Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta warbixin ka jeedinaya Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Washington DC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulan ka dhacaya Machadka Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee xaruntiisu tahay magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka.

Kulankaasi,waxa uu madaxweynuhu kaga wrbioxin donaa xaaladda dalka,gaar ahaan arrimo la xiriira ammaanka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee loo soo celin karo nabadda iyo xasiloonida guud ee dalka.

Kulankaan oo lagu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh,waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan maamulka Mareykanka ,hey’ado iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo haatan ku sugan magaalada Washington,ayaa la flayaa in Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda SDoomaaliya .