argagaixisada, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahan caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Galmudug oo bogaadisay hawlgalka Ciidanka Xoogga kula wareegeen deegaanka Qaayib

Dowladda goboleedka Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankaba ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha Argagaxisada ah ee Shabaab.
Qaayiib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo Ciidamada qalabka sida ba in ay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAAGOOTIN AH KULA QAATAY VILLA SOOMAALIYA WAKIILKA GAARKA AH EE XOGHAYAHA QARAMADA MIDOOBAY.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda WHO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda WHO ee Soomaaliya Dr. Malik, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Agaasinka Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose Xamar Mudane Maxamed Maxamuud Caddow.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda WHO. Sidoo kale waxaa looga hadlay dhismaha sheybaar Casri ah oo uu leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega.

Ciidanka Xoogga oo Argagixisadda kala wareegay Deegaanka Qaayib

Ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan macawislayda deegaanka ayaa goor dhaw la wareegay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km.

Kornel Cabdi Maxamuud Jaamac oo ka mid ah saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ciidanku ay dagaal la’aan kula wareegeen Qaayib,iyadoo ciidanka ku daba joogaan haraadiga kooxaha Argagixisadda ee ku dhuumalaysanaya deegaanada ku hareeraysan.

Qaayib ahayd goob in ka badan 6-sano ay maleyshiyaadka Al-shabaab fariisin ku lahaayeen ayaa waxaa ku tiilay maxkamad beenaad ay ku xalaalaysanayeen xoolaha dadka shacabka ah ee ay dhacaan.

Barta xiriirka bulshadda ee whatsapp oo hawada uga maqan

Barta xiriirka bulshadda ee whatsapp ayey ku timid cilad guud oo dunida oo dhan ah,ciladan ayaa saamaysay malaayiin dad ah kuwaas oo kala jooga daafaha dunida kana mid ahaa macaamiisha isticmaasha adeegga whatsapp oo ka mid ah kuwa ay leedahay shirkadda meta oo loogu isticmaal badan yahay.

Ciladdan ayaa sababtay in aanay macaamisha is wici Karin sidoo fariimaha qoraalka,sawiradda iyo videos-ka isku diri Karin.

Shirkada Meta oo ka hadashay ciladan timid ayaa sheegtay in ay xalinayaan sida ugu dhakhsaha badan sida uu warbaahinta la wadaagay Afhayeenka shirkadda Meta.