MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA MASAR CABDULFATAX AL-SIISI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey dhaqaatiir u dhalatey Dalka Djabuti

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey dhaqaatiir u dhalatey Dalka  aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo qeyb ka ah gurmadka daweynta dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii Argagixiso ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa sidoo kale soo dirtey Daawo ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee argagixisada ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Jabuuti oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Biden oo ka digay in la carqaladeeyo doorashada xilliga dhexe ee 8 November

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe ee toddobaadka soo socda ay qaranka u horseedi karaan wadadii fowdada.

Mr Biden oo la hadlay taleefishinka qaranka ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u midoobaan mucaaradka  doonaya in rabshado siyaasadeed ay u adeegsadaan codbixinta 8 November.

Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Donald Trump iyo taageerayaashiisa ay ka ganacsanayaan beenta shirqoolka iyo xumaanta,halka Jamhuuriyinta ay tilmaameen in Biden uu doonayay inuu kala qaybiyo oo uu leexiyo fikirka xisbiga.

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysan doonaan xukunka Aqalka Wakiilada, halka Aqalka Senetka aan la ogeyn xaaladda uu ku dambeyn karo

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in dalka Mareykanka ay ka bilaabato tartanka loo galayo doorashada xilligga dhexe ,taas oo lagu dooran doono labada aqal ee Congress-ka , gudoomiyaasha gobolada  iyo tan golayaasha deegaanka..

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen falkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022.

Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku celceliyeen in falal kasta oo argagixisanimo ay yihiin dembiyo, isla markaana aan marmarsiinyo lahayn, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysatay. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada xilliyada colaadaha.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen oo kormeerey Dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ayaa kormeerey Dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Kormeerka Madaxweyne Laftagareen ee Garoonka Diyaaradaha ayaa kuso beegmaya xili maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Kulan Xus iyo Duco isugu jira oo loo dhigay muwaadiniintii Khawaarijtu Ku Xasuuqday Isgoyska Zoobe

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa qabatay kulan duco iyo xus ah oo loo dhigay muwaadiniintii Khawaarijtu Ku Xasuuqday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. 29.10.2022.

Kulankan ducada iyo xuska ah oo ay agaasinkiisa laheyd Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Caydaruus Macalim Xasan, Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaradda.

Kulanka inta uu socday, waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Agaasimaha guud Caydaruus Cabdulle, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Boqor Muuse, Agaasimaha waaxda dib u heshiisiinta Cabdiraxmaan Jabiin, Agaasimaha mahcadka dowladaha hoose Cumar Maxamed Caalin, madaxa xuquuqul insaankla wasaaradda Fartuun Rooble iyo la taliyaha maamul daadejinta Cabdifitaax Cali Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka gaareen dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa shirkan ku wehelinaya, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.

 

Kuuriyada Koonfureed oo markale ku edeeysay Kuuriyada Waqooyi inay Gantaallo ku soo ridday

Milatariga Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee maanta, Kuuriyada Waqooyi ay dhowr Gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku ridday Xeebaha bari ee dalkaasi.

Pyongyang, ayaa maalinnimadii shalay sheegtay in aan loo dulqaadan karin daandaansiga iyo dhoolatuska milateri ee ay sida wada jirka ah u wadaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay 10 Gantaal oo noocyo kala duwan ah ku soo ridday Jihooyinka bari ee dalkiisa, kadib markii digniin Cirka ah laga soo saaray jasiiradda Ulung.

Gantaallada ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen meel 26 kilomitir dhanka koonfurta ka xigta khadka ay laba dal ku muransanyahiin ee ku yaala xuduudka badda ee u dhexeeysa labada Kuuriya.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Isniintii billaabay dhoolatus ballaaran oo ay si wadajir ah u sameeynayeen militariga laba dal, kaasi oo la sheegay in uu socon doona illaa Jimcaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaramada midoobay kala hadlay la dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

António Guterres ayaa dhankiisa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo shir Guddomiyay shir looga tashanaayay arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii zoobe2

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cali xaaji Aadan ayaa maantay shir Guddomiyay shir looga tashanaayay arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii KM5 zoobe iyo xaaldaha kale ee mar walba imaan kara.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiiru-Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamuud Xuseen iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Maxamad xasan Maxamad. Waxaa sidoo kale Kulanka qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Abdinasir Mukhtar Ibraahim iyo Dhamaan shaqalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Lataliyaasha Sare ee Wasaraadda.

Qodobadda muhiimka ah ee ka soo baxay Shirka ku saabsan arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii ka dhacay KM5 Zoobe

1. in siwadajir la iskugu xiro hawlaha iskuduwidda ee quseeyo arimaha gurmadka dag-dag ee Caafimaadka haday noqon laheed dhanka Wasaaradda iyo qaybaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya hawlah gurmadka dag-daga ah, sida isbitaalda Guud, kuwa gaarka loo leeyahay , Hay’addaha Amabalaasta qaabilsan ee Bisha cas iyo Amiin Amblance.

2. in ka wasaarad ahaan u diyaar garoowno xal u helida qasraaraha ka dhasha dagaalka lagula jiro aragagaxisadda, iyo sidii loo gaarsiin lahaay gurmad Caafimaad meelaha la xoreeyay

3. Xoojinta iyo balaarinta xarumaha wicitaanka gurmadka Caafimaadka dag-daga ah ee loo yaqaan (Call Center-ka)

4. Xojinta iyo Balaarinta qeybta Gurmadka Gargaarka deg dega iyo ka jawaabidda arimaha xaaladaha Caafimaad ee dag daga ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulushad.

5. Waxaa la sameeyay Guddi Dhaqaala aruurin ah oo ka shaqeeyo hawlaha tabarucaada oo heer Wasaaradeed ah, Kaas oo lagu caawinaayo dadka ay saameeyeen dhibaatadda qaraxii KM5 Zoobe.