Madaxweynaha Dowlad-goboleedka koonfur galbeed oo kulan la qaatay safiirka Talyaaniga u jooga Soomaliya

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Alberto oo kulankooda Saacado qaatay ayey uga wada hadleen Taageerida Howlgalada socda ee lagu Ciribtiraayo Khawaarijta Al-shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa wax soo saarka Beeralayda.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay La-Taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Kuwait

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedd Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa kulan kula qaatay  caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait H.E Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.
Wasiirka Arrimah dibedda Soomaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada kooxa khawaariijtu ay ka geysteen magaalada Muqdisho,Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.
labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga

Madaxda Golaha wadatashiga oo madaxtooyadda kaga qayb galay qorshaha qaran ee Soomaaliya Cagaara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Madaxtooyada Qaranka ku beeray 9 geed oo qeyb ka ah Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noqonoqday ay aafeeyeen, saameyn xooggan ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababatay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.
“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socodaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarummaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka oo ay dowladdu diyaarisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka rajeeyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Sudan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.

Maamulka Wasaaradda Qorshaynta iyo Hawlwadeeno la socday oo booqday Cisbitaallada ay ku jiraan dhaawacyadii qaraxii Soobe 2

Agaasimaha Maaamulka iyo Maaliyadda Mudanae Siciiid Axmed Maxamuud oo ay wehliyaan Qaar ka tirsan Howl-wadeennada Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta booqday Isbitaallada ay ku jiraan dhaawacyadii Qarixii Soobe2. waxaana ay u kuurgalleen xaaladda bukaannada, baahiyaha ugu waa weyn ee taagan iyo sida hadda wax looga qaban karo.

Booqashada Isbitaallada ka dib waxaa la ogaaday in baahiyaha ugu badan ee hadda jira ay ka mid yihiin waxyaabaha aas-aasiga ah sida Murwaaxado, maaddaama dadka jirkoodu gubtay, waqti kululna lagu jiro, waxaana ay gaarsiiyeen Cabitaanno iyo agabyo kale.

Waxaa wali socoanaya dadallada loogu gurmanaayo dadka ay Qaraxyadu saameeyen oo qaarkood ay ku sugan-yihiin xaalado adag, Shalay oo ahayd Maalinta koowaad ee Qaraxa ka dib ayaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan “Beena-beene”, qaar ka mid Shaqaalaha Wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada dhiigg u shubeen dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

 

Madaxweynaha JFS ayaa guddoomiyey shirka 3-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo la soo gabo gabeeyey

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii argagixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

BOGAADIN
Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:•Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

•Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka.

•Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.

•Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan.

•Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

• Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.
QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY
Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

•Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaalada kala duwan.

•Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.

•Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas’uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.

2.GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA

•Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay’adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha.

•Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.

3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

•Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.

•Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

•In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.

•In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.

•In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN

•Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go’aamada Golaha.

•Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.

     

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Booqday Xarunta howlgallada gurmadka degdegga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi, ayaa saaka booqday xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib Qaraxii Soobe.

Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale maamulaha xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah oo ugu horreyn wasiirka uga warbixiyey howlaha ilaa hadda ay qabteen ayaa sharaxaad ka bixyey diiwaangelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay ka qeyqaadashada gurmadka, isaga oo yiri “Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qeyb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka”.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soojeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Wasiir Fiqi waxaa uu xusay in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee u socota aargoosigooda isaga oo yiri “ Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego argigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliyeed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto”.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud ka tahay dadaallada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda, oo dadka oo dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada Qaraxa Soobe, waxaa kale oo ay Wasaaradda uga qeybqaadatay gurmadka $5,000.

Xilliga Dagaalka iyo Xeeladaha Cadowga

Soomaaliya, waxaa heysta cadow aan arxan laheyn, diin laheyn, damiir laheyn, xishoodna aan laheyn.

Dalku wuxuu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana shacab iyo dowladba loo dhaqaaqey sidii la isaga dulqaadi laheyn cadowgaan nabad-diidka ah, culimaduna ku caddeeyeen in ay yihiin khawaarijta casriga.

Sida taariikhaha Nabad-diidka caalamka soo marey ku cad, markasta oo culeys la saaro, ayna dareemaan in lagu soo jeestey, waxay ku dhaqaaqaan arimahaan;

1) Shacabka ayey beegsadaan iyo birma-geydada, si ay ugu gambadaan xanuunka shacabka

2) Colaado kooxeysan ama qabiileysan ayey abuuraan, si ay ugu dhex noolaadaan

3) Dhaqan iyo odayo been abuur ah ayey sameeyaan, waxayna dhinac maraan dadka bulshada matala ee saxda ah

4) Dhaqaale ayey ku bixiyaan si ay u helaan bulsho kala qeybsan

5) Halbowleyaasha nolosha ayey beegsadaan

6) Cid kasta oo cadow u ah ummadda ay la dagaalayaan ayey soo dhoweystaan

7) Culimada iyo aqoonta bulsha ayey beegsadaan.

