Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS oo daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda Adduunka

Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta

Hal ku dhiga munaasabadda ayaa ah sanadkan “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.

Munaasabadda waxaa ka qeygalaya wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James Swan, safiirrada dalalka caalamka u jooga dalka, mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, Ururada Bulshada rayidka iyo Ururka Haweenka.