Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha sare ee Arrimaha Dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha ciidamadda Booliiska Puntland
Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulhi Dani ayaa Xeer Lb.77 ku Magacaabay Taliyaha Ciidamda Booliiska Puntland. Waxaana u magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo horay u ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Mudug.
Madaxwayne Dani ayaa u magacaabay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed oo isna Horay u soo noqday Taliyaha CID da Puntland.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka oo Maanta Baydhabo soo gaaray.
Kulan saacado qaatay ayey yeesheen Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga waxana ay kaga hadleen kulankooda Xaalada Dalka oo ugu horeyso Amniga,Abaaraha,Siyaasada iyo Hormarinta adeegyada Dowladda.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kacdoon ka dhan ah argagixisada oo ka bilaabmey degmada xudur ee Gobolka Bakool
kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ka bilaabmey magaalada Xudur ee Gobolka Bakool lagana doonaayo in bulshada ay iska dulqaadaan dhibaatooyinka Cadowga qeybna ka ah Baraarug bulsho oo kasocda gobolada dalka.
Howlgalkaan oo ujeedkiisu yahey in Shacabka ku nool magaalada Xudur iyo deegaanada u dhow laga qaado, lagana xureeyo haraadiga Argagaxisada ee sida dhuumaaleysiga ah u dhibaateeya Bulshada, waana hadafka koowaad ee maamulka Degmada Xudur uu muhiimad gooni ah u siinaayo la dagaalanka Argagaxisada, si bulshada mudada dheer kujirtey dhibaatooyinka ay uga noolaadaan nabadgelyo.


Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah-furay qorshaha horumarinta korontada dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.
Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.
Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno hoostaga Aadanyabaal
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta waxaa ay howlgallo ka sameyeen degaanka Qooxle oo u dhow Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay isku uruursanayeen maleeshiyaad haraadi ah oo ka soo firxaday degaanno dhawr ah oo laga fara maroojiyay.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa waxaa ka go’an in guud ahaan gobolada dalka laga saaro maleeshiyaadka Khwaajirta Al-Shabaab ee caadeeystay daadinta dhiiga dadka marista iyo boobka hantidooda.
Howlgaladan ay ciidamada ka sameyeen degaanka Qooxle ayaa qeyb ka ah balaarinta fariisimada ciidamada, si gabi ahaanba gobalada dalka looga sifeeyo maleeshiyaadka argagixisada ee xasiloonida u diiday shacabka Soomaaliyeed.
Muhaajiriin dhaawacayo ka duwan qabo oo laga helay Giriigga
Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, ayaa sheegay in galankii danbe ee shalay ay jasiiradda Giriigga ee Lesbos ka heleen muhaajiriin dhaawacyo kala duwan qaba oo gacmaha ka xeran.
Mas’uuliyiin ka socday MSf, aya sheegay inay heleen koox muhaajiriin dhaawac ah oo dhowaan yimid Lesbos, kuwaasi oo sida la sheegay u baahnaa caawinaad guud iyo daaweyn deg-deg ah.
MSF, waxa ay ugu baaqday Dowladda Giriigga in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si looga hortago soo noqoshada dhacdooyinkan oo kale iyo in la hubiyo in dadku ay helaan soo dhaweyn ammaan iyo dhamaanba adeegyada ay u baahanyahiin dadka magangalyo doonka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan sagootin ah laqaatay Danjiraha xilka baneeynaya ee dalka Qatar
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cade kulan sagoo
tin ah kula qaatay danjire Hassan Hamza oo ah danjiraha dalka Qatar u fadhiyey Soomaaliya ee xilka baneeynaya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa danjiraha uga mahadceliyey sida Dowladda Qatar ay uga go’an tahay tageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.