Hadaba Soomaaliyeey, haddii nooca cadowga na hayaa sidaas yahey, waxaa nala gudboon;

1) Inaan dhammaanteen u istaagno sidaan isaga dulqaadi laheyn cadowgaan nolosha noo diidan

2) Inaan garab istaagno dowladda Soomaaliya ee sharciyadda heysata, iskana ilaalino xeeladaha khawaarijta ee kala qeybinta iyo isku dirka

3) Inaan yareyno isku imaadka, kana fogaano goobaha saxmadda badan

4) Inaan ilaashano halbowleyaasha nolosha, sida; Jidadka muhiimka, Buundooyinka, Ceelasha biyaha, ilaha dhaqaalaha, goobaha cibaadada iyo dadka muhiimka ah

5) Inaan xogta wadaagno, kana joojino in ay helaan wax dhaqaale ah

6) Inaan wax kasta oo aan heli  karno ku bixinno la dagaalanka Khawaarijta

7) Inaan adkeysi la imaano, loona dabcin khawaarijta naf la-caariga ah inta aan ka adkaaneyno.

Dagaalka lagula jiro khawaarijta ee hadda socda, waxaa ka dhalanaya khasaarooyin nafeed iyo mid hantiyeed, shaqo la’aan iyo faa’iido la’aan, wuxuu yeelanayaa saameyn dhaqaale oo ballaaran. Dulqaad, adkeysi, iyo sabir waa inaan la imaanaa inta laga guuleysanayo cadowgaan.

Ogoow, Qofkii dila iyaga, waa janneystey, key dilaanna, waa janneystey, inshaa Raxmaan.

Dowladda Soomaaliyeed oo aan dareemayo in ay dadaaleyso, waxaan kula talinayaa;

1) In dagaalka la xoojiyo, furimahana la ballaariyo oo dalkoo dhan dagaalka laga bilaabo, siyaasadaha iyo khilaafkana meel la iska dhigo

 

2) In la helo siyaasad lagu maareynayo khasaaraha ka dhalanaya dagaalka lagula jiro khawaarijtu iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan

3) In muddo sanad ah la hakiyo dugsigada waxbarashada, Jaamacadaha, shirarka iyo shaqooyinka dowladda, xooggana la isugu geeyo dagaalka. Tan waxay xoojineysaa dagaalka, waxayna yareyneysaa khasaaraha falalka naf la-caariga ah ee khawaarijta

4) In amni xoogan loo sameeyo ilaha dhaqaalaha, jidadka iyo buundooyinka muhiimka ah, ganacsiyada waaweyn iyo danaha kale ee muhiimka ah

5) In la diiwaangeliyo dadka iyo gaadiidka magaalooyinka waaweyn, ayna ugu horreyso Muqdisho.

Ugu danbeyn, haddii aan u wada istaagno, muddo kooban ayaan dhinac iska marin karnaa khawaarijta iyo inta la socota, waxaana uga gudbi doonaa nabad, hormar iyo barwaaqo insha allah.

Ummad wadajirta, soona jeedda, lama waabin karo.

 

W/QCol. Dr. Maxamed Aadan Koofi

U Gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii Soobe oo Maalintii labaad socda

Dhallinyaro ay Wasaaradda dhallinyaradda iyo cayaaraha ay isku duba riday ayaa maalintii labaad wada u gurmashada dadkii ku waxyeloobay musiibadii Zoobe.

Kooxdan dhallinyaradda ah ayaa dadweynaha ku baraarujinaya inay Isbitaalada tagaan oo dhiig ku deeqaan halka qaarkoodna ay gurmad cunto, dhar iyo waxyaabo kale oo deg deg ah ururinayaan.

Dowladda iyo Shacabka Muqdisho ayaa si wada jir ah ugu gurmaday shacabka soomaaliyeed oo kooxda khawaariju ku xasuqeyn isgooyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Bulshada Dhuusamareeb oo saakay u dareeray Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka

Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Caasimadu yeelato golle deegaan.

Ergo dhan 5-xubnood ayaa kala dooran doonta kursi walba oo gollaha kamid ah, waxaana kursigiiba ku tartamaya labo xubnood.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegtay in  Dhuusamareeb tahay degmadii Shanaad ee golle deegaan loo dhisayo, waxaana hore loogu guuleestay Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Caabudwaaq oo howsheedu dhamaad ku dhowdahay.