Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska ee gobolka Shabeelaha hoose

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Xerada Bali-doogle ee Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee  gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka  Xoogga Dalka ayaa kormeeray Ururada 4-aad iyo 64-aad ee kumaandooska Danab  iyo Guutada 7-aad iyagoona kula darmaamay inay u diyaar garoobaan howlgalada Ciidanka Xoogga dalka kaga xoreeynayaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Goboladda Dalka.