Ciidanka xoogga dalka oo xaqiijiyay in 10-katirsan argagixisada lagu dilay degaanka Sino dhaqo

Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3aad ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Howlgankaan ayaa lagu qaarajiyey 10 ka tirsan argagixisada Al-shabab iyadoo dhammaan la bur buriyey meelihii gabaadka u ahaa nabadiidka ee degaanada Sino dhaqo, Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin kooxda Argagixisada ay ku dhibaanteyn jireen Shacabka Soomaliyeed.

Taliyaha guutada 17aad ee Kumaandooska Gor-gor ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabsule Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay guulo waaweyn ka gareen howlgalka, iyadoona ciidanka Xoogga wali howlgalo uu kawado gobollada Mudug iyo Hiiraan.