Xukuumadda oo soo saartay go’aamo muhiim ah oo ku saabsan gurmadka qaran ee qaraxyadii ay khawaarijtu u geysatay shacabka soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaariijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraabanaya. Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda.

  1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
  2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.
  3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.
  4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.
  5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.
  6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.
  7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.
  8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.
  9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waayey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday qaar kamid ah isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha Khawaarijta ay ka geysteen isgoyska KM5.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Mudane Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1- Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
2- Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
3- Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
4- Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin
5- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
6- Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin
7- Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin
8- Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
9- Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
10- Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn
Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.

Ciidamada xoogga dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle .

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa Khawaarijta Shabaab ugu daatay godadkii ay isku qarinayeen.

Qaybaha kale ee ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa iyana hawlgalkaan ka qaatay door muhiim ah.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Khawaarijta, wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoraynta deegaankaan Khawaarijta waxaa uga dhimatay in ka badan 100 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Sida muuqata goob kasta oo ay isku fara saaraan Khawaarijta iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Khawaarijtu.

Tani waa ififaalo muujinaya in waqti aan dheerayn uu dalku ka xoroobayo Khawaarijta ku tagtifalaysay Shacabka Soomaaliyeed inka badan 15 Sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xukuumadda faray in ay gurmad cafimaad oo deg deg ah u diyaariso dhaawacyada qaraxa Soobe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmi-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu hoygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la yeeshay Talyaha Ciidanka ATMIS iyo Saraakiil kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odowa Yusuf Raage Ayaa xafiiskiisa ku soo dhawayey Sarakiil uu horkacayey Taliyaha Ciidanka ATMIS, Waxaana ay kawada hadleen dar dargelinta howlgalada ka socda guud ahaan dalka, kuwaasi oo lagu ciribtirayo argagixisada naf la caariga ah ee Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka ATMIS ee howsha u jooga Soomaliya. Gabo-gabada kulanka ayaa Taliyaha wuxuu hadiyado gudoonsiyey Taliyaha Ciidanka ATMIS ee howsha u jooga Soomaaliya isagoona uga mahadceliyay wada shaqayntooda joogtada ah iyo garab istaagooda.

Afhayeenka Booliiska faah faahin ka bixiyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe)  ayaa faah faahin ka bixiyay laba qarax oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in Argagixisada ay weerarka la beegsadeen goobo waxbarasho oo ka ag dhaw isgoyska Soobe, halkaasi oo xilliga dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen.

“Qaraxyada oo labo ahaa Waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe ama KM5 oo ahaa goobtii ay Shan sano ka hor ku laayeen dadkii birimagayda ah 14 October, waxaana ujeedka weerarka ahaa beegsiga xarun waxbarasho oo loogu adeegayay ardayda Soomaaliyeed, laakiin ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah oo sii hayay xogta dhagarta argagixisada ayaa ka hortagoodu waxa uu yareeyay Khasaarihii ay cadowga khawaarijta ah la damacsanayeen shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in uu socdo tirakoobka dadka ay wax ka soo gaareen qaraxyada, isla markaasn ay dib laga soo gudbin doono.

Wasiirka Caafimaadka oo magacaabay Guddiga ka jawaabida xaaladaha deg dega ee caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddiga kumeel Gaarka ah ee ka shaqeyn doona Gurmad Caafimaad oo deg deg ah sidii loo gaarsiin lahaa Ciidamada Qalabka sida iyo Muwaadaniinta ay wax yeelada kasoo gaarta Dagaalka looga xorreeynaayo guud ahaan dalka khawaarijta.

Xubanaha Guddiga ayaa kala ah

1. Guuleed Cabdijaliil Cali: Gudoomiye
2. Cabdulqadir Cabdiraxmaan Aadan: Xubin
3. Maxamed Maxamuud Cadow: Xubin
4. Axmed Aadam Maxamed: Xubin
5. Yuusuf Cumar Maxamed: Xubin
6. Cali Cabdiraxmaan Cusmaan: Xubin
7. Faarax Yuusuf Maxamed: Xubin
8. Cabdirisaaq Axmed Cabdullaahi: Xubin

Wasiirka ayaa faray xubnaha guddiga in ay si dardar galiyaan howlaha loo igmaday ee u adeegida shacabka, kana shaqeeyaan sidii adeeg Caafimaad oo deg deg ah loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay iyo sidii loo daweyn lahaa dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Argagaxisada.

Bayaan laga soo Shirweynaha Wadashiga ee Wasaaradaha Diinta heer Federaal iyo heer D/goboleed

Shirweyne Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta XFS, ayna kasoo qeybgaleen Wasaaradaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed, socdeyna Muddo Shan Beri ah intii u dhaxeysey 24-29/10/2022.

Shirweynaha oo lagu lafa-gurey hannaanka ugu wanaagsan ee laysaga kaashan karo ka hortagga & cirib-tirka fekerka Khawaarijta ee ragaadiyay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed ayaa dood & aragti wadaag dheer ka dib waxaa la isla qaatey Qodobadan

Amniga caasimadda iyo wacyi-gelinta fikirka Khawaarijta oo laga hadlay

Kulan loogu diyaar-garoowbayay daah-furka sugida amniga caasimada iyo wacyigelinta fikirka khawaarijta ayaa maanta lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hanaanka amni-sugida caasimadda.

Waxaa ka qeyb galay, wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xil.Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Guddaha Maxamed Cali Xaggaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Sakiya Xuseen Wasaaradda ,Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka socdeen Agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Mareeye ku xigeenka Tiyaatarka Maxamed Barroow.