Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah

Hay’adda fulinta Midowga Yurub ayaa ku baaqday in la dhimo 7.5 bilyan oo Yuuro oo lagu maalgeliyo Hungary, sababo la xiriira walaac laga qabo musuqmaasuqa iyo dib u dhaca dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha Miisaaniyadda Midowga Yurub, Johannes Hahn ayaa yiri: “Hungary waxay haysataa ilaa Noofambar 19 si ay wax uga qabato walaacyada”.

“Hadalkeena wuxuu ku saabsan yaahy jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu Hahn ka sheegay Brussels. “Midowga Yurub ma bixin karo lacag aan si buuxda looga ilaalin doonin is-dabamarin”.

Soojeedintan oo imaanaysa markii ugu horreysay ayaa qayb ka ah siyaasado cusub oo loogu talagalay ilaalinta sharciga ee 27-ka waddan ee Midowga Yurub.