Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne.
Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka dowladda Soomaaliyeed ayaa howlgal ka wada tuulada Booco iyo degaannada ku xeeran.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inaysan la kulmin wax dagaal ah, ayna sii wadi doonaan howlgalka.
Waa markii ugu horreeysay oo Al-Shabaab laga saaro deegaanka Booco tan iyo markii ay la wareegeen muddo ka badan 13-sanno.
Argagixisada Al-shabaab ayaa deegaanka Booco waxay u aheyd fariisin muhiim maxaa uga furneyd Maxkamad ay dadka ku ciqaabaan, iyagoo sidoo kale ka mid ahayd goobaha ay kasoo abaabulaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.