Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cunmar Jaamac Huruse iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Algeria.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shir-waynaha Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan u qabsoomin xaaladda caabuqa COVID-19 darteed.

Soomaaliya iyo Algeriya oo ka wada hadlay wadaaga fursadaha ganacsi

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Algeria Mudane Kamel Rezig.

kulankaas ayaa ka dhacay magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaalka Dowladda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, Barnaamijka dayn-cafinta iyo wadaagga fursadaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo Algeria.

Ukraine oo dalbatay in Iran ay joojiso hubka ay u dirto Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegay in uu Tehran ka dalbaday in ay joojiso hubka ay siiso Ruushka mar uu taleefoon kula hadlay dhiggiisa Iran Hossein Amirabdollahian.

“Waxaan ka dalbaday Iran inay si degdeg ah u joojiso qulqulka hubka ku socda  Ruushka ee loo isticmaalo in lagu dilo dadka rayidka a,h laguna burburiyo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine,” ayuu yiri.

Kyiv ayaa sheegtay in Ruushku uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ee Iran lagu sameeyay,iyadoo sidoo kale saraakiisha xulafada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay siisay Ruushka waxa loogu yeero “kamikaze” diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dhawaan loo adeegsaday burburinta kaabayaasha Ukraine.

Iran ayaa si adag u beenisay inay wax hub ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ruushka ayaa mowjado gantaalo ah iyo duqeymo diyaaradeed adeegsaday, iyaga oo garaacay kaabayaasha tamarta ee Ukraine, waxa ayna ku qasbeen in korontada laga gooyo Kyiv iyo magaalooyinka  kale.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Buula-burde

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar ukuur-gelid ah waxaa ay ugu amba-baxeen magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale, kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

  

Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir” Maka hari doono cadowga ilaa dalka laga wada xoreeyo,”

Gobolka Hiiraan waxaa wali ka socda kacdoonka looga soo horjeeda maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, waxaana howlgalkaas uu noqday mid guuleystay oo looga itaal roonaaday nabad-diidka.

Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah xildhibaanada Federaalka ee laga soo doortay gobolka Hiiraan-Hirshabeelle, ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro cadowga uu ku bilowday si fudud oo aan horay loogu balamin, balse maanta uu marayo in Soomaali oo dhan ku wada baraarugto.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in cadowga dagaalka uu ku jabay lagana hari doonin ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro.

“Dagaalka lagula jiro cadowga ee Hiiraan, waxa uu ku bilowday si fudud oo aan horey loogu balamin balse Maanta waxa uu marayaa in soomaali oo dhan ku wada baraarugto mana ka hari doono Al Shabaab ilaa dalka laga wada Xoreeyo”, ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir.

Ciidamada dowladda federaalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa bur buriyay saldhigyo waa weyn oo ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka soo abaabuli jireen dhagarta iyo gumaadka dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni oo kulan Sagootin ah la yeeshay James Swan

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay fadhiga dalalka Carabta ee Algiers

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Dr. Cilmi Mohamoud  Nuur ayaa maanta khudbad xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dala Soomaaliya iyo arrimo kale ka jeediyay fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Mohamoud Nur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Shirka Waxaa GoobJoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.

Dhaqdhaqaaq ganacsi oo dib uga bilowday suuqa xoolaha ee ceelbarde

Roobka deyrta oo ku da’ay deegaanka  ceelberde iyo nawaaxigeeda ayaa sababay in ay soo  laabyaan dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee suuqa lagu iibiyo nuuctada xoolaha .

Maxamed Nuur Maxamuud iyo Maxamed Xasan Cali  oo kamid ah dalaalliinta iibiya ariga iyo geela ayaa sheegay in ariga uu yahay  xoolaha igu badan ee lagu kala iibsado suuqaasi.

Dadka ayaa la sheegay in ay ku qanacsan yihiin qiimaha ariga oo la tilmaamay in uu u dhaxeeyo 18-40 doolar,maadaama la soo mareen xiili adag oo ay keeneen abaaraha,sida uu ka dhawaajiyay Nuur Sheekh Aadan Qani waa uu ka mid yahay ganacsatada xoolaha ka iibsata suuqa xoolaha

Barakacayaal cusub oo soo gaaray duleedka Muqdisho

Qoysas badan oo barakacayaal ah ayaa ku soo jabay deegaanka Gubadleey  oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.

Qoysaskaan ayaa latilmaamay in abaaraha ka jira dalka ay saameyn xoogan ku yesheen xoolihii lagama maarmaanka u ahaa  noolasha  dadkaasi.

Qaar kamid ah qoysaskaasi oo la hadlay warbaahinta Qranka ayaa sheegay in ay ka dhamaadeen Xoolihii aasaaska u ahaa noloshooda,isla markaana ay la kulmeen biyo la’aan iyo cunto la’aan.

Qoysaskaasi ayaa Codsaday in dowladda federaalka ,hey’adaha samofalka iyo shacbiga Soomaaliyeed ay la soo gaaraan  kaalmo bini’aadanimo oo wax ku ool ah.

Barakaca qoysaskaan ayaa loo aaneynayaa in ay dhaliyeen abaaraha daba dheeraaday ee ka yimid roobab la’aanta  mudada afarta sano ah ee ay ka jira dalka.

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Wasiirrada Aw-qaafta heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS iyo Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulankaan waxaa ujeedadiisu ahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Awqaafta, heer federaal iyo heer dowalad goboleed,gaar ahaan dadaalada ku aaddan hawlgallada dalka looga xoreenayo Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe”  waxa uu bogaadiyay kaalinta hormuudnimo ee Wasaaradda Awqaafta ay ka qaadaneyso jiheynta dadaalada dalka looga samatabixinayo khataraha Al-Shabaab.