R/wasaaraha XFS oo la kulmay Madaxweyne Dani

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay la kulmay  Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa salaam kadib ,isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u helidda abaaraha sababay barakaca malaayiin ruux.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib u heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Heya’adda Nadra

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay hey’adda NADRA ee ka shaqeysa diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimaha aqoonsi sameynta.

Shirkan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Caydaruus Macali Xasan,agaasime ku xigeenka, ahna sii hayaha madaxa hey’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) Marwo Fahmo Xaaji Maxamuud, mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo Villa Somalia ayaa waxaa lagu falanqeeyey warbixin qiimeyn ah oo ay soo diyaariyeen guddiga farsamo ee dowladda taas oo la xiriirtay shaqada NADRA, iyada labada dhinac la isdhaafsaday wixii fikrado ah, laguna ballamay in lasii wado ambaqaado kulamo kale.

WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG OO CADAADO TABAABAR UGU SOO XIRAY 200 OO ASKAR BOOLIS AH.

Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.
Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.
Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.
Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.
Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta koonfur galbeed soomaaliya oo gaaray degmada ceelberde gobolka bakool.

Ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta koonfur galbeed soomaaliya oo gaaray degmada ceelberde gobolka bakool.
Degmada Ceelberde Gobolka Bakool waxa ka socda diyaargarow cadowga argagaxisada alshabaab looga xureynayo deegaanada gobolka bakool oo 10 sano ka hor jid gooyo ku sameeyey.
Ceelbarde maanta waxa ku soo degey ciidamo dhowaan tababar uga soo dhamaaday magaalada baydhabo ee caasimada ku meelgaarka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo aad u hubeysan kana yimid magaalada waajid waxay qeyb ka noqonayaan howgalka maleeshiyaadka shabaab looga sifeynayo gobolka.
Abaanduulaha ururka 175-aad guutada sagaalaad Maxamed Cali Xasan Maanay oo isaga iyo saraakiil ka tirsan guutada 9-aad qeybta 60-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka bakool ciidamada soo dhoweeyey ayaa ka warbixiyey ciidamada ceelberde ku soo dhoweeyeen iyo sida ugu diyaar garoobeen ladagaalanka cadowga shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa soo dhoweyn iyo dardaaran u jeediyey ciidamada ku soo biirey ciidamadii horey uga sugnaa magaalada ceelbarde.

Wasiirka amniga Galmudug oo Cadaado Tababar ugu soo xiray 200 Boolis ah.

Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar oo khadka Telefone-ka ku wada hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad,ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, Intii uu socday wadahadalka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal ee iskaashiga wada shaqayn leh iyo sidii loo horumarin lahaa.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo mida  gobolka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb gelaya shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.
wasiirka ayaa Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar oo khadka Telefone-ka ku wada hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad,ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, Intii uu socday wadahadalka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal ee iskaashiga wada shaqayn leh iyo sidii loo horumarin lahaa.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo mida  gobolka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan hawlgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowladda kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada laga xorreeyay argagixisada.